SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo|
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Nov 1, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 Warka madaxdiisii 

 
·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo laga dilay saraakiil sarsare
·Banaanba Balaadhan oo lagu taageerayo Midnimada Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
·Dawlada Maraykanka oo deeq cunto siisay dalka Itoobiya
·Xubin ka mid ah baarlamaanka Itoobiya oo goostay
·Maraykanka oo doonaya inuu kordhiyo ciidammada ka jooga Geeska Afrika

 

I  I  D  H  E  H

Warkii oo faahfaahsan

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo laga dilay saraakiil sarsare

Dagaal gaadmo ah oo 26.10.2002 ay Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogaaadenya ku qaadeen kuwa cagajiidka ah ee gumaysiga Itoobiya ee ku sugan degmada Dhanaan, waxay kaga dileen sargaalkii ugu sarreeyay ee siyaasada iyo sargaal madax ka ahaa Ciidamada aagga Shabeelle oo kormeer hawleed ugu yimid ciidamada cadawga Itoobiya ee ku sugan dagmada Dhanaan.

Saraakiishaas oo ahaa kuwo aad u dhibi jiray dadwaynaha deegaanadaas ayaa waxaa ku diirsaday Dilkooda dadwaynihii Goobahaas daganaa.

Dhinaca kale ciidamada cadowga ee ku sugan xuduuda ay Itoobiya la leedahay dalka Jabuuti ayaa waxaa dhexmaray dagaal ba’an, ka dib markay 108 askari oo ciidammada aaggaas ka mid ahaa diideen inay ka amar-qaataan maamulka Adis Ababa.

Ciidamadaas amar-diiday waxaa laga weeraray dhulka iyo cirka labadaba, iyaguna way is-difaaceen, waxayna goobtaas ku soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, waxaana halkaas ku dhintay tiro badan oo ciidammadii goobtaas ku sugnaa ah. Intii uu dagaalku halkaas ka socday waxaa xuduuda ka tallaabay 18 askari, kuwaasoo isu dhiibay dawlada Jabuuti.

Iska hor-imaadyada iyo amar-diiddada ayaa beryahan aad ugu badan ciidammada gumaysiga Itoobiya, waxaana ugu wacan dagaallada hubaysan ee ay kula jiraan jabhadaha, oo ay ugu horrayso Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, oo si xun loogu jabiyay, taasoo keentay muuraal xumo ku faaftay ciidammada dhexdooda iyo iyadoo aan ciidammada la siinin mushaarooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Banaanba Balaadhan oo lagu taageerayo Midnimada Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa 30.10.2002  lagu qabtay fagaaraha Taribuunka ee magaalada Muqdisho isu soo bax ballaaran oo ay isugu yimaadeen dadweeyne gaaraya kumanaan  ruux oo ka kala socda qeybaha bulshada iyo siyaasiyinta ugu sareysa dowladda KMG oo uu hor kacayo   madaxdweynaha dowladda KMG Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Banaanbaxan oo ahaa mid lagu taageerayo midnimada Soomaaliyeed loogana soo horjeedo wax kasta oo kala dhantaali kara midnimada Soomaali weyn ayaa bilowday 8:00 subaxnimo ee xiliga Muqdisho.

Dadka tirada badan ee isugu yimid fagaaraha Taribuunka ayaa waxay daawanayeen Raxamo Ciidamada Militariga oo ay ka mid yihiin Kumaandooska  iyo Booliska  oo Salaan siinaya Madaxdii Banaabaxas kasoo qayb gashay.

Isu soo baxaas ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha DKMG Mudane C/qaasin Salaad Xasan. Madaxwaynaha oo ay ka muuqatay Xamasad Wadaninimo   ayaa ku dhawaaqayay Soomaali waa  hal Jidh ah oo aan mar naba kala gu,ikarin, Soomaali waa dad isku diin, midib, luuqad ah oo aan waligood   kala tagaynin, waan is dhalnay meel aan ku kala hareyno ma jirto hal dal ayaan nahay Khudbada madaweynaha ayaa mar mar hakad galeysay ayadoo ay soo dhex galayeen dad aad u xamaaseysan oo ku dhawaaqayay hadallo ay ka mid ahaayeen Soomaali hanoolaato, kala go dooni mayno, midnimadu waa guul iyo erayo kale.

Madaxweynaha dowladda DKMG ayaa niyo xumo ka muujiyay Shirka  Eldoret hadaysan ka soo qeyb galin dadka gobolada waqooyi, taas oo uu ku tilmaamay in  aan la gaareynin dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo dhan.

Guud ahaan  Dadkii kasoo qaybgalay Banaanbaxas ayaa waxay mar walba ku dhawaaqayeen  Heestiii caanka baxday ee SOOMAALIYAY TOOSOO, TOOSOO ISKU TIIRSADA;EEY HADBA KIINII TAAG DARANEEY TAAGEERA WALIGIIINEEY iyo dooni mayno kala qaybin.

Kuxigeenka Maamulka Waqooyi Galbeed oo Itoobiya looga yeedhay

Ku xigeenka maamulka Woqooyi Galbeed Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa horraantii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Addis Ababa, wuxuuna safarkiisu ka denbeeyay, ka dib markii uu martiqaad ka helay saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada iyo hay'adaha nabad sugida ee Itoobiya.

Axmed Yuusuf , oo ay safarkiisa ku weheliyaan xubno kale oo isla maamulkaas ka tirsan, waxaa horay u sii raacay wakiilka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargaysa, lamana oga sababta loogu yeedhay, laakiin waxaa loo badinayaa in lagala hadli doono arrimo la xidhiidha shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Eldoret ee waddanka Kenya.

Waxaa kaloo la filayaa in Itoobiya ay u soo jeediso in la ballaadhiyo xafiiska uu talsika Itoobiya ku leeyahay magaalada Hargaysa oo maamulka Addis Ababa uu ku tilmaamo inuu yahay xafiis ganacsi, hase yeeshee la ogyahay inuu yahay xafiis war-doon ah.

Dawlada Maraykanka oo deeq cunto siisay dalka Itoobiya.

Toddobaadkii hore waxaa dekada magaalada Jabuuti ku soo xidhay markab laga leeyahay dalka Maraykanka oo waday deeq cunto ah oo 42,000 oo tan ah, waxaana deeqdaas raashiinka ah loogu talagalay dadka rayadka ah ee abaaruhu ay ku wax-yeelleeyeen dalka Itoobiya, iyadoo waliba laga cabsi qabo in abaarahaasi ay sii ballaadhaan oo gaadhaan gobollo badan oo hadda ka fayow.

Meelaha ay abaaruhu wax-yeelleeyeen ee gargaarkan loogu talagalay waxaa ka mid ah Ogadenya, hase yeeshee waxay dadka xaaladda gobolka indha-indheeya rumaysan yihiin in gargaarkaas cunto aan la gaadhsiin doonin dadka Ogadenya ku tabaalaysan, sababtuna waxay tahay, iyadoo ay Itoobiya u diidday hay’adaha aan xukuumiga ahayn inay si xor ah uga dhex shaqeeyaan dalka Ogadenya. Qaybo ka mid ah gargaarkan cunto ayaa lagu wadaa in toddobaadkan la keeno magaalada Diri-dhabo.

Xubin ka mid ah baarlamaanka Itoobiya oo goostay.

Abera Adugna, oo ah xubin ka tirsan barlamaanka Itoobiya, kana soo jeeda qowmiyadda Oromada, ayaa 19 bisha oktoobar iska dhiibay dalka Canada.  Adugna wuxuu ka mid ahaa wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ka qayb qaadanayay shir ka dhacay dalka Canada.

Mar uu saxaafada dalkaas u warramayay wuxuu Abera Adugna sheegay in xisbiga OPDO oo uu ka tirsanaa uu yahay xisbi aan si rasmi ah u matalin shacabka Oromiya, wuxuu kaloo sheegay inaanuu ka qeyb gali karin cabudhiska ay dowladda Melez Zenaawi ku hayso shacabka Oromada.

Abera Adugna ayaa sheegay inuu haatan ku biiri doono Jabhadda Xoreynta Oromiya, si uu uga qayb qaato halganka xaqa ee shacabka Oromiya uu ku jiro.

Abera Adugna wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray inay jiraan xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka Itoobiya oo raba inay baxsadaan hadii ay helaan fursad ay dibada ugu baxaan, lakiin ay dowladda Itoobiya inta badan u diiddo in ay dibbedaha shir u aadaan.

Maraykanka oo doonaya inuu kordhiyo ciidammada ka jooga Geeska Afrika.

Tommy Franks oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee ciidammada Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu ciidammo dheeri ah u diri doono gobolka Geeska Afrika, si ay gacan uga gaystaan dagaalkacaalamiga ah ee lagula jiro argagixisada.

Jenaral Tommy Franks, oo maalintii talaadada ahayd warbixin siinayay saraakiisha wasaarada gaashaandhigga ee Maraykanka ee Pentagon, wuxuu daboolka ka qaaday in Maraykanka ay dalka Jabuuti ka joogaan ciidammo gaadhaya 800 oo askari, wuxuuna yidhi, waxaa loo baahan yahay in ciidammo intaas ka badan gobolka loo diro.

Jenaral Tommy Franks wuxuu kaloo tilmaamay in Maraykanku uu xidhiidh dhinaca nebedgelyada ah la leeyahay dalalka gobolka ku yaalla, sida Kenya, Eritereya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yeman, ciidammada halkaas ka joogana ay u sahlayaan inuu la shaqeeyo dadyowga gobolka ku dhaqan oo dhan.

Dawlada Itoobiya waxay in badan ku celcelisay inay diyaar u tahay in Maraykanku uu dalkeeda saldhig uga dhigo ciidammada gobolka ka jooga, hase yeeshee sida muuqata arrintaas kuma ayna ku guulaysanin, waxaana sabab u ah iyadoo dhacda meel aan istiraatiiji ahayn, iyo iyadoo aan si wayn la isugu hallayn karin taliska ka taliya dalka Itoobiya oo ah mid madax-adag oo aan u jajabnayn hannaanka dimuqraadiyada iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo 
radioxoriyo@aol.com
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD