DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Wararka Ogaadeenya
|
Warkii Radio Xoriyo : 01 Aug,2003
Warka Madaxdiisii
· Gadood Shacab oo ka Dhacay Magaalada Jig-Jiga
· Madaxweyne Abdiqassin Salad oo Qaadacay Shirka DKS:
· Iska Hor Imaad ka Dhacay Muqdisho
Warkii oo Faah faahfsan
GAOOD DADWEYNE OO KA DHACAY MAGAALADA JIGJIGA
Sida ay soo Warisay Wakaalada Wararka ee Ogaadeenya,oo iyadu inta badan ku leh
Goobjoogayaal iyo Wariyayaal dhamaan Gobalada iyo Degmooyinka Ogaadeenya,waxaa
Gadood weyn uu ka dhacay Malaalada Jig-Jiga oo Xarun u ah Maamulka ay Itoobiya
ka samaysatay Ogaadeenya 28 Julay,2003, kadib markay CCGI;ku toogteen Suuqa
magaalada badhtankiisa nin shacbi ah, Arintaasi waxay ka cadhaysiisey
shacbigii oo bilaabey in suuqa laga cararo, dhagaxtuurna ka bilawday meelo
kala duwan oo magaalada ah. Ciidamadii wayaanaha intay arga-gexeen ayay
bilaabeen in ay xabadii dhinac walba u ridaan, halkaasna ay ku dil! een nin
boolis ah, dad badanna ku dhaawaceen. Dhagaxtuurkii iyo xabadii waxay
socdeen ilaa gabalkii madoobaado.
Dhinaca kale, 25/07/03, Ciidamada Gumeysiga Itoobiya waxay bilaabeen, in ay mar
kale xidhaan xadkii u dhexeeyay Ogadenia iyo Gobolada Waqooyi.Gaadiidkii u kala
Gooshi jiray iyadoo la sheegay in Gaadiid badani uu hada ku Xayiran yahay Xadka
kadib markii loo diiday in ay Ogaadeena u soo gudbaan.
Warar isku dhaf ah oonu ka soo xiganay Shabakada Wararka ee Qoraxey ayaa
Sheegaya
Madaxweyne Abdiqassin Salat oo Ka Duulay Nairobi,Kadib markii uu Shirka u
Bogi Waayey
Waxaa si rasmi ah u qaadacay Shirka Kooxaha Soomaaliyeed ooga socda Duleedka
Magaalada Nairobi,kadib markii uu Shir Jaraaíd ku bayaamiyey sababaha ka
bixitaankiisa Shirka Madaxweynaha DKMS iyo Wafdidii uu Hogaaminayey.
warmurtiyeed uu soo saaray ayaa waxuu ku sheeggay in isaga iyo xubnihiisa ay ka
baxayaan shirka haddii buu yiri aan wax laga bedelin qodobaddii ay! dhawaan
gaareen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee soomaalida...
Wararka kale ee iyaguna naga soo gaaraya madasha shirka ayaa sheeggaya in
madaxweynaha uu la kulmay Wakiiladda Beesha caalamka ee ku suggan shirka dib u
heshiisiinta waxaanna la sheeggay in uu kala hadlay arrimo la xiriira geeddi
socodka nabadda ee soomaaliya iyo weliba heshiiskii ay dhawaan gaareen
hoggaamiye kooxeedyadda muqdisho waxuuna madaxweynuhu uu ku nuux nuuxsaday in uu
isaga baxayo shirka haddii aan sixid lagu samayn qodobaddii dhawaan ay
ansixiyeen hoggaamiyayaasha ku shirkan Mbagathi...
Sikastaba ha ahaateen madaxweyne C/qaalim ayaa sheeggay wax yar uun kadib intii
uusan ka duulin madaarka in shirkan uu yahay mid soomaaliya lagu kala qoqobayo
islamarkaasna intaasi ku daray in dano gaar ah laga leeyahay waxuu sidoo kale
eedaymo u soo jeeddiyey dalalka reer Galbeedka ee ku suggan shirka ama ka
qeybgalaya
Dhinaca kalena ra"isul wasaare hassan abshir faarax iyo xubno ka tirsan D! KMG
ayaa waxay iyaguna la kulmeen wakiiladda beesha caalamka ee shirka soomaalida
iyagoo kala hadlay arrimo la xiriiro shirka....
Ra"isul wasaare hassan abshir ayaa sheeggay in C/Qaasim uu u danleeyahay in uu
shirka carqaladeeyo islamarkaasna uu raadsanayo marmarsiyo waa sida ay hadalka u
dhiggeene.
Kulankaasi kadib ayay Qorahay Online u suurto gashay in ay la hadasho ra"isul
wasaare hassan abshir waxayna waydiiyeen sababta uu C/qaasim uga baxay shirka
waxuunna yiri...
C/Qaasim ma doonayo in soomaaliya ay nabadi ka aslaaxdo isagoo intaasi ku daray
in dhammaan labada gole ee DKMG ay ku sugganyihiin shirka waxayna sii ambaqaadi
doonaan wadahadalada...
Dhanka kale Warar iyaguna Radio Xoriyo soo gaadhay oo arintan la xidhiidha ayaa
sheegaya in Madaxweyne Abdiqassin Salat Hassan iyo Wafdigii uu hogaaminayey ay
tageen Magaalada Muqdisho halkaas ooy ku qabanayaan Shirar Jaraaíd oo kala duwan
ayna dhamaantood ku Qeexayaan sababta ay Shirka uga soo baxeen.
ISKA HOR IMAAD DHIMASHO IYO DHAAWAC KEENAY OO SAAKA ISGOYSKA KMT 4 EE MAGAALADA
MUQDISHO.
Sadex nin ayaa dhaawacmeen kadib markii labo maleeshiyo isku dhac 31 Julay,2003
ka dhacay Isgoyska lambar afar (Kmt 4) ee magaalada Muqdisho. Wararka waxa ay
sheegayaan in isku dhacan uu dhaxeeyay mid ka mid ah gawaarida BL-ka ah ee ka
shaqeeya magaalada Muqdisho iyo koox dablay ah oo iyana halkaas bar isbaaro ku
leh. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyay ka dib markii dablayda
ay isku dayday in ay leejo ka qaato gaarigaas oo isaguna ku dooday in uusan
bixinaynin lacagtaas. Kadib waxyar ayuu darawalkii gaarigaas ayaa lagu waramayaa
in uu soo adeegsadey Koox kale oo hubeysan oo rasaasna ooda uga qaadey kooxdii
kale ee leejada isgoyska ka qaadi jirtay. Waxaana halkaas ku dhaawacmay sadex ka
mid ah dadkii goobtas joogay iyadoo ay markii kale goobta ku soo yaaceen ciidmo
ilaalo ka ah Hotelka sahafi oo iyagu maalmahan ku jira heegan kadib markii h!
abeen hore halka laga galo hoteelka Bam aanay wax khasaare ah geysan.
Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.Hadana waxaa halkan hoose idiinku
lifaaqan Waraysi uu Radio Xoriyo la yeeshay Gen.Mohamed Osman Qaadi,qaybihii
1aad iyo 2aad.Mahadsanidin.
Walaalayaal Salaan Walaaltinimo oo qaali ah kadib.Waxaanu halkan hoose idiinku
soo lifaaqnay,Waraysi uu Radio Xoriyo la yeeshay Gen.Mohamed Osmaan Qaadi oo ku
nool Wadanka Maraykanka si aanu wax uga Ogaano,Khibradaha ku Gaaxsan iyo Amuuro
Geeska Afrika iyo Qadiyada Ogaadeenya ku saabsan oonu u baahanay in
Dhagaystayaasha Radio Xoriyo loo Iftiimo.Waxaana Gen.Qaadi,Waraysigaas La
Yeeshay Abdi Madaale,wuxuuna u dhacay sidan.
Abdi Madaale : Suaasha 1aad?
Mudane Gen.Mohamed Osmaan Qaadi,Wuxuu marka hore Radio Xoriyo isagoo ku hadlaya
Magaca Saxaafada Shacbiga Ogaadeenya kaaga mahadnaqayaa Fursada aad ka siisay
wakhtigaaga qaaliga ah si aad xili haboon dadkaaga u gaadhsiiso fikir Midho
Dhaliya.Intaas dabadeed waxaan jeclaan lahayn in aan ku waydiino Suáalahan?
1-Shacbiga Ogaadeenya wuxuu ku jiraa Halgan adag ooy ujeedada ka danbaysa tahay
in uu isaga dul qaado Heeryada Gumeysiga Itoobiya,kaas oon ahayn mid hada uun
bilaabmay ee Qarni iyo in ka badan soo socday.Hadaba adiga oo ka mida Khuburada
Heerka Sare ka gaadhay Cilmiga Milatariga ee ah ka ay Shacbigaagu Guusha ku
kaadhi karaan waxay Inta u Dhuun Duleesha Halganka dareensan yihiin in aydaan
Kaalintii Waajibka idinku ahayd Gudanin,haddii aad tihiin Saraakiisha Sare ee
Gen.Col. iyo Kuwa kaleba ah,marka maxaad taas ka dhihi lahayd?
Gen.Qaadi : Bismillahi Alraxmani Alraxiim1-Ugu horeyntii waxaan mahad naq u
celinayaa Saxaafadda Ogadeenya iyo Radiyo Xorriyo oo maanta I siiyey
fursadaan lama illaawaanka ah, taasoo ii suurta galinaysa inaan Codkayga
gaarsiiyo Shacbiga aan ka dhashay.Tan labaad, waxaan uga soo jeedinayaa
manbarkaan salaan qaali ah dhamaan Dadweynaha Ogadeenya, Xubnaha iyo Maamulka
Jabhadda Jwxo, isla markaana waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa saalaan
Xushmad iyo Qadarin leh Walaalkay iyo Saaxiibkay Madaxwaynaha JWXO Admiral
Maxamed Cumar Cisman.
Haddii aan u soo noqdo Sua'aasha aad I weydiisay Cabdiyow, sida aad xustay
Gumeystahu wuxuu dhulkayaga haystay Qarni iyo Dheeraad, islamarkaana halganka
Gobinamadoonka Shacabkeenna waan la soo fac jirsadey, inkastoo mararka qaarkood
uu iska tabardarraa, marka arrinta aad ka shanqarisay oo lagu dhaliilayo
kaalinta Halganka Jananada iyo korneelada u dhashay dalka Ogadeenya, aragtidayda
gaar ahaaneed, sidaas ma wada aha, oo waxaa ka mid ah rag badan oo maanta nool
oo ka ciyaaray kaalin wacan Halganka , qaar kaloo ka mid ahina waxay u Hureen
Naftooda qaaliga ah, Tusaale ahaan dagaalkii balaarnaa oo Ummdda Somaliyeed ay
ku qaadey Gumeystaha Xabashida, loogana Xoreeyey dalkeena sannadkii 1977dii,
ragga aannu ka hadleyno waxay ka ahaayeen Bud-dhigeyaal, q! aybtii
libaaax oo ay ka qaateenna waa markhaati ma doonto. Taariikhduna waxay inoo
sheegysaa inuu dagaalkaasu ahaa dhacdadii ugu wayneed ee dib u soo nooleeysay
qadiyadda Ogadeenya, marka kalena dhawaqiisii dheeraa ee saameeyey Aduunwaynaha
oo idil waxaa ku fadeexoobay Gumeystaha Xabashida oo waxaa shaaca u soo baxay
gardarrada foosha-xun iyo Dulanka aan Geedna loogu soo gabanayn ee uu ku hayo
Shacabweynaha Somliyeed ee Ogadenya.Isku soo aruuri, oo waxaan leeyahay,
Halgankan wuu jiray , haddana wuu socdaa, marka kaalinta qof waliba waa loo
baahanyahay, ayadoo si gaar ah aan cidna farta loogu fiiqin.
Abdi Madaale: Suaasha 2aad
2-Geeska Afrika Stratigiyadiisii dhabta ahayd mudo hore ayaa la khalday oo
jidkeedii laga leexiyey,Waliba dhurbaaxada ugu weyni waxay ku dhacday
Shacbigaaga Soomaaliyeed,waxaanay qaar badan oo Soomaalida Horay u socodka ahi
sheegayaan in ilaa si dhab ah loo saxo khaladka lagu sameeyey Stratigiyada
Geeska aan laga yaabin in meeshaas same ka dhaco.
Marka Sidee ayaa horta loo khalday Stratigiyada,Maxaase lagu sixi karaa?
Gen.Qaadi: 2- Khaladkaan Istiraatijyeed waxaa sameeyey Dowladaha
Galbeedka, oo u galey tartan isticmaarsi Qaaradda Afrika iyo Asiya, kuma uuna
koobneyn Geeska Africa oo kaliya ee waa mid ay ka galeen aduunweynaha badankii,
waana mid ay u bareereen si ay isugu dir-diraan dadyowga wada dhashay iyo
ummadaha deriska ah, xeeladdaa siyaaseedna waa u hirgashay, oo waataa uu
shidanyahay maanta dabkii ay huriyeen dhowr qarni ka hor, marka waa sidaad u
sheegtee dhibka ugu weyn ee gafka istcmaarka oo aan u saarayo Ingiriiska inuu ku
sameeyey geeska Africa, wuxuu ku dhacay shacabka Ogadeenya, nasiibdarraduna
waxay uga timid degaankooda oo marna barwaaqo ah, marka kalena xiga dhinaca
xadka Somalia ay la kala leedahay Xabashida iyo Kenya. Waxaana lagu ansixiyey
Shirkii Dowladaha isticmaarka ee Barlin 1884tii, ee loogu ogolaaday Boqorkii
Xabashida Mililikha 2aad inuu goob j! oog ka ahaado, halkaasoo boroordiiq uu ka
sameeyey si loogu ogolaado dhul-balaarsi, sidaana ayeey Xabashida ugu suragashay
qabsashada Harar iyo ku sii fididda carriga Ogadeenya, waxaana markasta ka
danbeeyey qabsashada Boqorrada Xabashida dhulalka dadyowga deriska la ah
heshiisyo iyo ogalaansho ay ka helaan Ingiriiska.
Horta meeshaa ayeey ka khaldantay Istaraatiijiyada geeska Africa, waxaana lagu
sixi karaa ayadoo dib loogu celiyo cid-waliba Xuquuqdeeda, Ingiriisku haddii uu
rabo wuu bixin karaa Jasiiradihiisa, xaqse uma laha inuu bixiyo dhul dadyow
kale, Xabashiduna xaq uma laha iney xoog ku haysato dhul ayna lahayn, haddaba
taladu waxay u taallaa Shacabka Ogadenya, waxayna ila tahay inayna ku heli
doonin xuquuqdooda si sahlan, Xabashi waxay ku haysataa dhulkeenna xoog, waxaana
looga muquunin karaa xoog iyo qori caaraddii oo kaliya.
Abdi Madaale : Suaasha 3aad
3-Adigu ka Gen.Qaadi ahaan waxaad baratay Culuun badan oo mida Milatariga
ah,iyadoo lagugu! tilmaamo in aad aad oogu xeel dheer tahay dhanka
Stratigjyada,Waxaana aan muran ku jirin in meesha looga baahan yahay,Adiga ka
Gen.Ahaan iyo Cilmigaagaba marka sidee ayey kula tatahay in aad kaalintaada ku
qaadan karto?
Gen.Qaadi: 3- Cabdi Madaale, Adeer, adigoo aad u mahadsan, kaalintaydu
maaha mid hadda billaabaneysa, ee waa mid ila soo fac jirsatay, Halgankaan
dartiis waxaan u soo galay X.D.S.(Xooga Dalka Soomaaliyeed) Sanadkii 1963dii,
anigoo kaga soo bilaabay Akadeemiyada Ciidanka ee Masaarida, (Waxay iga ahaydna
inaan qoriga u qaato cadowga) ilaa waagaana hadba geed unbaan u soo galayey,
waxaana aaminsanahay in ayna jirin cid iga xigta oon ka sugayo inay I dirto,
kamana tanaasulayo ilaa aan ka arko dhulkayga oo Xoroobo, waxaana ugu adeegayaa
wixii Ilaahay I siiyey oo awood ah, ha ahaato aqoon ama nafta qaaliga ah oon u
huro.
Abdi Madaale : Suaasha 4aad?
Jwxo,waxay leedahay waxaan la´nahay dad sida adiga oo kale ah oo Kaalintoodii
Halgameed Qaata amaba Nagala Wareega Halganka haddii ay yihiin kuwo Gudan kara
Waajibkooda,Dhanka Kale Shacbi badan oo Ogaadeenya u dhashay waxay Jwxo,ku
eedaynayaan in ay iyadu tahay mida ka hor taagan Khuburada iyo Aqoonyahanada
Halganka.
Marka Gen.Qaadi,Maadaama aad adigu tahay Khabiir labadaba u dhuun duleela oon
midna ka fogayn,bal haddii aad u Gar Qaado labada dhinac Maxaad xaaladaas dhex
taala ku til maami lahayd?
Gen.Qaadi : 4- Halgankan waa muqaddas, waana ku waajib qof waliba oo
garaad leh oo u dhashay Ogadeenya inuu Guto xilka uga abaaran Waddanka, waana ka
ballaaran yahay wax la isku eedeeyo ama la isku halleeyo.Ugu horreyntii Xubnaha
Jabhadda Jwxo, cidina kuma soo khasbin markii ay doorteen u adeega qadiyadda
Gobonimadoonka Dalkooda iyo Dadkooda, sida aan filayo qof waliba wuxuu ku soo
galay rabitaankiisa, abaalmarinteedana wuxuu ka helayaa Ilaahiisii abuurtay oo
qudh ah. Hadii uu waddanku Xoroobo-inta uu noolyahay- wuxuu ku mudan! doonaa
Aduunka magac, Sharaf, Mansab iyo Darajo, haddii tii Eebe ay ku timaado oo uu ku
dhinto Halganka wuxuu noqondoonaa Mujaahid Muta Naxariista Eebe iyo Darajada ugu
sarreysa ee Jannadiisa, magaciisuna taariikhda wuxuu uga Qormi doonaa baal Dahab
ah.
Tan labaad kuwa ku eedeynaya in Jabhadda Jwxo, ay ka Hortaagan tahay khubarada
iyo Aqoonyahanka Gudashada Waajibkooda Waddaninimo, aniga sidaa ilama aha, oo
Saraakiisha Sar-sare, khubarada, Aqoonyahanka iyo Cid waliba oo waddanaka u
dhalatay waajibku isku si ayuu u saaranyhay, waxaana ku boorinayaa dhammaantood
ka wada qaybgalka Halganka, oo qof waliba si unbuu kaaalintiisa u gudan karaaye
ee hadii uuna diyaar u aheyn inuu ku biiro Naftood hurayaasha ha ku kaalmeeyo
wixii uu awoodo oo karaankiisa ah
Daljire Hassan
Radio Xoriyo,01 Aug,2030
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|