SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADA CIYAARAHA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: Agoosto11, 2004


CIYAARTOYDII SOOMAALIYEED EE TABABARKA U  AADEY  REAL MADRID OO SOO GAAREY DALKA ….


Kabtan Beckham oo dhextaagan Cbdib Bashiir, Nuune Xuseen, Yuusuf Cali Moorgan iyo Maxamed Yuusuf

Waxaa maalintii dorraad ahayd magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay laba ciyaaryahan oo tababar u aaday dalka Spain gaar ahaan garoonka   Real Madrid. Xaflad aad u balaaran ayaa loogu sameeyay xarunta dhalinyarada ee KANAVA waxaana ka soo qeyb galay soo dhaweyntooda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo weliba mas’uuliyiinta hay’adaha UNICEF iyo  UNDP oo iyaga qayb libaax ku lahaa qaadida afar ciyaaryahan oo laba ay ka tagtay koofurta labada kalena waqooyiga.  Dadkii ka hadlay xafladaasi waxaa ka mid ahaa Max’ed Nuur Yalaxoow oo ku hadlayey magaca hay’adaha UNICEF iyo UNDP wuxuuna sheegay in ula jeedada loo qaaday 4-tan ciyaaryahan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isboortiga, waxaa kaloo ka hadlay

Luis Figo dhextaagan Ciyaatooyda Soomaaliyeed

C/raxmaan Janaale oo isna u mahad celiyay inta gacan ka geysatay barnaamijkaasi, labada ciyaaryahan ee soo gaaray Muqdisho oo lagu kala magacaabo Nuune Xuseen Cabdi iyo Yuusuf Cali Moorgan, oo iyagana ka hadlay xafladaas waxay sheegeen in wixii ay ka soo faa’ideysteen  garoonka  Real Madrid ee El Santiago Bernabue ay uga sii faa’ideyn doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Isboortiga xiiseeya, waxaana labada dhalinyaro ee kale ee ka tagay gobolada waqooyiga Somalia lagu kala magacaabaa Max’ed Yuusuf Xasan iyo Cabdi Bashiir Cabdi.

Ciise Aadan Abshir oo dhaliyay goolkii ugu horeeyey . (Young Somalian Ronaldo)

 
Ciyaatyahan Ciise oo qoraalo u saxiixaya Carruurta ree Tanzania iyo taageerayaasha Koxdiisa Simba


Ciise Abshir  waata Koofida Qaran Soomaaliya oo ka qeeyb galaya Dhoola tus Sport o ay kooxdiisa Simba ku dhex sameeyneeso wadoyinka waaweeyn ee Magaaladda Caruusha

Weeraryahanka xulka qaranka ee wadankeena Soomaaliya Ciise Aadan Abshir ayaa kulankiisa ugu horeeyay u saftay kooxdiisa Simba ee wadanka Tanzania, waxaana kulankaas uu dhaliyay goolkiisa ugu horeeyay ee uu dhaliyo kooxdiisa Simba.  Daqiiqadii 35-aad ayuu shabaqa ku hubsada goolkii guusha ay uga badiyeen kooxda Pridson FC, kulan ka tirsanaa tartanka ay ka qeybgaleen sideeda kooxood ee ugu fiican wadanka Tanzania, waxaana ciise sidoo kale uu kooxdiisa Simba u horseeday in uu dhiibo goolka guusha ay uga badiyeen kooxda young African kaddib markii uu soo galay ciyaarta oo mareysa gool iyo gool (1-1) sidoo kale Ciise oo shalay khadka internet-ka qaybtiisa wada sheekeysiga (MSN-Masenger-ka) ugu waramayey Faarax Blue ayaa sheegay in maalinta axada ahna ay yeelan doonaan kulankooda sadexaad, waxaana ciise uu kooxdiisa Simba u qaataa nabmarka 11-aad.


Ciyaaryahan Ciise Abshir

“aad ayaan ugu mahadcelinayaa macalinkeygii hore ee kooxda Elman Cabdi Faarax Geele iyo guud ahaan maamulka Elman oo ii sahlay in aan gaaro heerkan” ayuu yiri Ciise oo ay taageereyaasha kooxda Simba ay ugu magac dareen (Young Somalian Ronaldo), “Ronaldaha yar ee Soomaaliyeed”

Xaggee ayuu marayaa tartankii Marxuum Qeylshe.?

Tartan kubadda Cagta ah oo lagu maamuusayay Marxuum Qeylshe Cumar Cali oo ahaan jirey Guddoomiyaha Nabadgelyada garoonka Dugsiga Hoose dhexe ee Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Madiina ayaa ka furmay garoonkaasi, waxaana tartankan oo uu si rasmi ah u furay Guddoomiye ku xigeenka Olombikada Gobolka Banaadir Xaaji Maxamed Zubeyr Jeelle waxaa goob joog ka ahaa Ibraahim Maxamed Rooble (Shanley) Guddoomiye ku xigeenka dhinaca nabadgelyada degmooyinka Maka iyo Madiina, macallinka labada degmo Xaaji Cumar Abuukar  Maxamed, Gudoomiyaha Olombikada degmada Madiina Xuseen C/llaahi Gaab, waxaana tartankaasi lagu furay labada kooxood ee kala ah Nucmaan Vs FC Siligga 2-1, Khaalid Bin Waliid Vs Iftin 1-0, Cali Xuseen Vs Jugweyn 0-0, Aaargo Vs Wadajir 1-1, FC Siligga Vs Amaana 2-0, Iftin vs Madina Hospital 5-2, TV 5 Vs Jugweyn 2-0, Aargo Vs Al-Nasar 2-1.

Tartankan oo ah ciyaartoyda cuslaatay ayaa waxaa ka mid ah ciyaartoyda ciyaareysa Shiikhaaloow (Jugweyn), Axmadey Hilowle (Jugweyn), Cali Nuur (Jugweyn), C/qaadir Muuse Cali (Jugweyn), C/raxmaan Muuse Cali (Jugweyn), C/qaadir Maxamed Cabdi (Jugweyn), Shariifoow (kooxda Cali Xuseen), Cali Kuuriya (Kooxda Cali Xuseen), Siid Cali (FC Siligga), Amiin Cali Muumin (FC Siligga), Xuseen C/llaahi Gaab (Iftin), Awees dheere (Iftin), Cadde Iikar Cabdi (Aargo), C/qaadir Shiine (Aargo) iyo Cali Kuuloow oo isna u ciyaara isla kooxda Aargo.  Dhinaca kale xulka Degmada Madiina ayaa martiqaad ka helay koox ka dhisan degmada Baraawe oo lagu magacaabo Al-Yanda, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay 2-0 ay guushu ku raacday xulka Madiina, ciyaar labaad ayaa waxaa wada yeeshay xulka degmada Baraawe iyo xulka Madiina, waxaana 3-1 ay mar kale guushu ku raacday Madiina, waxaana hoggaaminayay ciyaartoyda Madiina Guddoomiye ku Xigeenka Olombikada degmadaasi Cali Muumin iyo tababare Mahad Axmed Maxamed Tigoow.   

Laxiriir: Amiin:


Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD