SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 15, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 Warka madaxdiisii

 WARKA MADAXDIISII:

·DHACDOOYINKII UGU DANBEEYAY EE OGAADEENYA:
·DOODA QODABKA 39 EE TASTUURKA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO SII KULULAATAY:
·SHIR LAGU TAGEERAYO HALGANKA OGADENYA OO KA DHACAY AUSTRALIA:
·QARAMADA MIDOOBAY OO CABASHO RASMI AH U GUDBIYAY TALISKA ITOOBIYA:
·XOGHAYAHA GUUD EE GASHANDHIGA JARMALKA OO BOOQASHO KU TAGTAY JABUUTI
·MUCAMAR AL QADAAFI OO KA QEYB GALI DOONA FURITAANKA SHIRKA NABADEEYNTA SOOMALIDA

    WARKII OO FAAHFAAHSAN:

CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO QASAB KU URUURINAYSA CIIDAMO MALEESHIYA AH:

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa beryahan denbe oo dhan waday olole ay magaalooyinka iyo tuulooyinka kaga uruurinayaan dhalinyarada, oo si qasab ah looga dhigayo malleeshiyooyin hoos yimaadda ciidammada dadowga, waxaana dhalinyaradaas la isugu gaynayaa xeryo tababar oo ku yaalla magaalada Godey.

Sida ay wararka arrimahan la xidhiidha sheegayaan waxaa dhalinyaradaas lagu wadaa in lagu beddalo, markii ay tababarka dhammaystaan, ciidammada Gumaysiga Itoobiya ee hormuudka u yahay Tigreegu ee ka hawlgala dhulka Ogadenya, kuwaasoo , ku guul-darraysatay inay xaqiijiyaan siyaasadii cadowga Itoobiya  uu ka lahaa Ogaadeenya, una adkaysan wayay Dharbaxooyinka Joogtada ah ee Ciidanka Wadaniga Xoreenta Ogadenya.

Waxayna ciidamada gumaysigu ku mashquulsan yihiin sidii ay Xoog ugaga uruurin lahayeen dadwaynaha dhaqalihii lagu hawlgalin lahaa Mileeshiyaadkaas.

Dhinaca kale waxaa cirkaas isku sii shareeraya khilaafaadkii u dhexeeyay maamulka maqaar-saarka ah iyo baarlamaan ku sheegga u adeega siyaasada Itoobiya ee ku magacaaban waxa ay ugu yeedheen kililka shanaad.

Wuxuu khilaafkaasi salka ku hayaa arrimo la xidhiidho dhaqaalaha, oo sida la ogyhaya si wayn loo musuqmaasuqo, iyadoo dhaqaalaha yar ee soo gaadha ay si gaar ah u lunsadaan marba kooxda maamulka ugu sarraysa iyo hadba intii gacansaar la leh Ciidamada wayaanaha.

DOODA QODABKA 39 EE TASTUURKA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO SII KULULAATAY:

Doodda la xidhidha baabinta qodobka 39aad ee dastuurka gumaysiga Itoobiya, oo ah qodobka dhigaya in qowmiyaduhu ay xaq u leeyihiin inay go,aan, ayaa si wayn looga dareemi karaa qalabka warbaahinta Itoobiya.

Waxaa baryahan denbe oo dhan soo xoogaysanaysay aragtida ah in qodobkaas laga saaro dastuurka, maadaama uu ka horimanayo siyaasada nidaamka Itoobiya ka taliya oo ku talajira inuu gacan bir ah ku sii hayo qawmiyadaha kala duwan ee diiddan inay Itoobiya ka sii mid ahaadaan.

Sababta ugu wayn ee qodobkan loo baabinayo waxaa loo tirinayaa inay tahay dhibaatada isa-soo taraysa ee qawmiyadaha Soomalida Ogaadeenya, Oromada,Ganbeela, Bini-Shanguul iyo sidaamaha oo ay ka jiraan jabhado badan oo u dagaallamaya sidii ay Itoobiya uga hoos bixi lahaayeen, sidaas darteed wuxuu taliska Itoobiya doonayaa inuu soo afjaro xaqa dastuuriga ah ee ay u cuskanayaan Aayo katalintooda.

DHACDOOYINKII UGU DANBEEYAY EE OGAADEENYA:

3- Cadowga gumaysiga Itoobiya, oo aan marna ka daalin dhaqankiisa waxshinimada ah ee uu kula kacayo shacabiga rayadka ah ee reer ogadenya, wuxuu maalintii ay Tariikhdu ahayd 1.Oktobar hadh cad ku dilay magaalada Wardheer, Canbaro Faranle, oo ahayd hooyo 70 jir ah.

Dhinaca kale wuxuu cadowgu bishan oktober labadeedii magaalada Farmadow ku xidhxidhay dadka kala ah:-
1-    Moxamed Khaliif Beddel.
2-    Cabdullaahi Cabdi Banaan huluushe.
3-    Wacdi Haybe Cabdi.
4-    Tamaan Cabdullaahi Maxamed.
5-    Zahro Cismaan Hudle.
6-    Dheeman Xassan Axmed.
7-    Cabdi Dayib Cabdi Cumar (cabdi-dhakal)
8-    Ahmed Aaden (iswaal).
9-    Cali Maxamuud Sarhaye (cali-nuur).

Wuxuu sidoo kale magaalada Caado bisha oktober seddedeedii ku xidh-xidhay:

1-    Canab Sh. Ibraahin.
2-    Luul Sh. Aaden.
3-    Maxamuud Moxamed Qallalan.
4-    Axmed Dheere Maxamed.
5-    Axmed iyo
6-    Cabdullahi, oon magacyadooda oo buuxa wali na soo sheegin.

Magaalada Dannood waxaa isla bishan oktober seddedeedii lagu xidh-xidhay:

1-Bile Xirsi Aaden iyo
2-Daauud Xaashi Aaden.

SHIR LAGU TAGEERAYO HALGANKA OGADENYA OO KA DHACAY AUSTRALIA:

12kii bisha oktober waxaa lagu qabtay  magaalada Sydney xaflad ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Ogaadeenya ee gobolka New South Wales ee dalka Australia.

Waxaa xafladaas ka soo qayb galay dad aad u badan oo ka socda jaalliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Australia.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Maxamed Cumar ayaa xafladda ka soo jeediyey khudbad ku saabsan marxaladihii kala geddisnaa ee ummadda Soomaaliyeed ay soo martay iyo dhibaatada maanta haysata, oo ah is-maandhaafka dhexdoda ah iyo faragelinta dawladda Itoobiya ay soo faragelinayso arrimah gudaha ee Soomaaliya, arrintaasoo xidhiidh toos ah la leh gumeysiga ay gumeysato Ogaadeenya.

Waxaa kale oo uu halkaas ka soo jeediyey guddoomiyuhu dhibaatada aan la soo koobi karin ee cadowga Itoobiya ku hayo shacabka Ogaadeenya iyo sida ay waajib u tahay in la taageero.

Wuxuu u caddeeyey dadkii shirka ka soo qaybgalay inay jiraan kumaankun oo xabisyada cadowga ku jira; kuman yaal ku agoontoobay oo waalidkood si xaqdaro ah Itoobiya u dishay iyo kuwo ku caydhoobay  oo maanta walaalohood taageero ka sugaya.

QARAMADA MIDOOBAY OO CABASHO RASMI AH U GUDBIYAY TALISKA ITOOBIYA:

Qaramada Midoobey ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay nidaamka Itoobiya, ka dib markii ay koox hubaysan oo itoobiyaan ahi xoog ku soo galeen dhulka millatariga ka caaggan ee u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya, waxayna kooxdaas hubaysani rasaas kor mariyeen ciidamada Qaramada Midoobey ee halkaas nabad-ilaalinta u jooga, arrintaasoo abuurtay in labada dhinac ay si cadho ku jirto isaga horyimaaddaan.

Waana markii ugu horraysay ee ay isku dhacaan ciidammada nabad-ilaalinta iyo kuwa itoobiyaanka ah, waxaana arrintan lagu tilmaamay inay meel ka-dhac wayn ku tahay heshiiskii nabadaynta ee dhex maray Itoobiya iyo Eritereya, oo sanadkii 2000 lagu soo afjaray dagaalkii qallafsanaa ee labada dhinac dhex maray.

Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Cheikh-Tidiane Gaye ayaa warqaddan cabashada ah u gudbiyay maamulka ka taliya dalka Itoobiya.

XOGHAYAHA GUUD EE GASHANDHIGA JARMALKA OO BOOQASHO KU TAGTAY JABUUTI.

Xoghayaha guud ee Gaashandhiga dalka Jarmalka oo ah haweeyneyda la yiraahdo Brigitte Schutler ayaa maalinta sabtida 12ka bisha Oktoobar socdaal ku tagtay dalka Jabuuti. Wasiirada ayaa wadahadalo la yeelatay wasiirka gashandhiga Jabuuti, mudane Ougoureh Kifleh Ahmed iyo sarakiil ka tirsan wasaarada gashandhiga Jabuuti.

Sida wararka sheegayaan, wadahadalkaasi ayaa la xiriira ciidanka Jarmalka ee ku sugan Jabuuti iyo howla ku saabsan la dagaalanka argagixisada caalamiga.

Waxaa dalka Jabuuti ku sugan 3 marakiibta dagaal ah iyo Ciidan  gaaraya 1800 oo Jarmal ah,  iyaga oo halkaasi uu jooga si ay xeebaha soomaliya ooga ilaaliyaan argagixisada caalamiga.

Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aolcom

    

 
radioxoriyo@aolcom
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD