SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

10 milyan iyo bar ayaa bari u dareeraya codbixinta doorashooyinka Kenya.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Dec 26, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

ilaa 10 milyan iyo bar ayaa 6 aroornimo maalinta bari oo jimca ah waxay safaf dhaadheer uagalayaan goobaha codbixnta dalka kenya oo lagu qiyaaso 18'366 bar guud ahaan 8da gobol ee dalku uu ka koobanyahay.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive




Madaxa gudiga doorashooyinka Mr Samuel Kivitu ayaa ugu baaqay dhamaan dadwaynaha codkooda dhiibanaya in ay xaqiijiyaan sidii bari ay ugu dareeri lahaayeen goobaha sanduuqyada codbixita iyo in loo fudaydiyo waayeelka,bukaanka iyo curyaanka ee codaynaya mar uu noogu warmayay Count Hollka Nairobi.
LATEST NEWS FROM KENYA ELECTION.... READ HERE 


Gudiga doorashooyinka kenya waxaa uu kala socon doonaa arimaha doorashooyinka 17 barood ,waxaana lagu codayn karaa kibaandhayaashii hore iyo kuwa cusubba.

jagada madaxwaynanimada waxaa u sharaxan 5ta hogaamiye ee kala ah musharaxa Narc Mwai Kibaki, Musharaxa KANU Uhuru kenyatta ,musharaxa Ford People Simon Nyajae,musharaxa SDP jemis Orengo iyo musharaxa Jama ja'uma Waweru Ngethe.

waxaa kaloo axsaabtaas ay isku herdinayaan golaha baarlamaanka oo 210 kursi ka kooban iyo 2103 oo ah dawladaha hoose oo dhamaan goboladda ka dhici doona.

lama saadaalin karo cidda ku guulaysanaysa doorashadan maadaama nooceeda horay dalku uuna usoo marin tan iyo markii kenya ay xonimada qaadatay 1963 laakiinse waxaa ugu xooga wayn labada xisbi ee NARC iyo KANU.

Dhanka kale waxaa dalka soo gaaray ilaaliyayaal caalami ah oo la socondoona doorashooyinka kuwaasi oo kala ah ururka barwaaqa sooranka,midawga reer yurub ,maraykanka iyo xarunta madaxwaynihii hore ee dalka oo lagu magacaabo Jimmy Carter Foundation.

waxaa kaloo doorashooyinka la soconaya ilaa 5000 oo suxufiyiinka ka socda warbaahinta dalka iyo kuwa caalamiga ah oo iyana haatan lasiyay karar ay si xor ah ugala soconayaan goobaha codbixinta ee sanduuqyadu ay yaalaan.

waxaa haatan socda munaasabado loogu diyaar garoobayo sidii xilka loogu wareejin lahaa madaxwaynaha cusub ee badali doona madaxwayne Danial Arab Moi oo in ku dhow rubcul qarni soo xukumayay dalka

-dhammaad-

Codbixinta Nairobi iyo Kaalinta Soomaalida
waxaa soomaalida ku dhaqan xaafadda islii, Nairobi, la  hadlay Mr Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa doorashada madaxwaynanimada xisbiga KANU ... GUJI...  24/12

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD