SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida
GUJI
Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI

Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
CARRUURTA IYO WAALIDKA
Mataqaan macnaha ay u taaganyihiin xarfaha muujinaya nooca filimka ah (ha noqdo nooca uu doono). Eeg sharaxadan hoose, carruurtana uga taxadar wixii aan ku haboonayn daawashada:

G — General audiences. All ages admitted.

PG — Parental guidance suggested. Some material may not be suitable for children.

PG-13 — Special parental guidance strongly suggested for children under 13. Some material may be inappropriate for young children.

R — Restricted. Under 17 requires accompanying parent or adult guardian.

NC-17 — No one under 17 admitted.

SOURCE: Motion Picture Association of America rating definitions:

Eeg sidoo kale Film Advisory Board

Waa Maxay Screen Resolution
800x600 waa kan ugu badan oo la adeegsado, macneheed? si aad u ogaatid GUJI

MAQAAL: 4tii Maxamed

 

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Agoosto 23, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Warka madaxdiisii

1-SARAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU SUGAN MAGAALADA MUQDISHU

2-SUCUUDIGA OO DEEQ U FIDIYAY DOWLADDA KU MEELGAARKA AH EE SOOMALIYA

3-ITOOBIYA IYO ERITREA OO SII DAYNAYA MAXAABIISTA AY KALA HAYSTEEN

Warkii oo faahfaahsan

1-SARAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU SUGAN MAGAALADA MUQDISHU

Saraakiil ka tirsan xukuumada Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo u yimid labada hooggaamiye kooxeed ee kala ah Muuse Suudi Yalaxoow & Maxamed Dheere, oo ka mid ah hooggaamiye kooxeedyada soomaaliyeed ee gacan-saar la leh xukuumada Itoobiya, waxayna saraakiishaasi haatan ku sugan yihiin xaruunta Muuse Suudi ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishani waxaa la sheegay inay labada hooggaamiye kooxeed kala talin doonaan dhinaca shirka dib u-heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu wado inuu badhtamaha bisha soo socota ka dhaco dalka Kenya.

Sida ay warar xog-ogaal ahi sheegayaan waxay saraakiishan, oo u sii gudbi doona magaalada Jawhar oo xaruun u ah Maamulka Maxamed Dheere, ka qayb qadan doonaan qalabayn lagu samaynayo xaruunta Maxamed Dheere, oo fadhi u noqon doonta saraakiisha sir-doonka ah ee Itoobiya.

2-MADAXWEYNE CABDIQAASIM OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA SWEDEN

Madaxweyaha Dowladda Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa dhamaadkii todobaadkii hore madaxtooyada kula kulmay wafdi ka socda dalkaasi Sweden.

Wafdigaasi oo u kuurgalayay xaalada siyaasadeed iyo tan nabadgalyeed ee magaalada Muqdishu ayaa la filayaa in ay warbixin ku celin doonaan dowladooda Sweden oo wada qorsho ay iyada iyo dalalka kale ee lasku dhaho Scandinavia, ay deeq u fidin doonaan DKMG ee Soomaaliya.

Wafdigan oo ka koobnaa 3 xubnood ayaa ka dib kulanka ay la yesheen madaxweynaha, kulamo la yeesha sarakiisha bangiga dhexe iyo wasaarada dhaqaalaha ee dowladda ku meel gaarka ee soomaliya.

3-SUCUUDIGA OO DEEQ U FIDIYAY DOWLADDA KU MEELGAARKA AH EE SOOMALIYA

Dowladda Sucuudiga ayaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu deeqday 45-Milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dib u dhiska dalka Soomaaliya, sida uu sheegay madaxweynaha dowladda KMG Mudane C/qaasim Salaad Xasan oo u warramay Golaha Barlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaliya.

Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa muddo toddobaad ka badan ku sugnaa dalka Sucuudiga, kaasoo wada-hadallo muhiim ah kula jiray madax sar sare oo uu ka mid yahay Boqor Fahad iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha kala duwan ee xukumada Sacuudiga.

4-ITOOBIYA IYO ERITREA OO SII DAYNAYA MAXAABIISTA AY KALA HAYSTEEN

Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa labaduba waxay si gooni-gooni ah ugu dhawaaqeen inay sii dayn doonaan dhammaan maxabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii dhex maray.

Tilaabadan ayaa timid, ka dib wadahadalo dhex maray hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo xukuumaha labadaasi dal. Ilaa iyo hadda lama oga goorta la sii dayn doona askarta labada dal ay kala haysteen, lakiin waxaa la filayaa in dhowaan la bilaabo.

==================================

5-WASIIRKA ARRIMAHA DIBBEDA ERITREA OO LA KULMAY HOGAAMIYAHA LIIBIYA

Wasiirka arrimaha dibbeda Eritrea Cali Sayyid Cabdalla iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 23 bishi August magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kula kulman hogaamiyaha dalkaasi Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.

Kulankaasi oo ahaa mid looga hadlayay arrimo la xiriir xiisadaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ayay kaga wada hadleen Labada Dawladood shirka dib uu heshisiinta soomaliya oo la filayo in bisha sebtembar uu ka dhaco dalkaasi Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibbeda waxuu kale oo uu la kulmay wasiirka qaabilsan arrimaha Afrika ee dowladda Liibiya Dr Abd-al-Salam Abturek.

6-Banaanbax lagu sameeyey Waftigii Itoobiya ee Shirka Caalamka ee Koonfur Afrika ka qaybgalay.

Shacab uu dhashay qowmiyadda Oromada oo tageersan Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ayaa mudaharaad ku sameeyay waftigii ka socday Itoobiya ee ka qaybgalayay Shirka Aduunka ee ka socda Koonfur Afrika.

Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen wafuud ka kala socdo inta badan dalalka caalamka ayaa shacabka Oromada oo ku mudaharaadayay goobta shirka hortiisa muujiyay in taliska Melez Zenaawi uu yahay mid ku caan baxay xasuuq, dil iyo kufsi Shacabka aan waxba galabsan.

Bananbaxaas ayaa ku noqotay wafdiga Itoobiya mid waji gabax ku keenay, oo Indhaha Caalamka kusoo jeediyay, waxaana aad usoo qatay saxafada Calamka.

wararka nagasoo gaadhayay Jaaliyadda Oromiya ee Koonfur Afrika Waxay sheegayaan in ay sii wadi doonaan Mudaharaadkaas ilaa intuu socdo shirka Calamka ee laga ga had layo Horumarka Aduunka.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo  

radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com 

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo ee Geeska Afrika.


WARARKA OGADEENYA:
August.27.2002August.23.2002August.16.2002 August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD