Waayihii isboorti ee
ciyaaryahankii loogu magac daray garoonka
kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan "San Serio" ee
Guizeppe Meaza
W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr.
Blue)
E-mail:
farahblue_545@hotmail.com
Qaybtii 4-aad:
Guiseppe
Meazza waxa uu u dhashay waddanka Talyaaniga,
waxaana uu dhashay 23-kii August 1910-kii, waxa
uu xulkiisa Talyaaniga la qaaday labadii Koob
Adduun ee kala ahaa 1934-kii ee lagu qabtay
waddanka Talyaaniga, kaasoo 2-1 ay uga qaateen
ciyaartii Final-ka ahayd xulka Czechoslvakia iyo
1938-kii oo ahaa Koobkii ku xigay ee lagu qabtay
waddanka Faransiiska oo ay 4-2 koobkaasi kaga
xanyuubsadeen waddanka Hungry, waxa uu Guizeppe
Meazza ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee
soo mara xulka Qaranka Talyaaniga qarnigii
20-aad, waxaana uu 1938-kii noqday Kabtankii
xulka Qaranka Talyaaniga (Azzurri).
Guizeppe Meazza waxa uu ahaa
ciyaartoygii ugu goolasha badnaa xulka Qaranka
Talyaaniga 1930s, isagoo 53-kulan oo uu u saftay
xulkiisa Qaranka Talyaaniga u dhaliyey 33-gool,
taasoo ahayd mid uu Record ugu dhigay dhammaan
ciyaartoydii qarnigaasi ee xulka Talyaaniga,
inkastoo uu soo gaaray Luigi Riva. Guizeppe
Meazza waxa uu xilliyadiisii ugu badnaa ku soo
qaatay kooxda Inter Milan oo uu dhinaca weerarka
uga ciyaari jirey, isagoo ku soo biiray isaga oo
17-jir ah 1927-kii.
Meazza waxa uu xilli
ciyaareedkii 1929-30-kii u dhaliyey 33-gool,
waxaana uu noqday ciyaaryaha-nkii Horyaalka
Talyaaniga ka dhaliya goolal intaa gaaraya,
isagoo mar labaadna isla goolal intaa la eg ka
dhaliyey Horyaalka Talyaaniga. Guizzeppe Meazza
waxa uu guud ahaan kooxda Inter u dhaliyey
246-gool, waxaana ay ahayd mid layaab ku noqotay
dhammaan weeraryahannadii kale ee qarnigaasi ka
ciyaarayay H/Talyaaniga, iyadoo dhinaca kalena
taa beddelkeeda xiriirka Kubadda Cagta
Talyaanigu ay u aqoonsadeen ciyaaryahankii ugu
wanaagsanaa ee soo mara waddanka Talyaaniga laga
soo bilaabo 1927-1970-kii. Guiezeppe Meazza waxa
uu ku caanbaxay dhallinta goolasha saddexda ah
ee halka kulan (Hat trick), iyadoo inta badn
xulka Talyaanigu ay ku xusuustaan saddex gool ee
uu ka dhaliyey xulka Switzerland 1930-kii.
Kooxda Inter waxa ay xiddigoodaasi ugu magac
dareen garoonka ay wadaagaan iyaga iyo kooxda ay
deriska yihiin ee AC Milan iyagoo u bixiyey (Guizeppe
Meaza).
Garoonka San Serio waxaa
albaabada loo furay sanadkii Bishii September ee
sanadkii 1926-kii, iyadoo kuraastiisuna ay
markiiba ku fariisanayeen waqtigaasi 35,000-qof,
balse sanadkii 1950-kii ayaa dib loo casriyeeyey,
waxaana uu markan qaadaa 85,700-qof, iyadoo
furidda garoonkaasi uu qayb ka qaatay
Billionaire la oran jirey Peirro Pirelli.
Sanadkii 1980-kii ayay ahayd markii kooxda Inter
ay garoonkaasi ugu magac dartay laacibkoodii
Guizeppe Meazza, iyadoo sanadkii 1990-kiina lagu
qabtay Final-kii Koobkii Adduunka ee lagu qabtay
Talyaaniga, balse waxaa ku guuleystey xulkii
west Germany, kaddib markii uu 1-0 ugu awood
sheegtay Argentina..
Naadiga Inter oo uu u
ciyaarayay Guizeppe Meazza waxaa la aas-aasay
1908-dii, waxaana ay hanatay 13-Horyaalka
waddankeeda Seria A-da ah, kuwaasoo kala ahaa
sanadihii (1910/1920/ 1930/1938/ 1940/1953/ 1954/1963/ 1965/1966 /1971/ 1980/1989),
waxaa kale oo ay ku guuleystay laba European
Cups sanadihii 1964-kii iyo 1965-kii), 3 Koobka
EUFA ah sanadihii 1991-94-98-kii, 2 koob oo
Intercontenantal Cups, sidoo kale Inter waxa ay
ku guuleysatay 3 Copa Italia ah sanadihii
1939-78-82-kii, 1-koob oo Super Cup ah oo ay
hanatay sanadkii 1990-kii, guushii ugu weyneyd
ee ay kooxda Inter gurigeeda ku gaarto waxa ay
ahayd xilli ciyaareedkii 1933-34 markii ay 9-0
ku suul daartay kooxda Casale, sidoo kale
guuldarradii ugu xumeyd iyadoo gurigeeda ku
sugan waxa ay ahayd 2000-01 markii Kooxda AC
Milan ay 6-0 afka ciidda ugu dartay, Guushii ugu
weyneyd ee ay dibadda ku soo gaarto kooxda Inter
waxa ay ahayd markii 6-0 ku dhufatay kooxda
Udinese 1960-61-kii, guuldarradii ugu xumeyd ee
dibadda ku soo gaartana waxa ay kala kulantay
kooxda Juventus markii ay ku dhufatay 9-1, ugu
dambeyntiina xiddigii caanka ahaa ee Guiezeppe
Meazza waxa uu geeriyooday sanadkii 1979-kii.
taariikhdii daaficii xulka
Jarmalka Franze Backenbauer.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr.
Blue)
E-mail:
farahblue_545@hotmail.com