SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SWEDEN

SOOMAALIDA SWEDEN OO U CIIDEY SI KA DUWAN CIIDII HORE

WQ. Guled, Abdulhakim Ahmed |Stockholm, Sweden | SomaliTalk.com | Eid 1423 |  05/12/02

Kumanaan kun oo ka mid ah muslimiinta ku nool caasimada wadankan Sweden ee Stockholm ayaa waxay u ciideen si weyn oo aan khilaaf lahayn. Hambalyeyn iyo rayn rayn ayay dadku isla dhex-qaadayeen dhamaantood, farxad aan la soo koobin karin ayaa wajiyadooda ka muuqatey, waxayna isugu tahniyadeynayeen "sanadwadba ku ciida caafimaad iyo cibaado suuban", halka caruurtuna ay dhankooda ku ciidayeen; gabdhaha oo gacmahooda cilaan lagu xardhay, ciyaar wiilasha, macmacaan iyo dhar aad u qurux badan oo loogu tala galay munaasibadaan qaaliga ah. Soomaalida ku dhaqan ayaa sidii caadadda u ahayd ilaa iyo Iidii hore waxay u ciideen si wada jira oo niyadsami iyo Islaanimaba ku dheehan tahay waxaana la odhan karaa waa guul weyn oo u soo hoyatey Soomaalida Stockholm iyo guud ahaan muslimiinta ku dhaqan wadankan.    Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
  Mar aan Saciid Budul oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ah wadanka Sweden aan wax ka weydiiyey Iidaan waxay Ciidiihii ka horeeyay uga duwanayd waxuu iigu jawaabay " Ciidaan waxay Iidihii hore uga duwan tahay iyadoo Dhamaan Muslimiinta oo dhan ay hal mar wada soomeen ayna wada ciideen, waxaase iga yaabiyey sida degdeg ah ee uu soonku u dhamaadey" ayuu yiri Budul.

Dhanka kale waxaa markii ugu horeysay damaashaadyo ay si wada jir ah u soo wada abaabuleen labbada Masaajid ee Soomalida iyo Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaliyeed ee Sweden (Somaliska Riksförbundet i Sverige) ka dhici doono berito galab Degmada Rinkeby sida ay ii sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka misaajida iyo xoghaynta Isbahaysiga. Waxaa sidoo kale maalinta Axada ah ka dhici doono tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayo Ciida, waxaana soo abuuleen wax garad degen Xaafada Sollentuna sida uu ii sheegay Axmed Maxamed aw-Aadan (Sollentuna).

I  I  D  H  E  H

Waxaad si weyn u muuqato inay Soomalida Sweden ay firaaqo weyn u heleen sida ay ugu dabaaldegi lahaayeen maalmaha ku weyn agtooda, ka dib markii uu soo afjarmay is-fahanwaagii mudada soo jiitamayey ee u dhaxeeyey.

Soomaalida aan la kulmay ayaan haba yaraatee hadal hayn shirka dib-u-heshiisiinta ee kooxaha Soomaalida uga socdo Eldrot Kenya.

CIID MUBAARAK, KULLA CAAMUN WANTUM BI-KHEYR MEEL AAD JOOGTAANBA..CIID WANAAGSAN KU IIDA ALLAAHNA DHIBTA HA KA DUL-QAADO UMMADEENA, QULUUBTOODANA HA ISOO JIIDO.

Guled, Abdulhakim Ahmed

Stockholm, Sweden

guledhakim@yahoo.com 

Dec 5, 2002

<><><>

Cumar Yare oo Loo Qaadi Doono Australia
Cumar oo ah 3jir xiidmuhu dibada yaalaan ayaa 18ka December la keenidoonaa Melbourne si loogu qalo, laakiin Guji

SALAAN ISU-DIRID CIIDA: Eidmubarak | EidMubarak.2Eid card

Sida Looga Ciiday Doha
Sida looga ciido dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan.... GUJI..

CIID MUBAARAK
Bahda SomaliTalk waxay dhammaan Muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida ugu hambalyay-nayaan ciida barakaysan ee "Ciidul Fidriga" sannadkan 1423 oo kubeegan December 5 .. GUJI...

/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD