SOMALITALK.COM  


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

"BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa."       Yusuf Garaad


Astaantii BBC-da ee uu Garad ku qaybiyay Minneapolis.

Minneapolis, Minnesota | Wax loo maleeyay shir jaraa'id asiise ka ujeedo iyo salbalaarnaa, kan oo goortii dambe lakala saari waayay sababta iyo macanaha loo qabanayay, hadiise la goostay in la qabto oo ay dhacdayba loo doortay Jaamacadda Minnesota, arimo dhoowr ah oo is-huwan kuwan oo inbadan oo dhalinta ah jaah wareeriyay ayay ahayd tii galabta aanu la  kulanay kadib markii aniga iyo dhoowr dhaliinyaro ah oo ila socday aan isku sii qaadnay qol ka mid ah qolalka Jaamacada Minnesota, wax ogaysiis ama marti qaad ah oo aan helnay ma aysan jirin, dhalinta magaaladda wax ogaana warkeedaba daa, Yusuf Garaad oo aan in mudo ahba ka maqlayay codkiisa Idaacadda  Codka Gumaysiga Siloon ee loogu yeero BBC-da Soomaaliga ayuu ahaa ruuxii madashaa dhabar iskataabashadda loo caqiday, dhaliinyaro badan oo arday ka ah Jaamacadda Minnesota oo aan dariiqa kusoo arkay sidaas oo kale iyaguna wax war ah oo ku jeeda madashan ma aysan qabin.

 

 "Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad
Soomaalidu waxay tiraahdaa war la ogyahay xiiso ma leh, waxaan u haystay in ay tani tahay sideenii iyo shirarka tirada badan ee todobaad walba lagu qabto Minneapolis, laakiin markii aan xoogaa dhagaystay sidii ay u soconaysay madashan ayaa dareen  ka dhashay indha iskatuurkii Garaad  iqarqiyay, waxaan u haystay mar hadii Soomaalidu inteeda badan akhriska iyo qoraalka baratay in aynu si dhan u fahamnay in aan cidna wax aan qornayn loo sheegi karin..laakiin waxii aan kusoo arkay galabta halkaa ee Garad afkiisa ka deganayay yaab yaab iyo anfariir leh.

Hadalka oo intiisa badan ku socday amaanta BBC-da ayaa hadana aad moodaa in uu Garad si aan gabasho lahayn usoo bandhigayay aragtida gumaysiga iyo sida uu doonayo in uu inta uu ka gaaro geliyo fikradaha soo kala horjeeda ee lagu kala dilayo Ummadda Soomaaliyeed.

Inkasta oo ay u muuqatay ujeedada bal in uu Yusuf Garad madasha keeno ka hadalka BBC-da iyo uruurinta fikradaha ay Soomaalidu ka qabaan taa, waa sida la malaynayo e. Hadana dhaliinyaro Soomaaliyeed oo aad khayrka iyo Soomaalinimaduba ugu wayn tahay oo aan ku kulanay halkaa marnaba kama aysan gaban in ay waydiiyaan Su'aaliba su'asha ay ka adagtahay marka laga hadlayo wixii uu Garad galabta lasoo shir tagay.

Gabadh ardayda Jaamacadda ahayd ayaa waydiisay mid ka mid ah su'aalihii ugu mudnaa ee ay ahayd in la waydiiyo waxay tiri: Maxay ahayd ujeedadii uu gumaysigu ka lahaa waqtigii uu aasaasayay BBC-da qaybta ku hadasha Afka Soomaaliga...Waxa uu ku jawaabay BBC-da waxaa loo asaasay in ay fikradaha  Ingiriiska gaarsiiso meelwalba oo dunida ah iyadiiyoo ku hadlaysa ilaa iyo dhoowr iyo afartan luqadood, anaga hadaan Somali ahaan isaga hadalno..isugu kaa mid ma ahan qofka kugula hadla afkaaga iyo kaan kugula hadlin..Tusaale ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska keebaa kuu dhow? kan ku hadla

"Bin Laadin doona inkasta oo beryanba lagu sheegayay Soomaaliya xeebaheeda" Yusuf Garaad
afkaaga soow ma ahan!  Haa,  waxaan xasuustaa nin Soomaali ah oo la waydiiyay xiligii gaargaarka Soomaaliya ay u tagtay UN-ta, hadii dalalkii kale oo dhan ay noo yimaadeen oo ay gargaarayaan Soomaaliya maxaa ku dhacay oo uu Ingiriisku oga qayb qaadan waayay hoowsha gargaarka, waxa uu bixiyay jawaab aad looga helay, wuxuu yidhi  qolyahan noo yimi waxa ay naga quudinayaan Jidhka iyo dhismihiisa, Ingiriiskuna waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga.

Mar wax laga waydiiyay Yusuf Garad hadii Soomaaliya maanta ay ka baxday indha-kuhaynta  iyo ka warqabkii aduunku u hayay sidee baad u malayn kartaa in taa dib loogu soo celin karo ama mar kale gargaar iyo dib u heshiisiin ay oga heli karto dunida...Waxa uu ku jawaabay, si weliba jeesjees ba'ani ka muuqdo, Bin Laadin doona inkasta oo beryanba lagu sheegayay Soomaaliya xeebaheeda.

MA WARIYE BBC BAA, MISE RAADIYO HARGEYSA Caddani

BBC iyo CODBIXINTII SOMALILAND [Xaamud Cali]

What is in it for the BBC? [Press]

Letter to Ms Blackburn of BBC By Gaashaan

BBC: No Longer a Source of Reliable News!! By SHASNA Mediawatch

AN OPEN LETTER to the BBC World Service and the BBC Somali Section Leadership By SHASNA

Argagaxisada ugu weeyn ee Soomaaliya waxaa ugu horeeya Cidaacadda BBCda Laanta Afka-Soomaaliga Arlaandi 

Idaacadii BBC-du ma waxay isku rogtay Raadiyow Muqdisho Horseed   

Isla madashaa waxaa wax laga waydiiyay Garad xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya maanta ay ku sugantahay iyo sida qolyaha usoo xooraamiya arimaha qarsoodiga ah ee Soomaaliya, waxa uu oga jawaabay...meelwalba imika Soomaaliya waa nabad oo keliya waxaa beryahan dhibaato ka taagnayd gobolka Gedo iyo Muqdisho oo iyadu aysan dagaaladu kaba dhamaanba.

Siday dooniba ha noqotee waxaa uu Yusuf Garad olole wayn beryahanba ugu jiray sidii  afkaarta Gumaysiga loo gaarsiin lahaa Soomaaliyi meel ay joogtaba, gaar ahaan dalkeenii Soomaaliya oo sida in badan oo Soomaali ahi ogyihiin  in inbadan oo Soomaali ah ay aamninsanyihiin in ay BBC-da Afka Soomaaligu qaadatay qaybta  ugu wayn ee burburkii Soomaaliya, waxaad la wada socotaan intiina ka warqabta  BBC-da Afka Soomaaliga in uu gobolo badan oo dalkeenii ah ka hirgeliyay ka dhagaysiga BBC-da mowjadda FM-ka ee fasiixa ah. 

Isku soo wada duub BBC-da Afka Soomaaliga iyo shaqaalaheeda ayaa ka dhigan halkii geedka iyo masaartu kuwada hadleen ee uu geedku yiri "Masaareey saas iima aadan gooyseen hadaan gabalkey kugu jidhin".  

 

SheriffOsman

editor@somalitalk.com

University Of Minnesota

LIFAAQ:

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa soo fool leh shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]
  • DOODFURAN: Ra'yigaaga toos uga dhiibo Halkan 

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN DHAMMAAN QORAALADA KUSOO BAXA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA XIRIIRI KARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA (Editor-in-chief), Eng. Maxamed Cali Aadan, OO LAGALA XIRIIRIKARO http://www.somalitalk.com/feedback 

 

July 4, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com

_________________________________________________ 


Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...    GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN


Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya.. AKHRI.HALKAN


AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN


Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 


Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


WARARKA KALE EE JUNE  

MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD