SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo|
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 25, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

   

 WARKA MADAXDISII

 

·DAGAALO XOOGLE OO DHEXMARAY CIIDAMADA JABHADA CANFARTA IYO CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA:
·XUKUMADA ITOOBIYA OO SHARKADAHA GANACSIGA KU SOO ROGTAY CANSHUUR DHEEI AH:
·ITOOBIYA OO AQOONYAHANO SOOMAALIYEED U DIIDAY KAALINTII AY KU LAHAN LAHAAYEEN SHIRKA DIB U HESHISIINTA EE KENYA KASOCDA:
·XIDHIIDHKA ERETRIA IYO SUUSDAAN OO MUGDI SOO KALA DHEXGALAY:

WARKII OO FAAHFAAHSAN:

DAGAALO XOOGLE OO DHEXMARAY CIIDAMADA JABHADA CANFARTA IYO CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA:

Wargeyska lagu magacaabo NETSANET oo ku soo baxa afka Amxaariga ayaa bishan oktober 23 qorey in dagaallo xoog leh ay dhexmareen Jabhadda Canfarta iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Dagaalladan oo ka dhacay badhtamaha Gobolka Wallo, waxay sababeen qasaaro aad u weyn oo gaadhay Ciidamada naf-la-caariga ah ee gumeysiga Itoobiya, kuwaasoo dib u gurasho sameeyey, ka dib markii ay u adkaysan waayeen weerarrada kaga imanaya Jabhadda Xoryenta Canfarta.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in dagaalkan fajac ku noqday maamulka EPRDF ee Meles Zenawi uu hoggaamiyo, taasoo keentay inay billaabaan abaabul ciidan oo hor leh oo ka kala imanaya Xarumaha Ciidamada ee xuduuda la leh aagga dagaalku ka dhacay.

Dhinaca kale war laga sii daayey idaacad ku hadasha Afka Oromada ayaa sheegtay bishan oktober 22 in qarax bambaano ka dhacay Maqaayad ku taal magaalad Bante, xaafadeeda Hinesa.

Maqaayadaas oo ah goob ay isagu yimaadaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaaladaas waxaa ku dhintay tiro ka mid ah saraakiisha iyo Ciimada aggaas oo aan tiradooda la xaqiijin.

Ciidamamada Booliska ee Magalaadu waxay sheegeen in qaraxan uu ka danbeeyey khilaaf iyo iska- horimaad u dhaxeeya Ciidamada Wayaanaha.

XUKUMADA ITOOBIYA OO SHARKADAHA GANACSIGA KU SOO ROGTAY CANSHUUR DHERI AH

I  I  D  H  E  H

Ra'sul wasaaraha Itoobiya Melez Zenaawi ayaa soo saaray go'aan canshuur dheraad ah lagu saarayo shirkadaha waaweyn ee dalka Itoobiya.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa 15% lagu kordhin doonaa canshuurta hadda laga qaado sharikadaha waawayn. Warar xog-ogaal ah ayaana sheegay in sharikado ay leeyihii ganacsato tigree ah ay ra'iisal wasaaraha ka codsadeen in iyaga laga dhaafo canshuurta dheeriga ah,

warar ayaa jira iyaguna tibaaxaya in ganacsatada tigreega ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xisbiga TPLF, ay ku gacan saydheen inay canshuurtaas dheeriga ah bixiyaan, waxayna arrintaasi ka denbaysay, ka dib markii ay ra’iisal wasaaraha is-afgarn waayeen.

Khilaafkan u dhexeeya ganacsatada tigreega ah iyo Melese Zenawi waxaa sii xoojiyay, iyadoo kulan ay ganacsatada iyo Zenawi yeesheen ka hor intaan canshuurtan lagu dhawaaqin, ay ku kala boodeen arrimaha ay ka midka yihiin in Melese Zenawi uu ganacsatada tigreega ah, gaar ahaan kuwa madaxda ka ah sharikadaha ay leeyihiin xubnaha TPLF, ay wixii hadda ka denbeeya saldhigga xisbiga u soo gudbiyaan xisaab-xidh joogto ah.

ITOOBIYA OO AQOONYAHANO SOOMAALIYEED U DIIDAY KAALINTII AY KU LAHAN LAHAAYEEN SHIRKA DIB U HESHISIINTA EE KENYA KASOCDA:

Guddi ka kooban aqoonyahano iyo siyaasiyiin soomaliyeed oo ka mid ahaa la taliyayaasha guddiga farsamada ee IGAD ayaa la sheegay in dawladda Itoobiya ay ka mamnuucday iany la shaqeeyaan shirka dib u heshiisiiinta Soomaaliya.

Aqoonyahanadaas iyo siyaasiyiintaas waxaa ka mid ah siyaasiga lagu magacaabo C/risaaq X. Xuseen oo ahaan jiray ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, barfasoor C/raxmaan Tuur-yare iyo Dr. C/nuur.

Gudigan waxaa horay loogu magaacabay shir uu guddiga farsamada ee IGAD ku yeesheen magaalada Nairobi, si uu ugala tashado arrimaha dib u heshiisiinta Soomaalida, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in liiskooda ay baabi’isay dawlada Itoobiya.

Dhinaca kale kooxda Cumar Finish, oo ka mid kooxaha magaalada muqdisho ku hardamaya, ayna iska soo horjeedaan Muse Suudi Yelaxow oo Itoobiya gacan-saar la leh, ayaa dawlada Itooboya ku eedeeyey inay shirka dib u heshiisiinta Somaaliya carqaladaynayso, isla markaana u jihaysay meel aan loogu talagelin.

Afhayeenka kooxda Cumar Finish oo lagu magacaabo Cabadulahi Sh. Xasan ayaa sheegay in dawladda Keenya ay ka luntay kalsoonidii iyo awooddii ay shirka ku agaasimasay.

XIDHIIDHKA ERITRIA IYO SUUSDAAN OO MUGDI SOO KALA DHEXGALAY:

Dwlada Eritereya ayaa diidday inay lug ku leedahay dagaalka ka dhacaya bariga dalka Suudaan, waxayna sheegtay in dawlada Suudaan ay doonayso marmarsiinyo ay ku jabiso heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee ay la gashay kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.

Dawlada Suudaan ayaa bayaan ay jimcihii soo saartay ku sheegtay inay dhawrayso heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee toddobaakii hore ay magaalada Mashakos kula gashay dhaqdhaqaaqa SPLA.

Hase yeeshee waxay tilmaantay in dagaalka bariga Suudaan ka dhacaya, oo ciidammada Eritereya ay ka qayb qaadanayaan, uun soo hos galaynin heshiiskii Mashakos ka dhacay.

Wuxuu kaloo bayaanku intaas ku daray in heshiiskaasi aanuu dawlada Suudaan ka hor-istaagaynin inay iska difaacdi gardarrada Eritereya. Arrintu si kastaba ha ahaatee ku xigeenka safiirka Eritereya u fadhiya dalka Kenya Teweldemedhin Tesfamariam ayaa sheegay in dalkiisu aanuu dagaal kula jirin waddanka Suudaan, wuxuuna yidhi; "Eritereya shaqo kuma laha dagaalka Suudaan, Khartuumna aad ayay arrintaas u garanaysaa"

Wuxuu kaloo intaas ku daray; "Waa dagaal u dhexeeya iyada iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ay wada-xaajoodka nabadeed kula jirtay, mana doonayso buu yidhi inay qirato in lagaga adkaaday dagaalka ay mucaardka kula jirto, sidaas darteed waxay raadinaysaa cid kale oo ay denbi marmariso".

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo 
radioxoriyo@aol.com
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 


Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD