SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA SOOMAALIYA 
Mogadishu Weekly Reporter A. D | weekly@somalitalk.com 

WEBIGA JUBBA OO QASAARE U GAYSTAY DHULBEEREEDYO 

Iyadoo lagu jiro xiligii Dayrta ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in uu webiga jubba oo mara gobalada labada Jubba uu soo fatahay isagoo waxyeello gaarsiiyay dhul dhererkiisu gaarayo 90 Km oo u dhaxeeya min Kamsuuma ilaa Kismayo, waxay fatahaadaasi ay xayirtay waddooyinka isku xira dhulka webigu maro ee Magaalooyika halkaas ku yaala oo ganacsi xooggan kala dhaxeeyo Magaalada Muqdisho iyo Goballada kale ee dalka ee u dhowdhow.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in ay  dadka halkaasi ku nool ay la il darran yihiin gaajo iyo cudurro iyadoo aysan jirin wax Hay'addo Safamal oo kaalmo bani'aadanimo u fidiyay dadka halkaasi ku tabaalaysan oo u badan beeralay iyo xoolo dhaqato, iyadoo ay jirto in Hay'adda caalamiga ee ICRC ay wax xoogaa kaalmo ah ay bixiso mararka qaarkood.

Nin u hadlay dadka degaanka oo qadka isgaarsiinta lagu xiriiray ayaa sheegay in ay jiraan hoy la'aan iyo barakac uu sababay fatahaadaasi wuxuuna beesha caalamka gaar ahaan Hay'adaha gargaarka ka codsaday inay kaalmo bini'aadanimo ay u soo fidiyaan dadweyanaha gobalada Jubbooyinka oo la il daran dhibaatoyin fara badan ayna fatahaadani ay u eg tahay tii dhacday sanadkii 1997-kii oo dad fara badani iyo duunyo kale ay ku waxyeeloobeen markaa oo ay fatahaadaani oo kala ay dhacday.

<><><>

DIBLOMAASI TALYAANI AH OO FIISO LA'AAN HARGEYSA DIB LOOGA CELIYAY.

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Jamhuuriyadda isku magacowday Somaliland oo lagu magacaabo Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in xakuumadiisu ay dib u celisay diblomaasi Talyaani u dhashay oo ka yimid dhinaca Nairobi oo uusan magaciisu sheegin oo shalay ka soo degay Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa isagoo doonayay inuu booqdo dhulkaasi lana kulmo Madaxda Somaliland.

Afhayeenkaasi ayaa carabaabay in aysan doonayn in wada hadal la yeeshaan diblomaasigaasi oo ay marar badan u sheegeen inaysan kala hadlayn wax ku saabsan shirka dib u heshisiinta Eldoret oo kooxaha K/Soomaaaliya ugu socda halkaasi, wuxuuna sheegay inuusan Diblomaasigaasi kala aqoon Somalia iyo Somaliland waa sida u hadalka u dhigaye wuxuuna caddeeyay in mowqifka Somaliland ee arrimaha Soomaaliya inteeda kale u cad yahay ayna hore ugu hadleen, wuxu intaasi ku daray in Diblomaasigaasi uusan wadanin Dal ku gal (Visa) oo uu sharcidarro ku soo galay dhulka Somaliland.

Jamhuuriyadda isku magacowday Somaliland ayaa ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May sanadkii 1991-kii inkastoo aysan helin aqoonsi Caalami ah waxaana lagu amaanaa inay soo celiyeen Nabadii iyo kala danbeyntii marka loo fiiriyo K/Soomaaliya oo weli xal Siyaasasdeed loo la'yahay walow uu haatan shir dib u heshiisiin ugu socdo Magaalada Eldoret ee carigaasi Kenya.

<><><>

CIIDAMADA BOOLISKA DKMG OO FASHILIYAY DAD AFDUUB LAGU HAYSTAY

Howlagal baahsan oo ay qaadeen Ciidamada DKMG ee Gobolka Banadir ayaa shalay galab abaarihii 3:10 galabnimo koox afduub dad ugu haysatay xaafada Yaaqshiid ee G. Banadir waxaa uu suuragashay inay fashiliyaan afduubkaas oo muddo dhan Toddobaad loogu haystay Hooyo lagu magacaabo Madiino Xasan Jimcaale iyo ilmaheeeda oo 3 gaaraya oo uu ku jiro wiil 4-bilood jir ah kuwaasoo laga soo afduubtay Degmada Balcad iyagoo markii la soo furtay la geeyay Xarunta C I D Muqdisho, kooxda afduubka gaysatay oo gaarayay 3 Nin oo sitay teleefano ay isticmaalayeen iyo waliba Record ay doonayeen inay ku duubaan codka la haystayaasha.

Taliyaha Ciidamada Booliska DKMG ee Gobolka banadir G/Sare Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid" oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in dadweynaha hadii ay la shaqeeyaaan ay wax badan qaban karaan isagoo carabaabay inuusan howlgalkaasi fuleen gacanta dadweynaha la'aantood sidaa darteed ayuu sheegay inay u baahan yahiin taakulaynta dadweynaha isagoo sii balanqaaday inay sii wadi doonaan howlgaladooda ay ku sifaynayaan sifaynta burcada iyo kooxaha afduubka wada oo qalqal galiyay xasiloonida magaalada Muqdisho.

<><><>

Dawladda KMG ah oo wali ka biyo diidsan wax ku qaybsiga qaab qabiileedka

Shir jaraa'id oo 10:00 kii subaxnimo oo ay qadka telefoonka ku qabteen Ra'iisul Wasaaraha DKMG Md. Xasan Abshir Faarax iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Cabdalla Deerow Isaaq iyagoo ku sugan Eldoret ayaa waxay labaduba ay sheegeen inay yihiin Dowlad KMG ah marna aysan aqbalayn is qaab beeleed wax ku qaybsadaan "annagu TNG ayaa nala yiraahdaa waxaana wax ku qaybsanay 4 iyo bar beelood" ayay yiraahdeen labadaasi mas'uul, iyagoo sheegay in qaabka qabiilku u wax fashilinayo.

Inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Cabdalla Deerow Isaaq oo ah Guddoomiyaha Barlamaanka uu qaab beeleed wax kula qaybsaday Madaxda Bay iyo Bakool oo ay ku jiraan Ragga isku haya awoodda iyo Maamulka Gobaladda Bay iyo Bakool oo ka wada tirsan Jabhadda wax iska caabinta Raxanweyn "RRA" isagoo dhinaca kale maanta shirkii jaraa'id uu isticmaalayay Jagadiisa G.Baarlaamaanka oo uu ku mowqif yahay DKMG.

<><><> 

Md.C/laahi A. Caddow oo Beeniyay in Caasimada loo wareejiyo Gaalkacyo.

Nin La taliye u ah C/laahi A.Cadow oo lagu magacabo Cabdi Axmed Xaaji "Dhabanacad" ayaa caddeeyay inuu C/laahi A.Caddow uu yahay Musharaxa Madaxweyninamada ee Jamhuuryadda Soomaliya ee Shirka Eldoret isagoo beeninay inuu doonayo in Md. Caddow noqdo Ra'iisal Wasaaraha ayna War aan jirin uu yahay in wax ugu yeeray "Walaalaha Mudug" ay labada jago oo sare ay qaybsadaan Caasimada Muqdishi-na loo wareejiyo Gaalkacyo oo ah Caasimada Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

QAABKII DOORASHADA MADAXWEYNAHA EE SHIRKII CARTA, JABUUTI  August 2000 

WAREEGGII SADDEXAAD

  • CABDIQAASIM SALAAD XASAN ...[145]
  • CABDILAAHI AXMAD CADDOW ....[092]

WAREEGGII LABAAD

  • CABDIQAASIM SALAAD XASAN ....[124]
  • CABDILAAHI AXMAD CADDOW .....[110]
  • CALI KHALIIF GALAYDH ...............[002]

CALI MAHDI MAXAMAD waxa uu ka tanaasuley doorashada intii u dhexeysay wareega 1aad & 2aad

WAREEGGII KOOWAAD

  • AXMAD IBRAAHIM MAXAMAD ..........[02]
  • CABDI CUSMAAN FAARAX ...............[02]
  • CABDICASIIS SH. CUSMAAN CABDI.[00]
  • CABDILAAHI AXMAD CADDOW ........[83]
  • CABDIQAASIM SALAAD XASAN .......[78]
  • CALI KHALIIF GALAYDH ..................[35]
  • CALI MAHDI MAXAMAD ................. .[12]
  • CUSMAAN MAXAMAD JEELE .............[03]
  • IBRAAHIM XASAN CALI JIMCAALE ...[00]
  • MAXAMAD ISAAQ IDOW .................[00]
  • MAXAMAD MAXAMUUD GUULEED .....[03]
  • MAXAMAD SHEEKH GABYOW ...........[02]
  • MAXAMUUD CABDI GAAB ...............[03]
  • MAXAMUUD MAXAMAD GUULEED .....[08]
  • WARSAME CABDI SHIRWAC ...........[00]
  • XUSEEN CEELAABE FAAHIYE ...........[04]

ISHA: SOMALITALK.COM [August 26, 2000]

Md. Caddow oo kal hore August sanadkii 2000 isu soo taagay Doorashada Madaxtinimada oo looga guulaystay shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay, waa ninkii labaad oo ka tirsanaan jiray Wasiiradii Dowladdii hore ee Siyaad Barre oo isku soo taagay jagadaas isagoo mar ahaan jirey Diblomaasi, wuxuuna muddooyinkan danbe u ololaynayay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaliya.

iyadoo weli uusan bilaabmin wejiga labaad ee Shirka Eldoret ee Kenya oo looga wada hadli doono Nabadeynta iyo Dowladnimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya inay jiraan Musaharaxiin doonaya inay isu soo taagaan jagadasi Madaxweynimamada.

Musharaxiinta ilaa hadda caddaystay mowqifkooda waxaa ka mid ah Col. C/laahi Yusuf Axmed oo imminka hogaamiya Ismaamulka Puntland oo Toddobaadkii la soo dhaafay sheegay inuu doonayo inuu noqdo Madxweyanaha mustaqbalka ee Soomaaliya uuna dalka iyo dadkaba nabad iyo xasilooni ku soo dabaali doono isagoo sheegay inuu u soo halgmay oo haddii la dorto oo loo baahdo uu xoog isticmaali doono si uu kala danbayntii u soo celiyo isagoo meesha ka saarin inuu xoogag dibadda ah u yeeran doono balse ma carabaabin cidda ay yihiin xoogagaasi .

Waxaana la rajaynayaa inay kuwo kalena ay wadada ku soo jiraan oo ay doonayaan inay noqdaan Musharaxiinta Madaxtinamada Soomaaliya.

DOODFURAN: Xagee u dooran lahayd amaku haboon Caasimada Soomaaliya 

<><><>

Wararka Muqdisho ee Nov 25
»» Caruurta Muqdisho Oo La Ildaran Cudurka Shubanka
»» DKMG Oo Dhaleecayn Dusha Uga Tuurtay Hay’adda FAO
»» Qanyare oo Dhaliilay Doorka IGAD ee Shirka Eldoret
»» Dagaalo mar kale ka dhacay degmada Madiina
»» Sooyaalkii Taariikheed Ee marxuum Maxamed Raajis 
  Dhammaan ka akhri Mogadishu Weekly  

SOMALITALK.COM

Mogadishu Weekly Reporter A. D

weekly@somalitalk.com

Nov 26, 2002 | Update: Nov 27, 2002

I  I  D  H  E  H

 

 

Baaq Kuwajahan Shirka ELdoret
Baaqaas oo kasoo baxay Ururka waxgaradka Dhalinyarada Waamo waxa uu ku bilaabmay.. GUJI.. 25/11

Liisas Iska Soo Horjeeda oo ay Beeluhu Gudbinayaan
Qabiilooyinka Soomaalida Eldoret ku shirsan ee laga sugayey inay soo gudbiyaan liisaskii gudiyadii lixda ahaa ayaa.. Ibraahim Maxameddeeq 25/11 

KAYDKA WARARKA MUQDISHO WEEKLY  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI 


Warbixin MacHadka Beder
Bosaso & Galkacyo: Waa MacHad lagu barto koorsooyinka ay kamid yihiin... GUJI 


HORYAAL TECHNOLOGY - MUQDISHO


MacHadka Asal: Km-5 Mogadishu  
 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Mukhaadaraadka Lagu Beero Dhul-Beeraadka Soomaaliya --- GUJI warbintii.SomaliTalk.ee.August 13, 2001

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]