WAAYIHII
ISBOORTI EE DAAFICII UGU WANAAGSANAA
ADDUUNKA QARNIGII 20’AAD FRABZE
BECKENBAUER
W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr.
Blue).
E-mail:
farahblue_545@hotmail.com
Qaybtii 5-aad:
Magiciisu waa Franze
Beckenbauer, waxa uu ku dhashay waddanka
Germany 11-kii September 1945-kii, wuxuuna u
dhashay isla waddanka Germany, Beckenbauer
waxa uu xulka qaranka waddankiisa u
ciyaarayay muddo 10-sano ah, waxa uuna ku
guuleystay abaalmarinno fara badan oo isugu
jira Dahab, Qallin iyo Macdan, maxaa yeelay
waxa uu ahaa Daaficii ugu wanaagsanaa
adduunka ee qarnigii 20’aad iyo weliba
waddanka Jarmalka.
Beckenbauer waxa uu xulkiisa
kala qayb qaatay saddex Koob Adduun oo kala
ahaa 1966-kii Koobkii lagu qabtay waddanka
England oo isla xulka England ay 4-2 ugu
awood sheegteen xulkii West Germany oo
xilligaasi daafac uga ciyaarayay Franze
Beckenbauer. Sidoo kale waxa uu ka
qayb galay Beckenbauer 1970-kii Koobkii
Adduunka ee isna lagu qabtay waddanka
Mexico, kaasoo xulka Brazil ay 4-1 uga
qaadeen xulka Italia, iyo weliba kii ugu
dambeeyey ee 1974-kii Koobkii Adduunka ee
lagu qabtay West Ge rmany oo isla xulka West
Germany uu ku guuleystay, kaddib markii 2-1
ay uga qaadeen waddanka Holland, isagoo
markaasina West Germany uu daafac uga
ciyaarayay Franze Beckenbauer.
Franze Beckenbauer waxa uu
ahaa nin deggan marka uu banooniga helana ku
adkeysan jirey in uu fiiro dheer u yeesho
saaxiibadiisa kale ee ka dhinac ciyaarayay,
waxaana xilliyadii uu ciyaarayay uu noqday
kuwo ay la yaabeen weeraryahannadii Europe
ee qarnigaasi.
Beckenbauer
waxa uu ku guuleystay in uu noqdo
macallinkii xulka Germany, isagoo u qaaday
kaddib markii u qaaday Koobkii Adduunka ee
1990-kii lagu qabtay waddanka Italia, iyagoo
1-0, ku suuldaaray Xulka Qaranka Argentina.
Beckenbauer waxa uu naadiga Bayer Munich ku
soo biiray isaga oo 18-jir ah, waxanaa uu
kula guuleystay illaa iyo 27-Koob, waxaana
loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa
waddanka Germany 1966-kii, waana xilligaasi
xilligii uu 4-gool ka dhaliyey Koobkii
Adduunka ee 1966-kii, isagoo lugtiisana ugu
saamaxay in West Germany ay timaaddo
Final-ka Koobkii Adduunka ee 1966-kii.
Dad badan ayaa aminsanaa in
Franze Beckenbauer uu yahay ciyaaryahan
halyey ah, iyagoo u bixiyey magacyo ay ka
mid ahaayeen “The Kaiser”, wuxuuna ahaa
ciyaaryahan ku nuux-nuuxsan jirey booskiisa,
isagoo soo marin kursiga keydka.
Sidoo kale xulka Germany ayuu taariikh kula
reebay markii 1974-kii ay ciyaar quarter
Final ah isaga hor yimaadeen xulkii Qaranka
Ingiriiska, kaddibna halkaasi wacdaro uu ka
dhigay isaga iyo saaxiibadiisii xilligaasi.
Beckenbauer sanadihii 1971-kii iyo 1976-kii
loo magacaabay (Best player of the year)
Ciyaaryahanka sanadka ee Q/Yurub.
Franze Beckenbauer waxaa aad
u jeclaa taageerayaal fara badan oo u
dhashay waddanka Jarmalka, iyagoo ku faani
jirey marka uu garoonka soo galo, waxa uuna
saftay 18-kulan oo Koob Adduun ah, isagoo
dhaliyeyna 5-gool, waxa uu haatan ku nool
yahay waddankiisa Germany, waana ciyaaryahan
haatan aad looga tixgeliyo guud ahaan
isboortiga waddanka Jarmalka iyo caalamka.
Beckenbauer haatan waxa uu ku
sugan yahay waddanka Portugal oo si habsami
leh uga socdo Koobka Qarammada Yurub ee
sanadkan, waxaana uu u soo daawasho tagaa
kulammada ciyaareed ee xulka Qaranka
Jarmalka iyo kooxaha waaweyn ee ka dhisan
Jarmalka, sida Bayer Munich, isagoo
dhiirrigelin iyo la talis siiya ciyaartoyda
xulalka Jarmalka iyo Bayer Munich.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr.
Blue).
E-mail:
farahblue_545@hotmail.com