Waayihii Isboorti ee ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa xulka Qaranka Faransiiska qarnigii 20-aad ee Michel Platini
Qaybtii 16-aad:
Akhristeyaasheenna oo horey aan ugu soo gudbin jirnay waayihii isboorti ee ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad ayaa maanta waxaan mar kale idiin soo gudbineynaa ciyaaryahanka ugu dambeeya ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad, kaasoo ah Kabtankii xulka Qaranka waddanka Faransiiska sanadihii 80s Michel Platini.
Platini waxa uu dhashay 22-kii Bishii June sanadkii 1955-kii, yaraantiisii waxa uu ku soo hanaqaaday ciyaarta kubadda cagta, taas oo uu si aad ah uga caawiyey aabihii oo tababare u ahaa koox lagu magacaabo
Nancy.
Platini waxa uu xulka Qaranka waddanka Faransiiska hor kayay sanadihii 1980-yadii, laakiin nasiib darro xulkiisa Farance marna ma uusan soo gaarsiin Final-ka Koob Adduun, xilliyadii uu u ciyaarayay xulkiisa, waxaana xulkiisa uu u saftay saddex Koob Adduun ee kala ahaa 1978-kii, 1982-kii iyo 1986-kii, inksatoo Platini uu laba jeer 4-ta xul ee ugu dambeysa Koob Adduun (Semifinal) uu keenay
xulkiisa Faransiiska, waxaana kulammadiisii Koob Adduun ee gaaayay 14-kulan uu dhaliyey 5-gool.
Platini waxaa saddex jeer oo isku xigta loo magacaabay ciyaaryaanka ugu wanaagsan Qaaradda Yurub (European footballer of the year) sanadihii 1983-1984-1985-kii, waxaana xulkiisa Faransiiska uu u saftay ciyaarihii Olombikada ee 1976-kii, gaar ahaan kulankii xulkiisa ay kaga hor tageen xulkii
Czechoslovakia oo waqtigaa ahaa xul aad u awood badnaa. Michel Platini oo lagu naaneyso (Diiqii Reer France), waxa uu ka ciyaari jirey Khadka dhexe, waxaana ciyaaryahan Platini lagu xusuustaa oo kale laba kulan oo isku xigta oo uu xulkiisa France u dhaliyey 6-gool, taa oo uu ku muteystay in uu noqdo ciyaaryahankii uu record-ka wanaagsanaa guud ahaan waddanka
Faransiiska.
Markii xulka Qaranka Faransiiska uu ku guuldarreystay in uu u soo baxo Koobkii Adduunka ee 1990-kii ayaa waxa uu isu rogay tababare heer naadi, iyadoo sanadkii 1985-kii uu Michel Palatini ku muteystay abaalmarintiisii saddexaad ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Yurub gool rigoore ahaa oo uu ku quusiyey kooxda
Liverpool Final-kii Koobka Qaaradda Yurub.
Platini waxa uu ka fariistay ciyaaraha isaga oo aad ugu hamuun qabay in uu mar uun indhihiisa ku arko xulkiisa Faransiiska oo soo hooyay Koobkii Adduun, balse riyadiisii waxa ay u rumowday sanadkii 1998-kii markii Zinedine Zidane uu xulka Faransiiska u suurtogeliyey guushii taariikhida ahayd ee hanashadii Koobkii Adduunka oo ay 3-0, uga fara-marooqsadeen xulkii da’da weynaa ee Brazil, taasi oo keentay in damaashaadyo aan weligood noocooda la arag ay ka dhacaan waddanka Faransiiska iyo guud ahaan waddam-madii uu soo gumeystay Faransiiska.
Michel Platini waxa uu haatan xubin buuxda ka yahay labada xiriir ee ugu sarreysa kubadda Cagta caalamka ee EUFA iyo FIFA, iyadoo sidoo kalena lagu xisaabiyo ragga ugu taariikhda fog kubadda Cagta waddanka Faransiiska, waxaana mar uu wareysi bixiyey ciyaaryahan Palatini uu ku sheegay in ciyaaryahan Zinedine Zidane uu yahay ciyaaryahan guul aysan weligood hilmaami karin gaarsiiyey xulka Qaranka Faransiiska, isagoo sidoo kalena aad u ammaanay xiddigaha xulka Faransiiska ee kala ah Roberto Pires, Thierry Henry, Marcel Desaily, Lilian Thuram iyo Fabian Barthez.
Dhammaad
(La soco taariikhdii waayihii isboorti ee ciyaartoydii dalkeenna hooyo).