SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: July 11, 2004



Yuu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee ku guuleysta ciyaaryahanka sanadka ee Qaaradda Yurub (European footballer of the year) ee qarnigii 20-aad??

Qaybtii 13-aad:

Magiciisu waa Stanley Mathew, waxa uu ka soo jeeday waddanka Ingiriiska, isagoo dhalashadiisu ku beegnayd 1-dii bishii February 1915-kii, yaraantiisii waxa uu ku caanbaxay daawashada ciyaaraha Kubadda Cagta, isagoo si aad ahna u xiiseyn jirey, hase yeeshee nasiibkiisu waxa uu u saamaxay in uu noqdo ciyaaryahan ku soo hanaqaada ciyaarista Kubadda Cagta, waxaana kooxdii ugu horreysay ee uu u saftay ay ahayd naadiga Stoke City ee isla waddankiisa Ingiriiska, waxaana Mathew intii uu ciyaaraha ku guda jirey laba mar loo doortay ciyaaryahanka ugu wanagsan Horyaalka waddanka Ingiriiska sanadihii 1948-kii iyo 1963-kii.

Mathew waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee la siiyo ama ku guuleysta abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Yurub (European footballer of the year) 1956-kii, waxaana Mathew lagu naaneysi jirey “The Wizard of Dribble” sanadihii soddomeeyadii illaa afartameeyadii, waxaana xilligaa uu ahaa weeraryahankii ugu wanaagsanaa ciyaartoyda ka ciyaarta guud ahaan Horyaalka dalka Ingiriiska.

Taariikh qota dheer ayuu Mathew ku dhex lahaa garoommada kala geddisan ee Qaaradda Yurub ee ciyaarta Kubadda Cagta, hase yeeshee xusuusta ma hadhada leh ee ay xusuustaan taageerayaashiisii iyo qoyskii uu ka dhashay waxa ay ahayd markii isaga oo u ciyaaraya naadiga Blackbool ay ciyaartii Final-kii ahayd ee Koobkii FA-ga waddanka Ingiriiska isagaga hor yimaadeen kooxda Bolton sanadkii 1953-kii, waxaana dhacday in ciyaartaasi markii ay ka harsanayd 20-daqiiqo oo qura, isla markaana ay gool ku hoggaaminaysay kooxda Bolton uu Stanley Mathew u suurtogeliyey kooxdiisa in uu u dhaliyo saddex gool oo deg-deg ah, taasoo la yaab ku noqotay guud ahaan daawadeyaasha ciyaarta Kubadda Cagta, waxaana arrintaa darteed ciyaartii Final-ka ahayd loogu magac daray Final-kii Mathew  “Mathews Final”.

Sidoo kale xusuus kale oo aad u yaab badan ayuu Stanley Mathew ku reebay ciyaarta Kubadda Cagta markii ciyaartii ugu dambeysay uu u saftay naadigiisa Stoke City isaga oo 50-jir ah.

1948-kii waxa ay kooxda Manchester United Stanley Mathew u soo bandhigtay kooxda Blackbool oo uu waqtigaa u ciyaarayay lacag fara badan oo ay dooneysay in ay ku iibsato Stanley, hase yeeshee taa beddelkeeda waxa uu heshiis 5-sano ah oo uu ku xumeynayo Manchester Utd u saxiixay kooxdiisii Bolton Wonderers.  Inkastoo Stanley Mathew oo gaaray darajada “Sir” la tooriyeey sanadkii 1965-kii ayaa haddana waxa uu ahaa ciyaaryahankii taariikhda ku reebay Kubadda Cagta markii 33-sano oo uu ku dhex jiray ciyaarta Kubadda Cagta aanan loo taagin weligii Kaarka Jaallaha ah, waxaana taariikhdiisii lagu soo geba-gebeeyey “He finished his 33 year career without a single booking”.

Kumuu ahaa Kabtankii ugu horreeyey ee gacanta ku dhiga Koob Adduun.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD