SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WARAR

Wararka Soomaalida Qurbaha

SomaliTalk.com | Dec 13, 2002
Video Kusaabsan muranka NewZealand siyaasiyiintooda soo dhexgalay, tan oo la xiriirta soomaalida halkaas ku dhaqan: 

. Hadalkii Duqa magaalada

. Muran Siyaasadeed

  • Luqada Soomaaliga oo lagu daray luqadaha mishiinada gada tigidhada  Tareenada Minneapolis, USA

  • Dab Qabsaday Xarun Soomaaliyeed oo kutaal Minnesota, USA

  • Duqa magaalada Christchurch, NewZealand, oo lagu tilmaamay"Somali warlord"

Hoos Akhri

alkaramaDuqa magaalada Christchurch, NewZealand, oo lagu tilmaamay "Qabqable Dagaal Soomaaliyeed" ["Somali warlord"]

Arin ku bilaabatay muran u dhexeeya dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Christchurch oo katirsan dalka NewZealand ayaa isu bedeshey dagaal xagga afka oo ka dhix oogmey laba siyaasiyiin oo sarsare oo reer NewZealand ah, taas oo weliba dalka NewZealand ka dhalisay arin siyaasadeed oo ay siweyn uga hadleen saxaafada dalkaasi.

Winston Peters oo ah hogaamiyaha New Zealand First ayaa ku eedeeyey duqa  (Mayor) magaalada Christchurch Mayor Garry Moore in uu yahay  qabqable dagaal Soomaaliyeed "Somali warlord"

Taas isagoo ka jawaab-celinaya Moore waxa uu yiri "dhimashadayda  Winston Peters la igulama arki lahayn qol weynaha 'hall'", waxana uu ku tilmaamay in hogaamiya New Zealand First uu yahay sun "toxic".

Murankani waxa uu bilaabmay kaddib markii Peters uu ka jawaabey warbixin sheegeysey in booliisku ay baaritaan ku wadaan weerar loo geystey gawaari taas oo loo malaynayo in ay ka dhalatay muran la xiriira hoggaanka kaas oo u dhexeeya qabiilooyin Soomaaliyeed oo deggan magaalada Christchurch.

Hadalada Winston Peters ee muranka siyaasadeed ee ugu weyn ka aloosay dalka NewZealand waxaa kamida kuwan:

  DAAWO VIDEO

. Hadalkii Duqa magaalada

. Muran Siyaasadeed  

"Waxaad halkan ka heleysaa qaybo kala duwan oo qabiilooyin ah kuwaas oo wadanka keenay wixii ay isku hayeen ee ay ku burburiyeen dalkoodii," sidaas waxaa yiri Peters.

Isagoo Peters hadalkii sii wata waxa uu yiri "haddii taasi ay ka dhacayso NewZealand waxaa nasoo foodsaaray dhibaato xad-dhaaf ah oo waqti dheer soconeysa"

Tim Barnett oo ah MP xisbiga shaqaalaha oo laga soo doorto bartamaha Christchurch  waxa uu erayada Peters ku tilmaamay midab-kala-sooc ["racist"], waxaana hadalkaas ku raacay Garry Moore.

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/AfrikaMayor  
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed ayaa xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

"Waxaan xalinaa arimaheena anagoo u mareena dariiqeena, kala qaybinta jaaliyadeenuna ma ahan sida aan wax uga qabano halkan" sidaas waxaa yiri Moore, waxana uu intaas ku daray in aan  Peters laga soo dhoweyn doonin  magaalada Christchurch.

Duqa magaalada oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri arinta uu ka hadlayo Peters waa arin aad u yar taas oo ay booliiska arintaas ka shaqaynya ay jaaliyadu ku faraxsanyihiin.

Soomaalida NewZealand ee arimahan ka hadlay waxaa ka mid ah Faarax Nuur oo sheegay in aan duqa magaalada (mayor) Moore aan la barbar dhigi karin qabqablayaasha afrikaanka rasmiga ah. isagoo Faarax hadalka sii watana waxa uu yiri Moore  waa hogaamiya wanaagsan oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed qadariyaan, xushmeeyaana.

Faarax Nuur oo u jawaabayey Winston Peters waxa uu yiri "ma aaminsani Winston Peters in uu wax shaqo ah ku darsankaro jaaliyada Soomaaliyeed, xaqna uma laha in uu u sheego (Soomaalidu) in ay ku laabtaan meeshii ay kayimaadeen"

Peters waxa maanta oo Jimce ah kaqayb qaatay dood radio lagu qabtay taas oo wargeyska NewZealand City [nzcity] uu cinwaan kamida wararkii maanta ka dhigay "Peters explodes on air". Taas wargeyska oo sii wata waxa uu yiri waxaa arintu kululaatay kaddib markii weriye Mike Yardley weydiiyey Mr Peters waxa uu cadayn u hayo in magaalada Christchurch ay soo waaridey (keentay) "dagaal sokeeye iyo iska hor imaad". Mr Peters oo taas ka jawaabayana waxa uu yiri waxaa in badan waraysi la igula yeeshay raadiye, laakiin waxaad tahay kii ugu edebta daraa ee yaraa, isagoo taas sii watana waxa uu Peters kuyiri Yardley "aamus (shut up) shan daqiiqo, neef sanka ka qaado, waxaa laga yaabaa in aad wax baratide".

Waxa kale oo isla wargeyskaasi sheegay in afhayeen u hadlayey Soomaalida NewZealand oo ah Cabdi Casiis Cabdullah Xuseen uu sheegay in aad uga caraysan yihiin hadalka Peters, waxana uu hadalkiisa intaas ku daray in Peters uu jebinayo xeerarka qawaaniinta caalamiga ah.

Waxaa lagu qiyaasay in magaalada Christchurch ay ku dhaqan yihiin 400 oo Soomaali ah.

ISHA WARKA: http://onenews.nzoom.com/ 

<><><>

Dab Qabsaday Xarun Soomaaliyeed oo kutaal Minnesota, USA

Subaxnimadii khamiista ayaa dab qabsaday xarun ay leeyihiin  jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada St. Cloud, xaruntaas oo ah mid cusub oo ah goob dhaqameed "Somali Cultural Center".

Waxaa waraku sheegeen in khasaaraha uu dabkaasi geystey ay dhantahay $8,000. waxaa hadda socda baarintaan la xiriirta wixii sababay dabkaas, waxaase saxaafada Minnesota ku tilmaameen mid shaki kujiro sidii uu dabkaasi ku bilaabmay.

<><><>

Luqada Soomaaliga oo lagu daray luqadaha mishiinada tigidhada mid kamida Tareenada Minneapolis

Wararka kale ee Minnesota waxaa kamid ah in dood muddo socotey oo la xiriirta luqada lagu darayo luqadaha tigidhada tareen maraya halka lagu magcaabo HIAWATHA oo ka tirsan Minneapolis ayaa kusoo gabagaboobey in luqada Soomaaliga.

Waxaa mishiinadaas lagu darayaa cod iyo qoraal afSoomaali ah.

 http://www.twincities.com/mld/twincities/news/local/4719383.htm 

Maxaa warkaan hadda kusoo kordhay....Guji

Wararka Soomaalida oo Ingiriisi ah... Guji 

Tarjumadii: Maxamed Cali

SomaliTalk.com

Dec 13, 2002

Warbixinadii hore ee Soomaalida NewZealand: ka akhri halkan http://somalitalk.com/newzealand/ 

Qaali dowladda dhexe ee mareykanka ah oo diiday in soomaalida la tarxiilo: war lagu farxo ayeey shalay ka dhawaajisay qareen dowlada dhexe (federal) ka socota oo ah inaan la tarxiili karin GUJI  12/12 

I  I  D  H  E  H

 

Gudiyada Dib u Heshiisiinta oo Shaqa Joojin Sameeyey
Ilaa iyo shalay ayaan xarumihii ay gudiyada dib u heshiisiinta shirka Eldoret ka shaqaynayeen cidi soo xaadirin kaddib markii ay dhamaan. Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 12/12

"Dowlada Itoobiya oo Rabta Inay Shika Eldoret Burburiso"
Sidaas waxaa yiri Jaamac Cali Jaamac oo SomaliTalk u waramayey isagoo jooga magaalada Eldoret, Kenya.. Waraysigii oo dhan  [Fahad] 11/12

Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga
Eldoret 11/12/02: Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli laha loona  GUJI  11/12

Liiska Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah
Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi Madaxweyne Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 09/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]