Intii aan showrku
bilaabmin ayaan soo beegsaday madashii kulanka, inkasta oo goobtii hore ee
kulanka labedeley oo daqiiqado nagu qaadatay in aan helo goobta cusub,
hadana markii aan halkaas soo galay waxaan la kulanay miis ay gabdho
Soomaaliyeed oo xiran khimaarkii calaamada Islaamka ay kuu dhiibayaan
warqada ajandaha shirka oo ay ku qoranyihiin qodobada aan kor ku xusay,
halkaasna qofkasta oo madasha gala lagaga saxiixayo warqad tirokoob ahaan
inta qof ee halkaas timid. Horay
ayaan u siigalay qolkii madasha, mase waxaa halkaas la safay kuraas lagu soo
wareejiyey qofka oo iska soo horjeed ah, waa qaabka shirarka caalamaiga ah
loo qabto, xagaa geeska ahna waxaa ka muudey cabitaan safan oo sida ku cad
warqada ajandaha ay ku deeqday makhaayad Soomaaliyeed oo lagu magcaabo
"Chicago Subs" taas oo waagii hore loo aqoonjirey Taleex. Horay
ayaad halkaas uga sii qabsan kartaa buskud iyo cabitaan, kurisgii aad
doontidna waad fariisankartaa. Waxyaabihii
kulanka laga soo jeediyey waxaan kusoo koobi karaa qodobadan:
-
Hadal yididiilo leh
-
Hadal naxdin leh
-
Hadal dhiilo leh
-
Hadal Qiiro leh
-
Hadal Dhiiri gelin ah
Qiimaha Dadka
Ugu
horaynta madashii waxaa ka hadlay sheekh C/Raxmaan Sh. Cumar oo kamid ah culimda
magaalada Minneapolis, waxana uu halkaas dadka ku xusuusiyey in aan ku
dhalanay diinta Islaamka, ayna tahay in aan raacno kuna dhaqano diintaas suuban. Waxana uu shiikhu xusay qiimaha ay leedahay mas'uuliyaddu iyo in
qofka la weydiinayo inta xukunkiisa hoos yimaada, taas oo uu weliba
xusuusiyey qisadii "haddii faras ku kufo shaam, Allah wuxuu i
weydiinayaa muxuu faraskaasi u kufay". Waxa kale oo shiikhu dadka ku
adkeeyey kelmedaha macruufka ah ee "ninkii na khiyaameeyaa naga mid ma
ahan". Waxana uu hadalkiisa ku soo xiray in nin lala tashaday uu yahay
nin la aaminey. Waano iyo wacdi kama marnayd hadalkii shiikha.
Waxaa
hadal qaybiyaha shirka oo ahaa Xuseen garabyare uu magarafoonka u dhiibey
Maxamuud Nuur Wardheere oo ah qabanqaabiyaashii madashan caawa. Wardheere
waxa uu yiri "Qiimaha ugu weyn ee qofku heli karo waa dadkiisa".
Kaftan gaaban oo loo dhiibey oo ahaa oraahda Shoorka oo ahayd cinwaanka
ajandaha in loo qori lahaa
showrka ayuu Wardheere ku warceliyey waa kelmed laga isticmaalo Jubada Hoose,
taas oo lagual kaftamay in ay katimid B/Qooqaani. Wardheere oo haalkiisa sii
wata waxa uu halkaas ka cadeeyey in qiimaha dadkiisa uu bartay doorashadii
uu u galay duqa magaalada Minneapolis ka bacdi. Wardheere waxa kale oo
madashii u sheegay in Soomaalida reer Minnesota haystaan furad qaali ah oo aan jaaliyad kale
oo Soomaaliyeed aysan haysan,
sidaas darteedna ay tahay in aan ka faa'iidaysano. "Aan caqliga isu
geyno" ayuu yiri wardheere, waxana uu hadalkiisa kusoo xiray "ma
tashanaa,
mase isma qarinkaree sidaas ayaan ahaanaa" isagoo halkaas ku muujinayey
tirada badan ee Soomaalida ah ee kunool Minnesota, oo lagu tilmaamo
Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan Maraykanka. Waxbarashada
Waxbarashada
markii laga hadlayey waxaa hadal yididiilo ah muujiyey Cabdiraxmaan oo
sheegay in 4000 ilaa 5000 arday Soomaaliyeed ay dhigtaan dugsiyada
Minnesota, gaar ahaan dugsiyada dadka u dhexeeya (public schools), halka
ilaa 200 ay dhigtaan dugsiyada khaaska ah (charter schools). C/Raxmaan oo
hadalka sii wata waxa uu sheegay in aan leenahay rajo fiican haddii
ardaydeenu ay sidaas wax u baranayaan.
Maxamed
Xasan Maxamuud oo ah bare Soomaaliyeed ayaa isagu muujiyey hadal dhiilo leh,
waxa uu sheegay in sannadkaan 2002 qiyaastii la sameeyey 12% (boqolkiiba 12)
ardayda Soomaaliyeed ay dugsiyada ka haraan (drop-out), qiyaastaas oo
uu sheegay in lafilayo in ay dhowaan gaarto ilaa 25%. Waa tiro aad u xanuun badan hadii
arintu noqoto sida la qiyaasay. Taas waxaa Maxamed Xasan sabab uga dhigay in
aan carruurta Soomaaliyeed Iskuulka waalidkood kaga daba iman, ama ku
imtixaamin waxa ay baranayaan, waxaa sabataas sii xoojiyey, ayuu yiri
maxamed Xasan, waa qoysaska Soomaaliyeed oo u badan hal hooyo oo carruurta
keligeed korineysa kuwaas oo ingiriiska lagu yiraahdo (Single Mom). Waxa kale oo uu sabab ka dhigay in carruurta Soomaalida la baro waxa loogu
yeero "Somali Math", taas oo marka ay waxbarashada sare
raadsanayaan loo arko in muqararka ay soo barteen uu ka hooseeyo kii
fasalada kale. Si aan la qiyaasi karin ayaa Maxamed Xasan intii goobta
fadhidey ugu adkeeyey oraaahda ah "Carruurtu waxay u baahantahay in
iskoolka looga daba yimaado". Intii
waxbarashada laga hadlayey goobtii madasha ayaa shariif dadkii u soo qadimey
wiil dhallinyaro ah oo caawinaad u baahan. Wiilkii dhallinyarada ahaa
[sawirka midig] oo kamid ah dhallinta Iskuulkiisa looga xushay in loo tababaro
hogaamiyaasha [leadership], kan oo ah ardaygii Soomaaliyeed ee u horeeyey ee habkaas lagu
xusho, ayaa madasha horyimid, isagoo dadkii isaga waramaya, taas oo sida uu
wiilkaasi sheegay uu u baahnaa $1145 oo safar iyo tababar kaga
baxaya, lacagtaasna goobtii ayaa intii madasha fadhidey isugu qoreen in ay
bixinayaan. Tan oo lagu tilmaamay guushii u horeysey ee kasoo baxday kulamka. Qoyska
Caddaani
ayuu haa qofkii u horreeyey ee ka hadla arimaha bulshada, waxa uuna si qiiro
leh u sheegay in dhibaatooyin badan ay haystaan dadkeena. Caddaani waxa uu
yiri "Xaaladda dadkeenu kujiro waa mid oohin leh". Mar uu la
hadlayey dadka u adeega jaaliyadda waxa uu yiri "Haddaad Soomaali u
hadleysid waa in aad Soomaalida taqaan". Waxana uu dadkii madasha
joogey ku adkeeyey in loo baahanyahay "Qalbi daacad ah iyo dadkaaga oo
aad la tashatid". Isagoo markale la hadlaya dadka Soomaalida u dooda waxa uu
yiri "mararka qaarkood inagaa dhibaatada dadkeena u keeneyna inagoo
abuukaatayaal iska dhigeyna", waxana uu cadaani hadalka kusoo gabagabeeyey isagoo u sheegay inta Soomaali wax u qabatay in abaal loogu hayo.
hayeeshee caddaaani hadalkiisii ma dhamaysan isagoo aad u qiirooday awgeed
ayuuna codkiisii is-bedeley. Isku xirihii shirka ayaana qiiradaas ku
ammaanay. Weli
arimihii qoyska ayaan ku dhejiraaya waxaa qisadii ugu yaabka, naxdinta iyo
mucjisada badnayd madasha ka soo jeediyey C/Risaaq Lafoole, qisadaas oo
dadkii meesha fadhiyey ka yaabisay, taas oo ah in uu sheegay in Soomaali
badan loo diray dhaqan celin kaddib markii dumar caddaan ah oo iska soo
dhigay kuwo jirkooda ka ganacsada ay gorgortan la galeen, markii ay
qiimaha isla meel dhigaana boolis meel ugu qarsooni hareeraynayo, halkaasna
loo dirayo dhaqan celinta loo diro dadka dhaqan xumada ku dhaqaaqa. Waxaa
taas ka sii yaab badnaa markii uu C/Risaaq sheegay in nin Soommaaliyeed oo
xaas iyo toddoba carruur ah leh ay Boolisku arintaas u qabteen oo u direen
dhaqan celinta. Waxa qisadan inteeda badani ka dhacdaa wadada Frankline iyo
agagaarka wadada Chicago ee magaalada Minneapolis, sida uu sheegay C/Risaaq.
Waxana uu goobtii ka cadeeyey in uu isaga qudhiisu la kulmay gabdhahaas, oo
ay kula gorgortameen arnitaas dhaqan xumida ah. Digniin ayuu C/Risaaq
halkaas uga soo jeediyey Soomaalidu in ay ka taxadaraan gabdhahaas jirkooda
ka ganacsada ama iska soo dhigaya in ay ka ganacsadaan si ay kuu loogaan.
Taas oo aanba ku banaanayn diinta Islaamka.
Nin
dhallinyaro ah ayaa goobta kasoo jeediyey hadalkii ugu dhiilada badnaa,
waxana uu yiri "16% (boqolkiiba 16) dadka Afrikaanka ah ee Minnesota
kunool waxay qabaan cudurka AIDS-ka". Marka qiyaas hadalkaas lagu
sameeyo waxaa kaaga soo baxaya dadka Afrikaanka ah ee kunool Minnesota in ay
Soomaalidu ugu tiro badanyihiin, sidaas darteedna uu cudurkaasi noqonaya mid
halis ku noqon doona qowmiyadda Soomaalida. Maxamuud Nuur waxa uu ka
socdey daryeelka dadka iyo qorshayntooda, waxana uu hayaa akhbaar muhiimad
weyn u leh qiyaasta lagaga hortigi karo cudurada faafa. Waxa kale oo halkaas
laga xusay in 75% dumarka carruurta ku koriya wadankaan ee Soomaalida
ah ay yihiin hooyo keligeed ah (single Mom). Waxaa kale oo halkaas laga
xusay habka loo yaqaan "Welfare" oo soomaalidu ugu yeerto lacagta
cayrta, taas oo la sheegay in ay tahay in si qumaati ah loo fahmo. Mar
uu Xasan Jaamici arimaha Qoyska ka hadlayey waxa uu sheegay in dadka
Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Maraykanka qiyaastii 60% ay ku
dambeeyaan furiin ama qoysaska kala taga.
Qaadka
ayaan la ilaawin in laga hadlo, kaas oo Maxamed Xaaji Xuseen uu sheegay in
qadku dembi ka yahay carigan, waxana uu ku booriyey madasha sidii looga
hortegilahaa imaanshaha qaadka. Waxa uu Maxamed Xaaji dadka
ku guubaabiyey in "ka hortaggu uu ka fiican yahay dawaynta" taas
oo uu ku sheegay in ay tahay in dadka la waaniyo, gaar ahaan carruurta si
aysan ugu biirin kooxaha loo yaqaan gangs-ka. Ganacsiga Ganacsiga
Soomaaliyeed ee magaalada Minnesota dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa
maamulaha suuq-weynaha Alkarama, Maxamed Keynaan, oo sheegay in 70%
macaamiishiisu ay yihiin dumar Soomaaliyeed kuwaas oo ka ganacsada waxa loo
yaqaan bacadlayaasha. Waxana uu Maxamed xusay sida ay lagama maarmaanka u
tahay in la dejiyo qorshe ganacsi, si ay u kobcaan ganacsiga Soomaaliyeed.
Waxa uu Keynaan xusay bangi kuyaal magaalada oo uu ku tilmaamay in uu yahay
mid aad ugu fiican ganacsatada yaryar. Alkarama Somali Mall waa suuq
Soomaaliyeed oo kuyaal xaafada Cedar oo ah xaafada ay deggan yihiin
Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan Minneapolis. Suuqa waxaa ku dhexyaal
adeegyo badan oo Soomaali leedahay.
Xuseen
Samatar ayaa sidoo kale ka hadlay ganacsiga Soomaalida, waxana uu sheegay in
qorshe la'aata ganacsigu ay keeni karto khasaare, isagoo Xuseen arintaas
tusaale u soo qaadaanaya waxa uu sheegay qiso kusaabsan Makhaayad ay dad
lacag isku darsadeen, taas oo ugu kacday $100,000, kaddibna lasoo ogaadey in
ayba adagtahay in makhaayadaas la furo. Weliba waxa uu Xuseen sheegay
in qiimaha ku baxay makhaayadaas uu hada sii cagacagaynayo ilaa $350,000.
Waxaana sahlanayd in inta aan waxaas oo kharash ah la gelin hal telefoon loo
diro minishiibayada magaalada oo la weydiiyo shuruudaha makhaayad halkaas
laga furidoono. Waxa kale oo Xuseen digniin ka bisiyey in aan la saxiixin
qandaraas (lease) aan la garanayn waxa ku qoran. Taas isagoo sii akaynayana
waxa uu yiri "intaadan falin ka fiirso". Ganacsiyadii
kale ee halkaas laga xusay waxaa kamid ahaa suuqa Karameel, suuq oo
kuyaal St.Paul, iyo suuq kale oo al furidoono, iyo dukaanka Durdur.
Mar aan si gooni ah ula sheekaystay ganacsade Soomaaliyeed oo madasha joogey
waxa uu xusay ganacsade Axamed Cirday oo uu yiri waa qofkii Soomaaliyeed ee ugu
horeeyey ee Minnesota Keenay Hilibka geela, kaas oo maanta haddii aad u
baahatid hilib geel aad meelkasta oo hilib xalaal lagu gado oo kuyaal
Minnesota ka helikartid, waxana ganacsadahaasi xusay in lasoo wado in
Minnesota la keeno caano geel. Dabcan intaas oo dhami waxay ku tuseysaa
koboca ganacsiga yaryar ee Soomaalida Minnesota oo aan u malaynayo in ay
tartan kula jiraan Soomaalida Columbus,
Ohio oo mar aan sannadkan bartamihiisii booqday i farxad gelisey sida ganacsigoodu u fidayo. Immigration-ka
Siciid
Faahiye ayaa aad ugu dheeraaday arimaha ku xeeran Immigration-ka iyo sidii dadka aan dhulkan ugu nimid ula macaamili lahayn. Siciid oo hadalkiisa
fure uga dhigay oraahdan "Waa lay xirxiraye ma reerkaygaa shiraysanaya"
, asagoo qiyaas ahaan uga hadlaya dadka dhulkaan degganna, waxan uu yiri:
-
10-20% waa dad jecel dadka
laajiyiinta ah (immigrants)
-
10-20% waa dad haddii
Immigrat-igu wanaagsanaad raaca
-
10-20% waa qayb neceb Immigrants
-
10-20% waa kuwo sooba
jeediya in lala dagaalami Immigrants
Halkaas isagoo Siciid
tusaalihiisa ku celinaya ayuu yiri "Allah aan ka barino in aan dhibkale
wadankan ka dhicin" waxana uu yiri waxaa dhankeena marwalba looga
baahanyahay midnimo, qorshe iyo iska warqabid. Siciid oo hadalkiisii sii
wata waxa uu yiri waa in aan baranaa deriska lagu kalsoonaan karo, waa in
aan is ixtiraamnaa, oo yeynaanba madax yeelane bal aan isu nimaadno. tankale
ayuu yiri Siciid waa in aan ogaanaa waxa aan ku hadleyno, waan in
hadalkeenu is waafaqaa, wa in aan xog haynaa, haddii aadan wax ogeyn waxba
ma qabsan kartid, waana in aan helaa meel aan wararka saxda ah ka helikarno.
Waxaa jira ayuu yiri dad aan isku dan nahay sida dadka Islaamka ah, madowga,
iyo dadka dhulkaan asal ahaan u dhashay, waa in aan la soconaa taas. Yeynaan
isla qumanaan ee aan wada tashano ayuu Siciid Faahiye hadalkiisii kusoo xiray.
Xasan Jaamici ayaa si
ballaaran uga hadlay arimaha Soomaalida ku xirxiran dalka Maraykanka, isagoo
sheegay in qaar la isugu keenay Louisiana,
kuwo kalena ay ku xiran yihiin Seattle iyo Minnesota, waxana uu ka waramay
nidaamka Immigrationka. Sharaxaad asagoo ka bixiyey nidaamka tarxiilka
Soomaalida xirxiran oo
uu sheegay in ay u badan tahay in aan la fulin maadaama uu ka hor imanayo
qawaaniinta caalamiga ah isla markaana aysan Soomaaliya ka jirin dawlad dhexe
oo dadkaas kafaala qaadeysa, hadiiba ay ka jirto aan Maraykanku
xiriir la lahayn. Waxa uu Xasan sheegay in ay booqdeen 7 xabsi kuwaas oo ay
ka agaasimeen nidaam ay dadka Muslimiinta ah ku helayaan masaajido ay ku
tukadaan xabsiga dhexdiisa. Waxa kale oo goobta Xasan ka sheegay in la
qiyaasay in Soomaalidu kusoo badanayaan xabsiyada maraykanka, sidaas
darteedna, ayuu yiri, waxaa la tababarayaa dad dhaqankooda fahmaya oo
ilaalin doona, halkii dhaqan celis looga samayn lahaa si aysanba dembi u
gelin. Waxa uu yiri "taxadar, laakiin xuquuqdaada ilaali". Arimaha
kale ee uu Xasan ka hadlay waxaa kamid ahaa arinta bedelida cinwaanka
(address change) oo uu
sheegay in uu ahaa qaanuun la dejiyey 50 sano kahor, uuna akhuseeyo dad gaara.
Sidaas darteed ayuu yiri marwalba arimaha Immigration-ka khuseeya kala
tashada qareen. Xasan Jaamici arimahaas oo dhan waxa uu ku bilaabay hadalkan
"Dhibaatada nahaysata inagaa isu keenay, jawaabtana quraankaa bixiyey"
asagoo hadalkaas sii watana waxa uu yiri "inagaa wadankeenii iska soo
saaray, wadankii aan sharafta ku lahayn, xalkuna waa in diinta loo noqdo,
markaas ayaan walaaloobeynaa".
Dadkii kale ee ka hadlay
arimaha u doodista xuquuqda Soomaalida waxaa kamid ahaa Jamaal oo ka
sheekeeyey guri xafiis laga siiyey oo uu yiri waxaa ku nool Soomaali aad u
tirabadan taas oo uu sheegay in lagu wareerayo sida aysan nidaamka u
ilaalinayn. Taas oo uu ku muujinayey in ay tahay inaan qawaaniinta iyo
nidaamka dhawrno.
Siyaasadda
Maxamuud
Shaafi
ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay arimaha siyaasada la xiriira, wixii ugu
horeeyey ee uu xusayna waxay ahayd guushii ay Soomaalida Minnesota ka gaareen
doorashooyinkii dhowaa iyo kulankii aadka loo soo agaasimey ee 19kii
October 2002 ay Soomaalidu kula kulmeen labadii siyaasi ee markaas ugu
horeeyey tartankii aqalka Odayaasha Maraykanka. Shaafi oo hadalkiisii sii
wata waxa uu yiri "wadankani waa codkaaga", hadii la midaysan
yahayna codka wuxuu noqonayaa mid lagu gorgortamikaro. Siyaasad ahaana waxaa
cadaatay in Soomaalidu aysan hal xisbi isku xirayn ee ay fiirsanayaan
xisbigii dantooda wada, kaasna ay codka ku biirindoonaan. Shaafi oo
tilmaamayey meelaha dhaliishu Soomaalida ka haysato waxa uu yiri "Tusaale
ahaan maalin ayaa guri ay Soomaalidu u badan yihiin dadkii gurigaas deganaa
la isigu yeeray, markaas ayaa waxaa shirkii yimid oo keliya islaamo qowmiyad
kale ah intii ka deganaa guriga, kuwaas oo aanba rabin in cidkale guriga soo
gasho, markaas ayaa gurigii waxaa lagu soo rogey in aqoonsi la isweydiiyo"
hadii Soomaalida inta degan ay kulankaas iman lahaayeen cod ayaa la qaadi
lahaa in aan aqoonsi la isweydiin karin, inta tirada badan ayaa codka
leh, hadase waxaa halkaas xukunkii ku dhacay intii badnayn oo faraskoodii ka
gaabshey, waa maahmaahdii Soomaalida ee ahayd Ninkii seexdaa sicii dibi
dhalay. Shaafi waxa uu hadalkiisii kusoo xiray in aan xoojino sidii aan
uga qayb qaadan lahayn arimaha siyaasada ee saamaynta inaku yeelan kara, isla
markaana aan xoojino waxbarashada.
Cabdisalaan ayaa isaguna
guubaabiyey Soomaalida isagoo dhahaya "Waddankaan dadkaan la leenahay,
kawarama haddaan cabsano, xagee aadeynaa". Isagoo hadalkiisa sii wata
waxa uu yiri "Haddaad keligaa tahay waad cabsaneysaa" sidaas
dateed waa in aan midownaa, waa in aan isku cod ahaanaa, waa in aan nafteena
qadarinaa, waa in aan is qiimaynaa, ayuu yiri c/salaan.
Waxaa
ugu dambayntii cod tebiyihii madasha lagu soo dhoweeyey Professor Cali
Khaliif Galayr oo markiiba tilmaamay in dadkii hore khibradooda wax laga
faa'iidi karo. waxana uu si kaftan ah u yiri "bahashu yeysan noqon
xiniinyaa i-shidayee, ha noqoto xagee wax ka qabanaa". Isagoo shirkii
caawa sifaynayeyna waxa uu yiri "gorayo ayaa tiri meesha hal lug
ayaan gashanayaa, hadii ay fiicnaatona tan kale ayaan ku darayaa, haddii ay
xumaatona waan kala soo baxayaa lugta" taas oo uu ku sifeeyey in
madashani ahayd mid faa'iido leh.
Prof. Cali Khaliif oo hadal
murtiyeed soo jeedinayey ayaa yiri " islaan (ayeeyaday ah) ayaa shaaha
aad u jeclayd xiligii uu soconayey dagaalkii labaad ee adduunku, waxaa is
dagaalay talyaanigii iyo Ingiriiskii, markaasaa waxa dhacay bad-xiran,
sidaas waxaa ku dhacday shaah la'aan, wiigag markii ay kasoo waregtey ayey
tiri yaa is dilaya, markaas ayaa la yiri talyaani iyo ingiriis, markaas ayey
tiri war nimanku miyaanay odayaal lahayn heshiisiiya, anaguna aan
shaahanagii helee".
Prof. Cali Khaliif oo
tilmaamayey Soomaalida waxa uu yiri waa dad firfircoon laakiin aan lahayn
hab-agaasin (organization), iyagaana isku habsaamay. Waxana uu yiri kuwa
qallada qaba waa in aan la qarin. Halkaas isagoo cadaynaya waxa uu yiri
"Jid ma ahan in aan inagu is-basaasno, laakiin waxaa la inaka rabaa
inaan noqono muwaadiniin wanaagsan (good citizens)." Mar uu ka hadlayey
qaadkana waxa uu yiri "Qaadka ma awoodno".
Prof. Cali Khaliif waxa uu
hadalkiisa kusoo gabagabeeyey isagoo dhahaya "Waa maxay tallaabada
inooku xigta, aan samaynyo qoraal kooban" oo kusaabsan wixii aan kawada
hadalay, marka dambe oo la isu yimaado si meeshii hore looga siiwado. "wixii
aan isla aragno in uu wanaagsan yahay ajarbaanba ka heleynaa" ayuu yiri.
Kulankaas oo socdey muddo
saddex saacadood ah waxay ka muuqatey wajiyada dadka soo qayb galay farxad,
waxaana muuqatey in qaybaha jaaliyadaha kala duwan ee Soomaalida Minnesota
ay goobta ku dhammaayeen, ayagoo dhammaantood ka qayb qaadanayey talo
soojeedinta. Ammaan ayey u badnaayeen hadaladii halkaas laga soo jeedeyey
marka laga reebo dhalliil loo soo jeediyey wadaada oo layiri gaabis weeye,
waxaase taas difaacey Xasan Jaamici oo sheegay in ay wadaadu booqdeen
Xabsiyada oo ay u diyaariyeen dad imaamyo ah oo ku dhetujiya xabsiga, iyo
kuwo diinta bara. Dhaliisha kale ee qaar dadkii madasha ay soo jeediyeen
waxay ahayd waqtiga uu bilaabmay shirka oo dib uga dhacay saacadii lagu
balamay, taas oo la is tusay arin u baahan guud ahaan Soomaalidu in ay
dhawraan waqtiyada Ballanta, diinta Islaamkuna aad ayey u adkaysay ballanta.
Isku soo xooryoo, waxaa
amaanta ugu badan halkaas ku helay ganacsada Soomaaliyeed iyo ardayda wax
ka barta dugsiyada hoose/dhexe/sare ee gobolka Minnesota. Waxaana digniin laga
muujiyey in laga taxadaro sidii ardaydaasi aysan iskuulada uga harilahayn,
digniinta labaadna waa in laga taxadaro cudurka AIDS-ka oo looga cabsi qabo
Soomaalida Minnesota. Arinta ugu qalafsana waa in ragga Soomaaliyeed ee
Minnesota looga digo dumarka wareega.
Showrka oo socdey qiyaastii
saddex saacadood iyo bar, laakiin u muuqdey wax ka yar hal-saac in uu dhamaaday,
xiisihii
awgeed, ayaa ahaa mid xigmado badan laga kororsaday, taas oo lagu tilmaamay tallaabo ay
Soomaalida reer Minnesota hore u qaadeen, sii
wadideedana looga fadhiyo. Mid kamida aqoonyahanka Soomaaliyeed oo aan
telefoon ku xiriiray kadib madashii ayaa igu yiri "Soomaalida Minnesota
aad ayey isu bedeleen, waxaana ka muuqatay kulankaan dhexdiisa sida ay isu
qadarinayaan, isug xiran yihiin, ugana midaysan yihiin danta guud".
Sawiradii shirka halkan ka eeg
Qore: Maxamed Cali
SomaliTalk.com Editor-in-chief
Email: webmaster@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com
Xusuuqda qoraalkan waxaa leh SomaliTalk.com
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|