SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
Maxaa ka soo baxay shirkii Johannsburg, S-Africa.

WQ. Abdi Abshir Dorre

I  I  D  H  E  H

Ma yareeyn intii leeysku hayey sidii ajande ku haboon dhamaan caalamka loogu suubin lahaa xaga horumarka, deegaanka iyo caafimaadka (sustainable development). Inkastoo sanadkii 1992, Agenda 21 dhib badan laga maray sidii leeysugu raaci lahaa, gaar ahaan wadamada danyarta ah oo soo jeediyey in loo hormariyo qodabka ah in la ciribtiro faqrinimada iyo gaajada, markaa ka dib eey suura gal u tahay, insaanku marka uu qadeeyo inuu xaq dhoowro nadaamyada leeysku raacay, isla markaana uu xaq dhoowro deegaanka.

Aqoonyahana fara badan ayaa marar badan soo jeediyey ineeysan suura gal aheeyn in hal ajande loo helo wadamada dhaqaalahoodu sareeyo, kuwa uu hooseeyo iyo weliba kuwa lagu tilmaamo dowladaha faqriga ah. Tusaale, wadamada faqriga ah in eey yareeyaan/dhaafaan jarida geedaha, weey ku adkaatay maadaama eeysan heeysan dhinacyo kale oo lagu bedelo tamarta dhuxusha. Dhinaca kale USA waxeey diiday ineey saxiixdo goobo badan sidii loo yareeyn lahaa qiiqa hawada lagu wasaqeeyo oo badankiisu ka yimaado gaadiidka iyo warshadaha. Halkaa baad ka garan kartaa in arrinku yahay laba kalla bariday walee war isuma hayaan. Ayadoo xaal halkaa taagan yahay, ayaa Agenda 21 sidiisa lagu saxiixay 1992, magaalada Rio dalka Barazil.

Sanadkan aad baa looga soo qeeyb galay, dhamaan madaxweeynayaasha iyo hogaamiyayaasha dowladeed weey yimaadeen. Marka laga reebo USA , oo ayagana soo diray xoghayahooda arrimaha dibada. Sidoo kale toban sanno ka horna USA waxaa uga qeeyb galay madaxweeyne ku xigeenka, sanadkii 1992, magaalada Rio.

Waa leeysku heeystaa tirada dadka iyo kheeyraadka dunida: GUJI 

WQ. Abdi Abshir Dorre

Hadaba maxaa laga kororsaday kullankii u danbeeyey ee ka dhacay qaarada Afrika koofurteeda, magaalada Johannsburg 26/8---4/9 ee sanadkan. Dad badan ayaa waxeey rajeeynayeen maadaama qaarada Afrika lagu kulmayo, xarunta aduunka ee deegaankuna(UNEP) ku taal Afrika, magaalada Neirobi, in markan qaaradu fursad heeysato. Shirarka, inta badan waxaa ka soo baxa qodobo farabadan, oo baalal badan buuxiya, ha yeeshee sida eey u qoran yihiin, aad isleedahay waa la mid kuwii hore, oo farqi la taaban karro ma muuqdo. Waxaa markan aad leeysugu howlay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabihii suurageli waayey sanadihii la soo dhaafay. Qododbada faraha badan ee leeysku raacay wada hadalo iyo dulqaad badan ka dib waxeey ku qoran yihiin boqol iyo dhoowr bog, oo halkan laguma soo koobi karro. Ha yeeshee inta dunida aan wadaagno faqriga ka quseeysa hadii aan soo koobo waa sidan:

Markii u horeeysay, ayaa la sameeyey ajendayaal ku kalla wajahan daafaha dunida oo lagu dayayo bal in lagu gaaro horumar waara, oo waa la fahmay ineey adag tahay in caalamka oo dhan loo sameeyo hal ajande.

Sidan baa ajandeyaalka loogu kalla qeeybiyey:

- Sustainable development for Africa

.in Latin A and the Caribbean

.in Asia and Pacific

.in the West Asia Region

.in the Economic Commission for Europé Region.

Si hadaba loo gaaro himiladaas, waxaa leeysku waafaqay:

in dowladaha quwada dhaqaale iyo tan aqooneed eey gacantooda ku jirto eey masuuliyad gaar ah isa saaraan, ayadoo hadana wadan walba asaga eey saaran tahay masuuliyadiisa dal ahaaneed.

In wadamada eey la yimaadaan hab maamuldowladeed wanaagsan

si loo helo nabad, degenaansho, xuquuqul insaan iyo xoriyad buuxda 

In deeynta daba dheeraatay ee wadamadaas lagu leeyahay loo hello nadaam looga cafiyo ama qorshe lagu bixin karro, oon ayaga kaliya lagu haleeyn.

In la abuuro qorshe dhaqaale oo loogu tala galay wadamadaas eey sida xoogleh u heeysato faqrinimadu, loona maamulo si hufan, oo laga dhex akhrisan karro sida eey wax u socdaan. Si looga dhabeeya goolka leeysku raacay ee ah, in ugu yaraan kalla bar wax laga qabto tirada dadka gaajeeysan iyo kuwa aan heeysan biyo nadiif ah oo ku filan, sanadku marka uu yahay 2015.

In dowladahaas tabaaleeysan wax soo saarkooda beeraha iyo xoolaha loo suura geliyo ineey ka helaan qeeyb suuqa ganacsiga aduunka.

Hadaan soo gunaanado, waxaad dareemeeysaa qodobo aad muddo dheer maqli jirtay, oo wax ka qabashadooda eeysan howl sahlan aheeyn. Dunida maanta aan ku nool nahay inkastoo dana badani isku xiran yihiin, haba ugu horeeyso sidii kheeyraadka dabiiciga ah, wax soo saarka dunida iyo aqoonta leeysu dhaafsan lahaa, oo dal iyo dad walba waa u baahan yihiin ineey waxa eey hayaan soo iib keenaan (nin walba ceesaantii suuq keen,…waa maahmaah cimri fog), weeydiinta weli taagan ayaa waxeey tahay dunido diyaar ma u tahay ineey wax isdhaafsadaan oo dalwalbaa kan kale waxa uu hayo uga bedesho, mase arinku waa:

a) In kheeyraadka dabiiciga ah ee dunida lagu isticmaalo waqooyiga dunida, koofurta aduunkuna eey soo saarto kheeyraadkaas.

b) In badeecade qaaliga ah loo iib geeyo dunida koofurteeda, toodana ayadoo awalba iska raqiis aheeyd(wax soo saarka beeraha iyo xoolaha) aan laga iibsan.

c) Maadaama suuqa aan waxba lagaa iibsaneeyn, nololna aad rabto waxaa kuu banaan deeynta sanadwalba eey fuuleeyso dulsaar aadan dib u bixin karin. Markaana dadkii iyo dalkii aad masuulka ka aheeyd leeys cuno qofba qofkuu ka itaal roon yahay, intii markaa ka gaartana eey soo qaxdo, oo wadamada badeecadoodu qaaliga tahay eey marti u noqdaan.

Hadaba aniga waxeey weli illa tahay, gurigaaga cid kuu dhiseysa ma jirtee

Biyo sacabadaadaa looga dhargaa.

Abdi Abshir Dorre

abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se 

 

SOMALITALK.COM | sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii Uruka SANU 

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD