SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ARAGTI

Afhayeen-nimada Jaamac Cali jamac ee Somaliland!

A.O.Dirie
bakool55@hotmail.com
 
KAAH

Siyaadsad-xumida Jaamac cali Jaamac ayaa dhalisay in dadkii taageeri jiray ay ka cararaan mar haduu la saftay Carte, qaar ka mid ah qabqablayaasha Xamar ee qiimaha daran iyo waliba kuwa horarka ku ah gobollada Puntland ee Sool iyo Sanaag.

Bishaan Kowdeedii (April Fool) ayaa waxaa maqaal xiiso leh ku soo qoray Somalitalk nin ka mid ahaa wakiilada waaweyn ee dibedda u joogtay Jaamac Cali Jaamac oo la yiraahdo Osman Axmed Shekh. Osman wuxuu qormadiisa si carro leh ugu magac daray, "Jaamac oo isu rogay afhayeen reer Waqooyi".

Dhanka kale, waxaan la soconay in Gen. Cade Muse uu ku tagay cariga S/land ballanqaadkii u dhaxeeyey Jaamac Cali Jaamac iyo Riyaale oo Jabuti horay ugu wada kulamy.

Sidaasna waxaa markhaati u ah labada arrimmod ee hoos ku qoran :-

1. Wareeysi uu Gen. Cade uu la yeeshay wargeyska Al-Jamhuuriya ee uu af buuxa ku yiri, In Jaamac qoraal uu u diray S/Land uu ku sheegay in Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin bil kulliyan Jamhuuriyadda Somaliland!".

2. Axdi ku sheegga ay falaagada ku sugan Ceel afweyne ku yaaciyeen websiteska Somalida ay si cad ugu qoreen in PL ay tahay oo qura Waqooyi Baridii oo hore kana kooban tahay Bari, Nugaal iyo Mudug. Halkaasna waxay si bareer ah uga tireen Sool iyo Sanaag oo aan wada ogssonahay in ay dhisiddi mamul goboleedka ay hoormood ka ahaayeen . Waxaa kaloo ay been ka sheegeen ergadii ka qeyb gashay markii Pl la unkumayey oo ay ku sheegeen 303 oo runtii aheyd in ka badan 400 oo xubnood!

Haddaba, waxaan ogsoonahay in Muslinimada iyo Somalinimaduba ay ku jirto midnimada iyo in diinteena ay naga xaaraantimeeysay in aanu u gefnu walaalaheena kale ee Muslinka ah.

Marka, ka waran kuwa dhabadhilifka u ah kuwa arrimahaas wada iyo aakhirkii halka ay ku dambeeyn doonaanba?

A.O.Dirie

bakool55@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan.

SOMALITALK.COM | April 28, 2003

Jaamac Cali Jaamac oo isu rogay afhayeen reer waqooyi
Waxaa nasiib daro noqotay in Jaamac uu dhinac maray rabitaankii shacabka reer puntland kadib markuu. GUJI... 16/4

Shaqadii Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.  2/4/2003

KIPLAGAT OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI. 15/3

axdiMILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]