SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - EAST-AFRICA

BBC-da Afrikada Bari oo SomaliTalk Soo Gaarsiisey Qoraal

Qoraalkaas oo aan waafaqsanayn hab-saxaafadeedka xorta ah.

Qoraalkan hoose waxa uu SomaliTalk kasoo gaarey BBC-da Laanta Afka Soomaaliga qaybteeda Afrikada Bari, taas oo sida qoraalka ku cad ay kaga jawaabayeen qoraal  uu cinwaankiisu ahaa "BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa" oo July 4, 2002 kusoobaxay SomaliTalk, Sida ku cad qoraalka ay BBC-da Afrikada Bari nasoo gaarsiisey, sida aad ka markhanti noqondoontid, waa mid aad uga dheer habka saxaafada xorta ah, jawaabtana waxaan u deyney Akhristayaasha, waanakan qoraalkii sida uu usoo qoray weriyaha BBC-da Afka Soomaaliga ee Afrikada bari. 

###

HOTRA SHARIIFOW ADIGA MAXAAD KU TOORANTAHAY?

Abdirizak Atosh abdirizak.atosh@bbc.co.uk 

Tue, 9 Jul 2002 12:25:13 +0100

Marka hore waxaan layaabay bogga aad katahay editor mabog lagu caytamaa mase waa bogg saxaafadeed, tan kale waxaad waxaa wax lala yaaba ha in adigoo sheeganaya suxufinimo hadana aad u isticmaasho dadkii 12kii sano ee ugu dambaysay baadiyaha naga soogalay fikirkii iyo qaabkii ay ku dhaqmayeen ee ahaa kii noo keenay qaxa iyo dhibaatada maanta taagan in aad adigoo sheeganaya in waxbartay hadana aad si kadaran ku waaas aan soo sheegay u dhaqanto, waa ayaan daro, waxaana wax lala yaabo qaabka aad u dhaqmayso.

 
"waxaan ku waydiiya idaacada bbc-da waa idaacada kaliya ee aan wax ka dha gaysano ee noo faahfaahiso aqbaarta aduunka, waana ku raacsanahay in ay idaacada bbc-da ay quudiso maskaxda soomaalida, waana run erayadii kasoo yeeray editorka idaacada bbc-da yuusuf garaad cumar" Abdirizak Atosh, BBC East Africa  
waxaan ku waydiiya idaacada bbc-da waa idaacada kaliya ee aan wax ka dha gaysano ee noo faahfaahiso aqbaarta aduunka, waana ku raacsanahay in ay idaacada bbc-da ay quudiso maskaxda soomaalida, waana run erayadii kasoo yeeray editorka idaacada bbc-da yuusuf garaad cumar, waana dhagaysan doonaa waligeen ee waxaan kuu sheegayaa in aad iska saarto qashinka iyo cuqdada qabiilka iyo wax quur la'aanta aad kujiro, yuusuf waxa uu ku gaaray meesha uu maanta jooga waa Aqoon iyo daacadnimo ee inta uu kugu jira damaca wax quur la'aanta ama hebal siduu ku gaari karaa sidan waligaa halkaas dhaafi maysid.

waxaan kaloo ogaanay in ay somalitalk tahay meel dadka, dadka soomaalida wax tara lagu fadeexeeyo laakiin soomaalidu way ogtahay qofka waxtara iyo kan adigoo kale ah oo waligiis qabiilka, iyo wax quur laaanta maanta intaas na soogaarsiiyay ee qabqablayaasha kooxa isticmaalaan in aad hadna saxaafada u isticmaasho waa ayaan daro shariifoo aniga kumaba dhihi karo shariif, sababtoo ah waadba soo bililiqaysatay magacaas sida aad hadaba ugu hanqal taagayso wax aadan waligaa gaaraynin ee waxaan ku dhihi lahaa asaagaga la' daaq shariif isku sheegiyoow.

###

Qoraalkasi waa kii SomaliTalk kasoo gaarey weriyaha BBC-da Afka Soomaaliga ee Afrikada Bari, Abdirizak Atosh, abdirizak.atosh@bbc.co.uk 

Nairobi, Kenya

»»DOODiifurayd: BBC-da Soomaaligu ma Quudisaa Maskaxdaada.?

 "
Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga."
Yusuf Garaad

LIFAAQ:

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa soo fool leh shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]
  • DOODFURAN: Ra'yigaaga toos uga dhiibo Halkan 

 

July 11, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com


WARARKA KALE EE JUNE  

MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
SEEFAHA QARSOON EE SUXUFIYIINTA
Saxaafadu waa aalad aad u awood badan oo dhankasto loo isticmaali karo,waxna waalagu burburinkaraa laguna dhisi karaa,qofka suxufiga ah waxaa israaqadiisa rabi ku daray waxqoris iyo tebin,si markaasi suxufigu aanu u noqon mid wararka uu tebiyo aan lagu kalsoonaan karin waa inuu noqdaa mid ka hufan ceeb oodhan oo aan dhana u janjeerin.
GUJI.....

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD