SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 ELDORET SUBAXWANAAGSAN:MAXAAD KU BARIDEEN?

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Januray 15, 2003

-wareeggii 2002 markii laga yimid loona gudbbay sanadka cusub iyo dar-dar cusub.

waa laysugu soo laabtay eldoret dhamaadkii fasaxyada kadib,

(SANAD WALIBA HOODIYO WUXUU HADIMO LEEYAHAY WAALAGA HELAAYOO HADHAW LAGU XASSUUSTTAA: QAAR KAAHORREEYOO HODANAANADHAAFEE HALKI LOOGU MAHADNAQAY KA HABAABIMAYSIDE; KII NOOOO HAGAAGEEEEE NOQO LOO HANWAYNYAHAY):

waxaa intaan hoolka lagu shiraayo gudaha loogalin laysku qabsaday albaabka hore EE HOOLKA.

wuxuu ka dhashay is qabsigan sanadka cusub la kowsaday kadib markii urur goboleedka IGAD liis ay ku xusanyihiin ergada shirka oo kabadan intii horay laysugu waafaqay oo ahayd 300,taasoo laf ahaanteeda dhib aan yarayn ansixinteeda lagalasoo kulmay.

"gudiga IGAD ayaad haatan moodaa in uu dhankiisa ka noqday hogaamiye kooxeed(DAGAAL OOGE):

. (qoraalka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Mr mwangali oo ah gudoomiyaha gudiga farsamada shirka eldoret ee dhanka igaad ugana wakiilka ah xukuumada keenyatiga oo ay soomaalidu arintaas aad ugu canaanatay ayaa warmihii dhan isaga duway oo ku fooraariyay beesha REER YURUB(E.U):

wuxuu halkaas ka yiri hadal aan ururada caalamiga ah iyo soomaalidu meeshaba soo dhigan,

oo dharbaaxo libaax kaga kululaaday YURUB"iyakaa layimid reer yurub fikirka aad ka cadhooteen ee ah in tiradii ahayd 300 lagu daro 96 xubnood si ay u carqaladeeyaan".

.-.(ILA QOSOL)waxaa lasheegay kadib markii ay ergadu rag iyo dumarba gidaarkii tapeelaha lagu soo dhajiyay si is riix riix ah ugu soo xoontay oo ad moodaysay in shaleemo super ee magaalada muqdisho tigidh daba qabsi ah lagu goosanaayo halkaas laba nin lagu jeeb siibay:

--KOOXAHA RAYID KA AH AYAA MARKALE SOO CUSBOONAYSIIYAY EEDAYN ay ku soo oogayaan IGAD oo ah,in igad markale iyaka ku soolabakaclaysay oo ay hogaamiye kooxeedyada siisay awooda ah "VITO":

.-.DHANKAKALE WAXAA SOO BAXAY WAR LAYAABLEH-

kooxda shirkaba hogaanka u haysa ee IGAD ayaa laleeyahay waxay bilawday in ay qaadato laaluush u sahlaya ruuxii raba inuu shirka siijoogo,waxayna qaadanayaan 2500 doolar.

.-.ku xigeenka raiisal wasaaraha DKMG Cusmaan Jaamac Cali(KALUUN),ayaa wax u eg bonbaano kale ku dhex qarxiyay madasha shirka.

waxaa uu keenay Mr KALUUN arin aan maalmahanba lagu riyoonin(meeshaba la soo dhigan).waxaa uu sheegay in ay dawladdu shirka ka baxayso hadii aan la keenin waxa uu ugu yeedhay beelaha DIR ta WOQOOYI oo uu ula jeedo SOMALILAND maadaama buuyiri laysku afgartay in beel beel wax looqaybsado.

billawgii shirka ee sanadkii tagay 2002 ayuu madaxweynaha DKMG Mr C/qaasim mudaharaadyo dhowra oo uu isagu abaabulay beesha IGAD iyo kuwa caalamkaba ugu baaqay in ay shirka keenaan SOMALILAND.

dhanka hargaysa waxaa ay mudaharaadyadaasi kaga jawaabtay, (REER KOONFUREED WAXAA AY IMAAM KA DHIGTEEN SHEEKH MAQAN SALAADIINA KU XIDHEEN);dadka siyaasada soomaaliya iyo wajiga shirka indha indheeya ayaa arinta ay DKMG ahi latimid oo shirka ku noqotay laf dhuun gashay ku macneeyay "bareer cad oo uu Mr C/qaasim ugu bareeraayo in uu ku fashiliyo shirka.

raiisal wasaare xasan abshir iyo gudoomiyaha baarlamaanka cabdalla deeroow ayaa toos ugu gacan saydhay baaqii labada gole ee kan dawladda iyo kan baarlamaanka ee ku amraayay in ay ka sootagaan shirka oo ay xamar iska soo xaadiriyaan,waxaa uu mr xassan abshir sheegay in uu ījagada ku qabtay magacbeeleed cabdi qaasimnna uu riyoonaayo hadii uu yiri jagadaa lagaa qaadi hadii aad xamar iman waydidi,mr deeroow ayaa isnna laga soo wariyay in uu hadal kaas lamida carabka ku dhiftay

madaxweynaha dawlad goboleedka PUNTLAND mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmad iyo gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe mudane Maxamed Cumar Axmad (xabeeb) ayaa waxaa ay si toosa todobaadkan ugu wada xiriireen khadka isgaarsiinta,waxaa ay labada hogaamiye si isku aragti ah ugu heshhiiyeen in ay tagaan shirka una badbaadiyaan hanaankiisa.

.-.dawladda cusub ee keenya ayaa haatan u soo dirtay wasiirkeeda arimaha dibadda Mr KOLLANSO MUSEYOKA kadib markii khilaafku dhanwalba hadii ay noqon lahayd dhanka IGAD ,dhanka yurub iyo dhanka soomaalidaba ka dhamaan waayay loona arkay in uu shirka ku kululaaday hardidii sanadka cusub,wuxuuna ku balan qaaday in uu dhabarka u dhiganayo culayswalba oo ay yeelato badbaadinta shirka ELDORET:

I  I  D  H  E  H

xagar91@hotmail.com 

January 15, 2003 

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD