SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Shirkii Soomaalida oo ka furmay Magaalada Eldoret
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 15 Oct, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

 

Madaxwaynaha Dalka Kenya Danial Arab Moi oo shir gudoominaya shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee maanta ka furmay magaalada Eldoret ayaa isagu furay shirkaasi waxaana uu ugu baaqay hogaamiyayaasha iyo wufuuda ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta inay fahan iyo xilkasnimo layimaadaan si ay uga mira dhaliyaan ujeedooyinka dib u heshiisiineed oo taladiisa ay umadda soomaaliyeed leedahay.

Moi waxaa uu sheegay in dalalka IGAD iyo beesha caalamkauba ay gacan kusiinayaan meel marinta go’aanada ay ergooyinka ku gaaraan shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Madaxwaynayaasha IGAD.

Moi wuxuu tilmaamay in kumanaan dad soomaaliyeed ah ay qabaan dhibaatooyin isugu jira macluul , amaan darro iyo nolosha adag ee qaxootinimada iyadoo dalka kenyana uu kujiro dalalka soo dhoweeyay qaxootiga soomaaliyeed kuwaasi oo lagu qiyaaso ilaa 300’000 oo qaxooti soomaaliyeed kuwaasi oo kujira xeroouinka qaxootiga ee dhadhaab iyo kaakuma.

Madaxwaynuhu waxaa uu sheegay in hogaamiyayaasha soomaalida looga baahanyahay inay wax walba ka hor mariyaan danta guud oo qaran loo dhanyahay ay soomaalidu dib u hesho.

Wufuuda ka kala socota beesha caalamka iyo ergooyinka bulshada soomaaliyeed ayaa si rasmi ah shirkii dib u heshiisiinta manta uuga furmay magaalada Eldoret oo 320km dhanka galbeedka kaga taala magaalada Nairobi.

Wariyaha idaacada IQRA Khadija Mayoow oo iminka kusugan goobta shirku uu ka dhacayo ayaa kusoo waramaysa in jawiga shirkaas uu ku bilawday si dagan isla markaana ay tahay goob aad loo qurxiyay.

Ilaa iyo hadda waxaa shirkaasi soo gaaray ergooyinka Puntland oo uu hogaaminayo madaxwaynaha maamulkaas Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed , Gudoomiyaha Baarlamaanka dawlda Kumeel Gaarka Cabdalla Derrow Isaq, Ra’izul wasaaraha DKM Xasan Abshir Faarax, Ergooyin ka socda Ururka RRA, Dawxada Jubba , Xubno ka tirsan SRRCda, Ergooyin uu Hogaaminayo maamulka Jawhar Maxamed Dheere.

Waxaa ilaa iyo haatan Shirkaasi aan ka qayb galin qaar kamid ah hogaamiya kooxeedyada soomaaliyeed.

Furitaanka munaasabadaas waxaa ka qayb galay Diblomaasiyiin sar sare oo ka tirsan Safaarada Maraykanka, Ingiriiska , Faransiiska, Talyaaniga iyo Masaarida.

LIFAAQ:

War hadda Soo gaarey IQRA ayaa sheegay in Muusa Suudi Yalaxow uu joogay shirka, taas sidaas darteedna uu shirka kasoo qaybgalay. Dhinaca kale xasan abshir waxaa la sheegay mar in uu qaadacay furitaanka shirka in uu ka qayb galo laakiin waxaa la sheegtay in uu joogay shirka oo kasoo qayb galay.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Oct 14, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
   
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD