SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 9, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 Warka madaxdiisii

·Roobabkii dayrta oo Ogadenya si fiican uga curtay
·Shirar lagu qabtay dalalka Swedan iyo Holland
·Dawladda Itoobiya oo kordhisay qiimaha shidaalka
·Itoobiya oo shir u qabatay kooxo Ereteriya ku kacsan

Warkii oo faahfaahsan

Roobabkii dayrta oo Ogadenya si fiican uga curtay

Waxaa dhammaanba gobollada kala duwan ee dalka si fiican uga curtay roobabkii xilliga dayrta, kuwaasoo aan ilaa iyo hadda la sheegin wax khasaare ah ooy gaysteen.

Dadwaynaha reer ogadenya, oo noloshoodu ay si wayn ugu xudhan tahay xoolaha nool iyo dalagga beeraha, waxay had iyo goore si wayn ugu hanqal-taagaan roobabka Ogadenya ka da'a xilliyada gu'ga iyo dayrta, waxayna mar kastoo roobabkaasi ay curtaan ku soo dhaweeyaan farxad iyo xamdi-naq ay Eebe u xamdi naqaan.

Hase yeeshee nimco kasta oo Eebe bixiyo waxaa inta badan daba-taalla nuqsaan laga yaabo in bani'aadamka lagu imtixaanayo.

Haddaba roobabka dayrta ee ka billowday Ogadenya iyo nimcada laga sugayo waxaa hadhaysay dhibaatada joogtada ah ee gumaysiga Itoobiya uu ku hayo shacbiga Ogadenya, waxaana dhibaatooyinkaas ugu denbeeyay dad badan oo cadowga Itoobiya uu ku xidhxidhay meelo kala duwan oo Ogadenya ka tirsan, waxayna kala yihiin:-

Magaalada Caado

01.10.02 Waxay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya magaalada Caado ku Xareeyeen 15 Halaad oo dhashay, waxayna Xabsiga u taxaabeen Maxamuud Faarax Urur oo Geelaas lahaa, ilaa iyo hada macado sabata Geelaas loo xareeyay ninkii lahaana loo xidhay waxayse u muuqataa in ay tahay Cadaadiskii Gumasiaga Itoobiya uu ku hayay Shacabka Ogadenya ee uu gumasyto.

Wuxuu kaloo cadowgu isla magaaladaas ku xidhxidhay

Fowsiya Yuusuh Qani
Xasan Maxamed Cuma (Xasan Qallaafe)
Iyo Xasan Raage.

Magaalada Guna-gado

03.10.02 Wuxuu gumaysigu ku xidhxidhay dadka kala ah:

Fur-cas Daahir Haabiil
Aar Cabdullaahi
Cabdi-Dheere Cumar-Dheere
Khadar Saahid Xiirey
Daahir Maxamed Carte
Cabdi-Wali Cabdullaahi Ciid
Budul Daahir Ileeye
Muxumed Iimaan
Iyo Wali Cabdi Yuusuf.

Dhinaca kale waxaa gobollada kala duwan ee Ogadenya laga soo sheegayaa warar tibaaxaya in iska hor-imaadkii iyo kala amar-qaadasho la'aantii ay ku sii badanayaan ciidammada cadowga Itoobiya ee ku sugan dalka Ogadenya, waxayna wararkani tilmaamayaan in dagaalkii dhimashada keenay ee toddobaadkii hore dhex-maray ciidammada wayaanaha ee ku sugan magaalada Qabri-daharre aanuu ahayn dhacdo gooni u taagan oo ku kooban ciidammada Qabri-daharre, balse uu ka turjumayo xaaladda dhabta ah ee ciidammada Itoobiya ay ku sugan yihiin.

Waxay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya toddobaadkan soo saartay go'aan rasmi ah oo lagu mamnuunacayo gubista dhirta iyo ugaadha la laayo, wuxuuna go'aankani ka denbeeyay, ka dib markii ay Jabhaddu aragtay in si aaba-yeel la'aan ah loo gumaado ugaadha dalka, dhirtana la gubo, iyadoo dhuxusha ka soo baxda loo dhoofiyo gobollada deriska la ah Ogadenya.

Dadka ka ganacsada dhuxusha iyo ugaadha, oo ah dad aan lahayn rukhsado u gaar ah iyo khibrad ganacsi oo arrimahaas la xidhiidha midna, waxay inta badan dhiirri gelin ka helaan cadowga Gumaysiga Itoobiya, oo aan marnaba daneeynin Dhibaatada loo gaysanayo Dhirta iyo Ugaadha.

Sidaas darteed waxay Jabhaddu go'aankeedan ku sheegtay in tallaabada ku habboon laga qaadi doono qof kasta oo si sharci darro loogu helo arrimahaas kor ku xusan.

Shirar lagu qabtay dalalka Swedan iyo Holland

Dhammaadkii toddobaadkii hore waxaa magaalada Stockholm ee xaruunta dalka Swedan lagu qabtay shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogadenya ee dalka Swedan, waxaana shirkaas, oo lagaga hadlayay sidii kor loogu qaadilahaa waxqabadka Jaaliyada Ogadenya ee Swedan, ka soo qayb galay unugga JWXO iyo guud ahaanba xubnaha jaaliyada Ogadenya ee dalka Swedan.

Waxaa kaloo iyaguna shirkaas ka soo qayb galay wafti ballaadhan oo ka socday Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, kaasoo uu horkacayay la-taliyaha madaxwaynaha JWXO Jannaraal C/llaahi Mukhtaar Xuseen, waxaa kaloo xubnaha waftigaas ka mid ahaa madaxa Hooggaanka warfaafinta JWXO C/qaadir Xasan Hirmooge, Dr Yuusuf Cismaan Cadami iyo Muxumed Xasan Ader.

Shirkaasi waxaa hadal soo dhawayn iyo xog-warran isugu jira ka soo jeediyay wakiilka JWXO ee dalka Swedan C/wali Xuseen Gaas, waxaa kaloo iyaguna khudbado qiimo leh ka soo jeediyay waftigii JWXO.

Waftigaasi wuxuu kulanno kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Ogadenya ee ku dhaqan dalka Swedan, waxaana shirkaasi ka soo baxay guulo aad u waawayn, iyagoo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ballanqaadeen inay labanlaabayaan dadaalkooda ku wajahan halganka xaqa ah ee shacbiga Ogadenya uu ugu jiro gaadhitaanka aaya-ka-tashigiisa.

dhinaca kale waxaa ka dhacay magaalada Tiel ee wadanka Holland

Shir ay isugu yimaadeen Wafdi ka socda Jarmalka, odoyaasha iyo aqoonyahanada reer Ogadeniya ee ku nool waddanka Holland.

Shirkaas oo si xiiso leh loogu dooday ayaa waxuu ku saabsanaa dib u habaynta jaaliyadda Ogadeenya ee dalka Holland.

Waxaana laysku afgartay sidii ay Jaaliyadu kaalenteeda halgan u buuxin laheed.

Ugu dambeyntii markii in muddo ah la dooday waxaa laysla meel dhigay in la sameeyo guddi abaabul oo ka kooban 5 qof. Guddigan waxaa loo xilsaaray in waqti xadidan ku qabtaan shirweyne loo dhanyahay kaasoo lagu dooran doono guddiga jaaliyadda ee labada sanno ee soo socota maamuli laheed.

Wafdigaa ka yimid jarmalka oo uu hogaaminayey Eng, Salahdin Ma'ow waxay u mahad celiyeen dadkii kulankan ka soo qaybgalay sidii wanaaga ku jirtay ee ay usoo dhaweeyeen.

Dawladda Itoobiya oo kordhisay qiimaha shidaalka

Wasaarada ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso qiimaha shidaalka.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa tallaabadan sababtay iyadoo dwlada Itoobiya ay dabooli kari wayday baahida dhaqaale ee dalka, isla markaana ku guul-darraysatay inay dibadda kala timaaddo shidaalkii loo baahnaa dhaqaala la’aan awgeed.

Qiimaha batroolka, noocyadiisa kala duwan oo kala ah 5 bir iyo 4 bir waxaa sida la ogyahay ka ganacsada oo dibadda ka keena xubno ka tirsan madaxda ururka TPLF, kuwaasoo sida la rumaysan yahay iyagu ka denbeeyay go’aankan cusub ee dawladu ay ku kordhisay qiimaha shidaalka.

Itoobiya oo shir u qabatay kooxo Ereteriya ku kacsan 

Waxaa magaalada Addis Ababa dhawaan lagu qabtay shir ay isugu yimaaddeen kooxo ay Itoobiya ku tilmaantay mucaarad dawlada Ereteriya ka soo horjeeda, kuwaasoo lagu wado in Itoobiya ay u isticmaasho carqad ay ku kordhiso cadaadiska iyo xad-gudubyada ay ku hayso dalka ay deriska yihiin ee Ereteriya.

Sida ku qeexan barnaamijka qabanqaabada shirkan waxaa kooxahaas loo tababari doonaa sidii ay xasillooni darro uga abuuri lahaayeen dalka Ereteriya.

Ereteriya ayaa iyadu kooxahaas ku tilmaantay inay yihiin dad dalkooda khiyaano ka galay ee ayna ahayn dad mucaarad lagu tilmaami karo.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aolcom
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD