Madaxweynaha dowlada K.M.G ah Dr.
C/qaasim Salad Xasan ayaa manta shir
jaraa,iid oo uu kaga hadlayay marxalada haatan uu dalku uu marayo ku qabtay
gurgiisa madaxtooyada oo ku yaala magaalada muqdisho .
Madaxweynaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku xusay in ay jiraan wadamo
shisheeye oo aan raalli ka aheyn geedi socodka nabada soomaaliya taas oo uu
sheegay inay ugu soo horeeyaan wadamada deriska nala ah oo uu san
carrabaabin .
C/qaasim ayaa sheegay in sidoo kale wadamadaasi shisheeye ay soomaalida u
maleegayaan siyaasad oo ay rabaan wadanka inay ka dhigaan meel imaarado
ahaan loo maamulo .
C/qaasim waxa uu tibaaxay wadamada shisheeye inay soomaaliya u kala
qaybiyaan koonfur iyo waqooyi, C/qaasim waxa uu sheegay inay soomaaliya ka
koobantahay 18 gobal taasoo uu C/qaasim sheegay inaanay suurtagal
noqoneyn (kalaqaybintaasi) “ walaalaheen reer waqooyi waa in ay ilaaliyaan midnimadeena iyo
wadajirkeena” ayuu yiri C/qaasim oo intaasi sii raaciyay inaanay
soomaaliweyn sinna u kala qaybsamin yihiinna ul iyo diirkeed.
Dhinaca kale C/qaasim ayaa wax rajo ah u muujiyay shirka Eldoret waase ayuu
yiri hadii ay ku wada niyadsanyihiin oo ay daacad ka yihiin nabad ka wada is
laaxda dhamaan gudaha dalka soomaaliya .
waa c/laahi mire (qadaafi)
qadaafi114q@hotmail.com
SomaliTalk.com Muqdisho