SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Xasuuqii ardayda loo gaysatay iyo dadwaynaha muqdisho oo ka xumaaday.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Dec 25, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 


Maalintii shaley aheyd ayaa waxaa magaalada muqdisho ka dhacay Xasuuq loo geystey ardey dhigata dugsiga sare fasalka koowaad ee AXMED GUREY ee magaalada muqdisho sida ay noogu soo warantay wariyahaHornAfrik Falastiin Axmed Xaaji oo ku sugan magaalada Muqdisho.

ardaydaas ayaa waxaay la socdeen gaari bas ah oo u kireysnaa ,waxaana ku dhintay laba ka mida ah ilaaladii gaariga iyadoo mid ka mida ardeydiina uu u dhintey dhaawacii soo gaarey.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive



waxaa kale Falastiin ay ku soo waramaysaa in xaalad Qatar ah ay ku jirta gabar ka mid ah ardeyda oo ay isbitaalada magaaladu sheegeen inaaney waxba ka qaban karin sabatuna ay tahay maskaxdeeda oo ay Dhibaato gaartey.

Cisbataalkii la dhigey caruurtan oo lagu magacaabo AL AYAAT ayaa waxa buuxiyey hooyooyin fara badan oo iyaga subaxdii caruurtooda u dareersha iskuulada muqdisho.

aqoon yahanada iyo wax garadka muqdisho ayaa arrintan si weyn uga xumaadey waxaana saaka lagu dukatey meydkii midka mida ardeyda dhintey oo lagu magacaabo xuseen sh nuux waxaana saaka dukashadiisa kazoo qeyb galey ilaa iyo 300 oo qof oo u badnaa aqoon yahano culuma,udiin iyo ardey iyo macalimiin iaydoo saaka banaaanbaxweyn ka dhigey muqdisho.

ardeyda wax ka barata dugsiyada muqdisho ayaa banaan bax cidna agaasimin oo iskiis u dhacay iyadoo aaska saaka uu ka qeybgaley ku simaha ra,iisul wasaaraha DKM max,ud faarax ‘indhabuur’ arrintan ayaa waxay aad u kicisey dareenka dadweynaha muqdisho waxaana si weyn loo canbaareeyey dableydii falkaas geysatey.

Amaanka magaalada muqdisho ayaa waxaa uu maalmahanba ahaa mid aad u liita iyadoo wixii ka danbeeyay maqribka magaalada la kala xaroodo isu socodkana uu go,o sidoo kale maalintii ayaa amaan xumadan waxaa si weyn looga fahmayaa qeybaha ganacsiga muqdisho iyo socodka dadka.

waxaana shaley oo kaliya ay dhimashadu gaartey 7 qof oo si kala gooni gooni ah loogu diley magaalada dhaawacana 6 qof.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noocan ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho sida ay falastiin Axmed Xaaji ay ku soo waramayso

-dhammaad-

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD