SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARARKA

Jamhuuriyadda Soomaaliya
Wasaaradda Warfaafinta

Muqdishu

SHARCIGA WARBAAHINTA (SAXAAFADDA)

I  I  D  H  E  H

Iyadoo la tixraacayo Qod. 7aad ee Axdiga KMG ah, oo sheegaya (saxaafadda, warbaahinta iyo ra’yigu waa xor, sharci gaar ah ayaana nidaaminaya). Ayaa la soo saarey sharcigaan oo nidaaminaya Warbaahinta Saxaafadda.

Qod. 1aad

Warbaahinta

a. Macanaha Warbaahinta waxaa loola jeedaa wax kastoo lagu gudbiyo si maqal, Muuqaal iyo qoraal ah oo la gaarsiinayo bulshada, qalabka warbaahinta loo adeegsanayana waxay noqon karaan (Raadiyeyaasha, Tv-yada, Wargeysyada, iyo Websiteyada Iwm).

b. Nuxurka ujeedada sharcigan waa in loo sameeyo sharci warbaahinta, sida uu qabo Axdiga ku meelgaarka Qod.7aad, lana qeexo qeybaha warbaahinta iyo qaabka ay u shaqeynayso warbaahintu.

Qod. 2aad

Tilmaamaha lagama maarmaanka ah

a. Daacbacaad kasta ee warbaahineed waa in ay ka muuqataa goobta, xilliga daabacaada, magaca iyo deegaanka daabacaadda, soo saaraha, magaca tafatiraha iyo cadadka wargayska.

b. Hay’adaha War-Faafinta, Wakaaladaha wararka iyo kuwa soo baxo xilliyadda oo nooc kasta leh iyagana waa in ay ka muuqataa tilmaamaha kala ah:-

a) Goobta iyo wakhtiga daabacaada,
b) Magaca iyo deegaanka daabacaada
c) Magaca agaasimaha, ku xigeenada mas’uulka ka ah, tifatiraha iyo cadadka wargeyska

Qod. 3aad

Agaasimaha Masuulka ah

a. Hay’ad kasta oo warbaahineed waa inay leeyihiin mas’uul loogu soo hagaago. Agaasimaha mas’uulka ah waa in uu ahaado muwaadin Soomaali ah da’diisuna aysan ka yareyn 18 sano.

b. Qof xasaanad leh agaasime kama noqon karo Hay’ad Warbaahineed.

Qod. 4aad

Milkiile

Milkiilaha hay’ad warbaahineed waa inuu ahaadaa Muwaadin Soomaali ah.

Qod.5aad

Diiwaangalinta iyo Rasminimada

a. Hay’ad Warbaahineed ma sameyn karto warbaahin haddii laga waayo mid ka mid ah shuruudaha soo socdo..

1. Waa in la helaa xeer dhismeedka hay’adaas warbaahineed.
2. Waa in ay cadaataa maaada howleedka hay’adaas warbaahineed.
3. Waa in laga diwaangeliyaa Maxkamada Gobolka ee deegaanka ay ka shaqeynayso, waana in ruqsad ay siiso Wasaaradda Warfaafintu diiwaangalinta maxakamada ka dib.
4. Waa in, Agaasimaha hay’ad warfaafineed uu lahaadaa Waayo aragnimo maamul, aqoontiisuna aysan ka hooseyn heer dugsi sare;
. Tifatire hay’ad warbaahineed waa inuu lahaadaa aqoon saxaafadeed oo heer jaamacadeed ah.
. Wariyayaasha hay’ad warbaahineed waa iney lahaadaan aqoon saxaafadeed oo heer dugsi sare ah.
5. Waa in la sugo saxiixyada Milkiilaha, Tifaftiraha, Agaasimaha laguna xafido Wasaaradda Warfaafinta iyo Maxkamadda Gobolka ee laga diiwaangeliyay sharcinimada Hay’addaas warbaahineed.
6. Waa in Hay’ad kasta oo warbaahineed lahaataa goob loogu soo hagaago, isla mar ahaantaasna wargeysyadu yeeshaan goob daabacadeed oo u gaar ah.

Qod.6aad

Isbedel

a. Wax kasta oo isbedel ah ee ku yimaada nuquladii horey loo diiwaan geliyey ee hay’ad warbaahineed, waxay noqonayaan kuwa cusub oo kale oo u baahan in go’aan laga gaaro 15 berri gudohood iyadoo loo gudbinaayo diiwaanka Maxmakada awooda u leh.

b. Nuqulka Cusub ee la diiwaan galinaayo waa in ay la socdaan kuwii hore lana wada geeyaa Maxkamada awooda u leh muddo 15 berri gudahood, isla mar ahaantaasna diiwaangalinta isbedelka waxaa loo raacayaa sida ku xussan qaybta 3aad ee qodobka 5aad.

Qod. 7aad

Dhicida wakhtiga diiwaan gelinta iyo ka fariisinta Howlaha Warbaahined Hay’adaha warbaahinta waxaa howlahooda ka fadhiisin kara Wasaaradda Warfaafinta ka dib marka ay hesho go’aan Maxkamadeed, ee la xiriira arimaha hoos ku cad.

a. Marka si ikhtiyaari ah ay hay’ad Warbaahineed u codsato in laga tiro diiwaanka Warbaahinta ee maxkanada yaala.

b. Sabab kasta ka ku timaadee haddii hay’ad warbaahineed fulin weydo ujeeddo howleedkii loo abuuray muddo lix bilood ah, oo ay lumiso diiwaangalinteedii.

c. Haddii ay ku timaado fadeexad , khasaaro dhaqaale, waxaa la marinayaa sida sharciga dalka u dhigaayo.

d. Haddii lagu helo falal lid ku ah Danta guud ee Qaranka, sida (Diinta Islaamka, Midnimada Dalka, Siyaasada Dalka , Nabadgelyada Dalka & Arimaha bulshada) iyadoon loo eegin wadani iyo shisheeye.

e. Haddii ay faafiso warar been abuur ah, ama ka been abuurto cid-kasta iyo madaxda qaranka.

f. Haddii warbaahintu ku xad gudubto xoriyadda qaanuunku siiyay iyo tan caalamiga ee lagu dhowrayo xaquuqda aadanaha iyo dimuquraadiyadda..

g. Haddii ay dhowri weydo mas’uuliyadda ka saaran waajibaadka dalka ku leeyahay.

Qod. 8aad

Jawaabid Iyo Meel Marin

a. Agaasimaha ama ku xigeen hay’ad warbaahineed waxaa waajib ku ah in uu ku qoro warbaahintiisa maallinlaha ah ama kuwa xilliyeedka ah dhammaan wixii laga tabanayey oo ku saabsan wixii lid ku ah sharafta qofka ama hay’ada, asagoon wax lacag ah ka qaadanaynin jawaabta, meelmarinta ama caddaynta qofkaas sida ku cad qoraalada, fikirka ama qiraalka wax yeelaya qofka sharafkiisa ama ka hor jeeda runta.

b. Jawaabtana waa in aysan ku dhexjirin wax dhalinkaro in ciqaab ahaan la isu dacweeyo, waana in lagu qoraa wargayska ugu danbayn cadadka saddexaad ee marka laga tiriyo marka uu qoraalka eeda laga sheeganaayo soo saarey, meelmarinta qoraalkanna kama badnaan karto qoraala qodobka loola jeedo.

c. Qofkii raaci waayo amarka kor ku xussan wuxuu mutaysanayaa 3 billood oo xarig ah iyo ganaax gaarayo 1.000.000/= (hal malyan) xukunkan ku yimid amar diidada ama amar diidayaasha waxaa khasab ah in la shaaciyo kuligeed , xukunkaas laftiisa haddii la shaacin waayo waa in uu amraa guddoomiyaha maxkamada in la shaaciyo waxaana lagu shaacinayaa warbaahintii xukunka ku dhacay.

Qod.9aad

Masuuliyadda

Agaasimaha, Tafaftiraha iyo cidkasta oo kawada dhaxeeya warbaahintooda wada shaqayn, waxay qaadayaan masuuliyadda kala ah:-

a. Agaasimaha, Tifatiraha iyo wariyaha ee hay’ad warbaahineed waxay masuul ka noqonaayaan la waydiin karaa arrinta uu qorey ama tabiyey warbaahintoodu halka ay ka soo xigteen.

b. Dhamaan hay’adaha warbaahintu, waxay masuul ka yuhiin in ay keyd u sameeyaan wararka ay sii daayaan si loo helo meel dib loogu noqdo haddii is qab-qabsi yimaado.

c. Danbiyada lagu galo warbaahinta waxaa wadajir ahaan masuul uga ah ninkii warbaahintaas wax ku qorey ama wax ku sheegey iyo tifaftiraha warbaahintaas.

Qod. 10aad

Mag dhaw lacageed iyo Xarig Haddii aflagaado lagu geysto warbaahinta, qofka la aflagaadeeyey wuxuu xaq u leeyahay inuu warbaahintaasi ku dacweeyo maxkamad, si looga qaado talaabada u dhiganta dhibka loo geystay ee sharcigu qabo, ha noqoto xarig ama mid lacageed oo magdhow ah

Qod.11aad

Daabacaadda aan sharciyeysnayn (Stampa Clandestina)

a. Hay’ad Warbaahineed ee maallinle ah ama xilliyeed ee ku faafisa war warbaahinteeda, iyadoon ka diiwaan gashaneyn maxkamada awooda u leh, ruqsadna aan ka heysan Wasaaradda Warfaafinta sida ku xusan qod 5aad, faqradiisa 3aad, wuxuu muteysanayaa ciqaab ilaa hal sanno ah ama ganaax dhan ilaa 3.500.000 Shillin.

b. Isla ciqaabtan waxaa mudanaya qof kasta oo ku faafiya qoraal ama war ku sheega hay’ad warfaafineed oo aan sharciyeysneyn, ama ay ugu qoran tahay hab been abuur ah.

Qod. 12aad

Ka tagis Tilmaamihii la is faray Hay’ad kasta oo warbaahineed ee bedesha, qarisana, kana been abuurta qodobka 2aad ee sharcigan waxaa lagu ciqaabayaa 600.000 Shillin.

Qod.13aad

Wax ka bedelid aan la caddeynin Hay’adii warbaahineed ee sharciyeysan ee aan caddayn sida ku xussan qod 6aad isbedelka ay ku samaysay howsheeda kuna sii wadato warbaahinteeda kaddib markii loo diiday bedelkaa waxaa lagu ciqaabayaa lacag dhan 600.000 Shillin.

Qod.14aad

Caddayn Been abbuur ah Hay’ad warbaahineed ee Qodobada 5 iyo 6 ka samaysa been abuur ama qorta qoraallo aan runta waafaqsaneyn waxaa lagu ciqaabayaa sida sharciga xeer ciqaabeedku qabo.

Qod.15aad

Hay’adda ku shaqada leh Baadhista danuubta lagu galo warbaahinta waxaa iska leh hayadaha danbi barista iyo xeer ilaalinta qaranka.

Qod 16aad.

Faafin horey u jirtay Dhamaan hay’adaha warbaahineed ee ka horeeyey Sharcigan waa in ay sharcigan u hogaansamaan si loo aqoonsado sharcinimadooda muddo 30 casho gudaheeda, laga bilaabo maalinta uu dhaqangalo sharcigaani.

a. Qod.17aad Warbaahinta dawladda Warbaahinta Dawladda waxay la mid tahay warbaahinta kale ee dalka ka jirta, waxaana lagu dhaqayaa sharcigan

Qod.18aad

Wax ka bedelid Xeer Dawladu waxay awood u leedahay in ay xeer ku soo saarto marka loo baahdo wax ka bedelidda sharcigan, ka dib markii uu soo maro nidaamka wax ka bedelka sharciga waafaqsan, Lana soo marsiiyo Golaha Wasiirada, ayna ansixiyaan Golaha Shacbiga.

Qod. 19aad

Warbaahinta Maqalka iyo Muuqaalka a. Warbaahin kasta sida Idaacadaha, T.V yada waa in ay waydiistaan shatiga furashada nooca warbaahinta ay u baahan yihiin soona dhamaystiraan shuruudaha diiwaan gelinta ee Qod.5aad ku xusan. b. Waxa laga qaadanayaa ogolaanshaha furashada Idaacada ama Tvga iyo khadka hadalka (Frequency) Wasaradda Warfaafinta J.S. si loo dhawro xuquuqda warbaahiyaha loogana guto waajibaadka lagu leeyahay, kuwa hadda jira waa inay maraan nidaamka uu farayo sharcigan.

Qod. 20aad

Xaquuqda Suxufiyiinta Dhaman Suxufiyiinta warbaahintu waxay xaq u leeyihiin:-

a. In si madax banaan u soo bandhigaan figradahooda, qoraaladooda, qaabkasta iyo noockasta ha noqotee haddii aysan ka hor imaanaynin danta guud ee Qaranka iyo sharciga dalka.

b. In ay si madaxbanaan u gudbiyaan afkaaro, dhacdo, maaqaalo iwm,.

c. Waxay xaq u leeyihiin xuquuqda dastuurka siiyey waxayna la siman tahay mida muwaadinka lagu siiyey isla destuurka.

d. Soo bandhigida afkaarta warbaahintu ma noqon karaan kuwo la hoos geeyo awaamiiro iyo faafdhowr.

e. Xeerkan wuxuu aqoonsanyahey xoriyadda warbaahinta ee lagu xusay baaqii dawliga ahaa ee lagu aqoonsaday xuquuda aadanaha 10-12-1948 dii, Qod. 19aad kaa soo dhahaaya (shakhsi kasta wuxuu xaq u leeyahay xoriyadda hadalka, in uu soo bandhigo kuna sheegto afkaartiisa isagoo aan lacaburinin.)

Qod. 21aad.

Dhaqan gelinta sharcigan Sharcigan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxeexo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,

--o—o---0---o—o--

Waxaa Sharcigaan soo diyaariyey dib u habeyna ku Sameeyey:-

a. Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
C/raxman Aden Ibrahim –Ibbi- (Wasiirka Warfaafinta)

b. Guddiga Warfaafinta iyo Dhaqantoosinta Golaha Shacbiga
Xil. Jawaahir Sh. Barre (Guddoomiyaha Guddiga)
Xil. C/qaadir Xuseen Nuur (G/ku xigeenka Guddiga)
Xil. Caadil Sheegow Sagaar (Xubin G/warfaafinta)
Xil. Nadiifo Sh. Axmed (Xubin G/Warfaafinta)
Xil. Yuusuf Suldaan Xasan (Xubin G/warfaafinta)
Xil. Xuseen Cabdi Maxamed (Xubin G/warfaafinta)

c. Sidoo kale waxaa gacan siiyey Xoghayayaasha Golaha Shacbiga iyo Xubno ka socda Guddiyada kale ee Golaha Shacbiga iyo La taliyaha Sharciga ee Golaha Shacbiga.

WABILAAHI TOWFIIQ

Sharcigaan waxaa lag ansixiyey fadhigii 50aad ee kalfadhiga 4aad ee golaha shacbiga oo qabsoomey 28/09/02. waxaana ka soo qeybgaly 164 xildhibaan, waxaana ka hor akhriyey golaha shacbiga hortiisa Xoghayaha Golaha Shacbiga, Xil.Cumar Sh.cabdi, ka dibna Waxaa looqaadey cod u dhacey sidatan:-

1. Haa 89 xildhibaan ayaa ogolaatey in la ansixiyo.
2. Maya 60 xildhibaan ayaa diidey in la ansixiyo. 
3. Aamus 15 xildhibaan ayaa ka aamusey

Ka dib wuxuu gudoomiyuhu ku dhawaaqey in sharcigaan la ansixiyey ayna ogolaadey aqlabiyad haldheeri ah, oo ah 89 xildhibaan. 

 

-DHAMMAAD-

Waxaa soo tebiyey
cabdulaahi mire qadaafi114q@hotmail.com 

Faafin: SOMALITALK | 29.9.2002

   em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

 

 

Axdiga KMG  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD