| 
    
     Waxaa jirtey in taariikhdu markay ahayd 04/disember
    2002,xubno ka tirsan kuwa ku hubeysan magaaladda xamar.in ay shir ku
    yeesheyn hotel sirikwa ee Eldoret Kenya ayna ka soo saareyn Baaq ku wajahan
    Gobolka Banaadir Baaqaas oo lagu inkiray jiritaanka Bahweeynta Banaadiriga .sidaasi
    awadeeda waxaa shir deg deg ah iyo bayaanba ka so saaray Qowmiyadda
    Banaadiriga ay shir isugu yimaadeeyn magalada Eldoret ee Dalka Kenya ayagoo
    ka jabaab celinaayo Baaq ka soo Baxay hogaamiyaasha Hubeeysan ee Xamar .goobtii
    shirkaas waxaa si qotodheer looga dooday,loona falaanqeeyey,xaaladda
    murugada leh ee ay ku sugan tahay Beesha ku abtirsata Bahweynta Reer
    Banaadir dalka Soomaaliya Gudihiisa iyo dibeddisaba ayna ugu daran tahay
    cadaaladdarrada, duudsiga xuquuqeed iyo awood sheegashada aan geed loogu soo
    gambanin ee looga hortaagan yahay iney ayagu kaalin horyaalnimo ku yeeshaan
    dhismaha maamulka gobolka Banaadir,ayakoo cid kastaba ka mudan,ugana xaq leh. Runtii doodahii kulankaas ka yeesheyn waxaa
    kasoo ifbaxayt,arrimaha hoos ku xusan . Talo
    soo Jeedin A. In maamulka dawladaha hoose loo daayo
    cid kasta gobolkeeda iyo aaya-ka-talinteeda. B. In laga waantowo in weli fogtahay,
    xallinta dhibaatada ka aloosan Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir
    maadaamo Beelaha qaarkood ay ka weecanaayaan in si xaq ah oo Alla raali ka
    yahay wax lagu qeebsado. C. In laga waantowo markasta waxaa xoogga
    la saaraa Beelaha hubeysan,tixgalin iyo mudnaana mar kasta ayagaa la siiyaa
    xittaa hadday gardaran yahiin. D. In laga waantowo in ay socoto been abuur
    lagu beddelayo khariidada degaaneed ee qabaailka Soomaaliyeed taariikh ahaan,
    taas oo ay ujeeddadeedu tahay inkiraad jiritaanka Qowmiyadda beelaha reer
    Banaadir iyo boob cad oo ku takrifal ah oo loo geysanaayo dhulkooda iyo
    xadaaradooda Qowmiyada. E. Waxaanu soo dhaweyn buuxda siinaynaa in
    waxii Shacbiga ku nool gobolka Banaadir danteedi ah isku raacdo yaa isku
    deegaan ah ama- isku dan ah,marnaba gacansiinnmayno yaa isku qolo ah ama
    isku isir ah. F. In lagu shaqeeyo hab walaaltinimo iyo
    deris wanaag oo lala yeesho dhamaan beelaha kale ee la dagga qowmiyadda
    Banaadiriga . G. In qowmiyadda Banaadiriga ka qaybqaato
    halgan kasta oo aan hub iyo dhiig la daadiyo u baahnayn,laakiin u baahan
    dhqaalo iyo maskax fayow,iyo in si wadajir ah cod loogu taageero ciddii
    jecel maslaxada ummadda Soomaaliyeed. H. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan ururada
    siyaasiga ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee nabadda jecel ineysan ku
    taageerin dadka soo saaray go”mo ku sheegaas ku saleysan
    Caddaalad-darada,xaqiraada taariikhda ranta ahna ka fog. Hadab waxaan ku soo gaba gabeynayaa
    taariikhduna xustay xusina doonta halagu xesaabtamo in ay jiraan Qowmiyadda
    Reer Banaadiriga (reerxamar) oo ah hooyadii ama magacoodu yahay Reer
    Banaadir.sida ku cad Dhamaan Taariikhda Ummadda Soomaliyeed,iyo midka
    caalamiga ahba sidaasi darted waxaan soo jeydineynaa in nabadeenta Xamar
    waxaanu diyaar u nahay in aan ka qeybgalno hadii mudnaanteeni sii caddaan ah
    shaaca looga qaado, xaqiraadu iyo duudsiga la joojiyo . waxaanu markale
    diyaar u nahay in kaalinteeni iyo waajibkeyni gudan doono hadii Allaha
    Awooda leh idmo. Wabilaahi Towfiiq afhayeenka Qowmiyada Banaadiriga Dr. Abdulkadir Sufi (muriidigolf) Waxaa qoraalkan la soo gaarsiiyey SomaliTalk
    Eldoret
     Ibraahim MaxameddeeqSomaliTalk
 Eldoret
 E-mail: imdeeq@hotmail.com
    
 Liiska
Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo BandhigayWaxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah »»
Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne
Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri
Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq. 09/12
 Sagaal
ilaalada Col.C/laahi Yusuf oo ku geeriyootayshil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa
Qayaadsame iyo Dalweyn, waxa kale oo dhaawacmay 7..
GUJI  9/12
  Hogaamiyo
    Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdishoiyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret  xabsiga ugu taxaabay Saddex
    Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii
    Ibraahim Maxameddeeq. 07/12
 "Cali
    Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na 
    waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen
    Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo
    dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI..
    [Fahad Yaasiin]
 Dhibaatooyinka
    Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer BanaadirigaIbraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid
    ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12
 Mowliid
    Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid
    Macaane oo SomaliTalk u Waramay"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u
    ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka
    jawaabayey.... GUJI... 02/12
 ... ELDORET:
Taxanaha Wararka   ... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii  2001/2000  WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |