SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY

KOONFUR SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO:

WQ. Xagar Yare

ururka qaramada midoobay ayaa si wayn uga dayrinaaya xaaladda maalinba malinta ka danbaysa sii guracnaanaysa ee koonfurta dalka soomaaliya.maamulka sare ee qaramada midoobay xafiiska NEW-YORK ayaa muwaadiniin soo maaliya iyo dadyaw shisheeye labadaba farta ku fiiqaya in aad loogu tacadiyayyo jiritaanka soomaaliya.

xoghayaha guud ee qaramada midoobay KOFI ANNAN ayaa u magacaabay dhowaan sadex khabiir in ay soo baaraan cabasho ka soo yeeraysa hirgalin la,aan cuna qabatayntii caalamku soomaaliya ku soo rogay inaan wax hub ah laga iibinin 1992 kadib qaraxii dagaalka AHLIGA ah.

sarkaal sare oo u hadlay U.N ka mr Fred eckhard ayaa maalinimadii arbacadii 28.08.2002 sheegay in xoghayaha guud mr ANNAN uu ugudbiyay xubnaha golaha guud ee amniga magacaabida sadexda khabiir oo soo xaqiijinaaya wararka buu yiri isasoo taraaya ee ku xad gudubka nidaamka mamnuucaya in soomaalida hub loo gudbiyo si bal markale la isugu dayo in soomaaliya xal loo helo nabad ka dhalata.

sadexda khabiir ee uu mr KOFI ANNAN magacaabay ayaa kala ah mr ERNST JAN HOGENDOORN oo u dhashay dalka HOLAND mr MOHAMED ABDOULAYE M´´BACKE oo u dhashay dalka SENEGAAL iyo BRYNJULF MUGAAS oo isnna u dhashay dalka NORWAY.

golaha abniga ee UN wuxuu bishii july ee sanadkan isla ogolaaday in la abuuro gudi xaqiiqa raadis ah oo si hufan ugu soo kuur gala dhaqan galinta cunaqabataynta oo uu kadibnna ugudbiyay xoghayaha guud baahida loo qabo gudi khabiirro ah oo arintan loo saaro,bil ayuunbaana u dhaxaysay soo jeedinta golaha abniga ee fikirkan iyo magacaabida uu xoghayaha guudi magacaabay taaasoo micneheeduyahay inuu si deg dega ah uga jawaabay.gudigan ayuu fadhigoodu noqondoonaa magaalada NAIROBI kenya.iyagoo hawshoodu u socondoonto mudo ku siman lix bilood.

dhinaca kale waxaa dhowaanahanba socdaalo hawleed ku marayay gobolada koonfurta soomaaliya siiba muqdisho nin uu horay u magacaabay KOOFI ANNAN oo layiraa Dr Ghanim alnajjar,ninkaasoo ku hawlan in uu soo baaro ku xad gububka ba,an ee lagu hayo xuquuqda aadamaha,mar uu saxaafada war siiyay wuxuu sheegay in xuquuqda haweenka laga iloobay xamar,caruurta oo si caqliga ka baxsan loo askareeyay lagana lumiyay mustaqbalkii iyadoo laga duudsiyay xaqii ay u lahaayeen in waddo toosan lagu abaabiyo,looguna badalay barashada qaabka wax loo dilo,dhoco iyo nacayb.

iyaddo ay siiliidato buuyiri rajada laga qabi karo in ubadka la marin habaabinayo dhaqan celin deg-deg ah lagu sameeyo

 

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | AUGUST 31, 2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE

 
DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan GUJI  16/8

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN  

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD