SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Garabyada Cusmaan Xasan Cali Caato ,Max’ed Qanyare Afrax, Mowliid Macaane iyo C/waaxid (Liiqliiqato) oo eedayn u soo jeediyeen gudiga farsamada IGAD

WQ. C/laahi mire (qadaafi)
Muqdisho | Sept 28, 2002

I  I  D  H  E  H

Dhinacyada Cusmaan Xasan Cali (Caato),Maxamed Qanyare Afrax ,Mowliid Macaani Maxamud iyo C/waaxid Liiqliiqato ayaa eedeyay gudiga farsamada IGAD ee qaban qaabinaya shirka dib uhashiisiinta soomaaliyeed ee lagu wado in bartamaha bishan soo socota uu ka dhaco magaalada Eldoret
ee dalka kenya.

Shir jiraa'id oo ay ku qabteen hotel Happy garabyada Cusmaan Xasan Cali (Caato), Mowliid Macaane Max,uud iyo C/waaxid Liiiqliiqato ayaa iyagu sheegay in uu shirkaasi ahayn mid cadaalad ah iyagoo soo jeediyay in laba xubnood oo kamid ah guduga farsamada IGAD ayna sheegeen inay yihiin Soomaali in laga saaro gudigaas maadaama ay ka soo jeediyaan hal beel.

Waxay ku eedeeyeen dowladda Itoobiya inay faragelin ku hayso Soomaaliya
Isla markaana hub sharci darro ah ku daabulayso iyagoo cadeeyay sida ay u dhaliilsanyihiin shirka dibu heshiisiinta oo ay sheegeen in iyaga aan laga qadarin.

Maxamed Qanyare
"Ma qabo inuu yahay Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon" sidaas wuxuu kusheegay waraysi dheer oo  GUJI... 2/9
Max’ed Qanyare Afrax oo isagana si gooni ah ugu qabtay xaruntiisa shir jaraa'id ayaa sheegay in aanuu ururkiisu ku jirin dadka laga marti qaaday shirka Eldoret sidaa darteedna aysan wax shaqo ah ku lahayn wixii kasoo baxa shirkaas uuna u arko cadaalad darro.

Maxamed qanyare afrax oo sheegay in uu yahay hogaamiye kooxeed dagaal diid ah isla markaana uu u arko qaabka qabanqaabiyaashu ay wax u wadaan.

<><><>

AVV. CAYDIID ILKO XANAF OO LAGU AFDUUBAY MAGAALADA MUQDISHO

Avv Caydiid Ilko Xanaf oo ah mid kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa lagu afduubay gurigiisa oo ku yaal agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Afduubka loogaystay Avv. Caydiid ayaan la ogayn sababta ka danbaysay inkastoo ay wararka qaar ay sheegayaan in loo aanaynayo warbixino uu siiyay warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale maalmahan danbe ayaa waxaa soo badanaya afduubka loo gaysanayo shaqsiyaad iyo bulshada rayidka ah taasoo dhalisay amaanka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya.



qadaafi114q@hotmail.com

SOMALITALK.COM | sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii Uruka SANU 

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD