SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
 Aabe Soomaliyeed oo Loo Xiray Dhimashadii Gabadhiisa oo Jirtey Lix-Toddobaad.

Minnesota, USA

Aabaha gabadha yar waxa uu shegay inay ka dhacday, booliskuna wuxuu sheegay in ay u dhimatay "Dil"

 

I  I  D  H  E  H

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email:
gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

33 jir Soomaaliyeed ayaa Axadii lagu xiray magaalada St. Paul ee caasimadda u ah gobolka Minnesota, taas oo lagu xiriiriyey geerida gabadhiisa oo jirtey lix-toddobaad.

Sida ay faafiyeen warbaahinta Minnesota, waxaa laxiray Siciid Muuse Guuleed  [Said Moussa Gouleed] laba maalmood kabacdi geeridii gabadhiisii kaddib markii looga shakiyey in dil loo geystey gabadhaas yar. Sida ay sheegeen Boolisku baaritaan lagu sameeyey sidii ay u dhimatay gabadhaasi waxay muujisay "ficil dil ah", markii laweydiiyey boolisku inay arintaas faahfaahiyaana,  afhayeenka booliska ee lagu magcaabo Michael Jordan waxa keliya oo uu yiri "kama' ma ahayn" waa sida ay werisey jariidada PioneerPress.

Qiyaastii habeen-barkii Jimcadii lasoo dhaafay ayaa dhakhaatiirta gargaarka degdega ah [paramedics] loo diray xaafada qoyska Siciid Muuse, oo kutaal wadada Londin Lane ee dhanka bari ee magaalada kaddib markii gurigaas laga soo diray telefoonka gargaar dalab ah (911) oo kusaabsanaa gabadha yar. Markii halkaas ay dhakhaatiirtii soo gareena waxay u yimaadeen Faaduma Muuse [Faduma Moussa] oo miyir la', isla mar ahaantaana aan neefsanayn. Waxayna markiiba kula carareen isbitalka "United Children's Hospital" halkaas oo lagu dhawaaqay inay geeriyootey.

Faaduma Muuse waxay dhalatay bishii September 25keedii ee sannadkan 2002.

Waqtigii dhimashada ilmahan yar, Aabeheed wuxuu sheegay in ay ka dhacday gacmihiisa, sidaasna ku dhaawacantay. Laakiin boolisku waxay sheegeen in taasi aysan waafaqsanayn baaritaanka ay sameeyeen dhakhaatiirta Ramsey County oo baartay sababtii ay u dhimatay gabadha yar.

Siciid Muuse Guuleed waxa uu sugayaa in dacwad lagu soo oogo, waa sida ay warbaahinta Minnesota weriseye'.

Tarjumadii SomaliTalk

-dhammaad-

Nov 13, 2002

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota GUJI.... 

Dhimashadii Abu Qaasim: Minneapolis, Minnesota

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9
 Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD