SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ARAGTI

Maamulada Maxlalka u ah Maqale:

WQ. WQ: Dr. Saciid Ciise
Atlanta, USA
Saciidciise258@aol.com 
KAAH


Marka nin uu rabo naag ay kala madaxbanaan yihiin inuu dib ugala noqdo madaxbanaanideeda, waxaa xeel ah inuu xalaaleysiga naagtaas u maro nin maqaar saara oo haweyneyda madaxeeda sii haya mudo gaaban. Ninkaas magac mooyaane wax naagnimo ah kuma laha haweyneyda loo dhiibtey madaxeeda. Ninka naagtaas dib ula soo noqonaya arrintaas waa u maslaxad uu ku gaarayo dib u hanashadeeda, laakiin ninka sida ku meel gaarkaa loo adeegsaday raganimadiisa maqac u yaalkaa waa u liidnimo aysan bidin wax duruufa oo qasabtay naftiisa.
Maqale oo ah magaalo madaxda Tigreyga ayaa dooneysa Muqdisho iney ka qaado madaxbanaanideeda. Sidii ay ku milkin lahayd maamulkeeda waxey u martay maamulo maqaar saara oo marxalado kala duwan loo marayo sidii ay ugu xalaleysan lahayd hanashada xeebaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxey qorsheysatay si danaheeda ay u gaarto iney dhabarka ka istaagto cudud xoog weyn oo magaceeda looga wareegto.

Maamulka Mareykanka: Magaca Mareykanka oo waagii hore loo cuskan jirey si loo helo daryeelka xuquuqda dadka iyo horumarinta dimuqaraadiyada dalalka ay dowladahooda soo doortaan dadkooda ayaa hadda isbedel weyn ku yimid. Meeshii deeqda looga bartay hadda waxaa bedeley bambooyin weyn oo dalalka lagu duminayo. Meeshii dimuqaraadiyada looga bartayna hadda waxaa bedeley amar ku taakleyn. Siyaasadaas isbedeshey waxey dan weyn u noqotay dalalka qaar oo u adeegsaday qiil ay ku gambadaan kuna daboolan kelitalisnimadooda. Madaxda Carabta ee sida wanaagsan gacan saarka u la leh Mareykanka waxey u badan yihiin boqortooyo ama madax kelitaliyeyaala. Dalalka Afrika sida Masar iyo Ethiopia oo saaxiibo weyn la ah Mareykanka madaxdoodu waa kelitaliyeyaal. Taasi miyeysan u muuqan in maamulka Mareykanku uusan dan ka lahyn ku dhaqanka mabaadii'da dimuqaraadiyada, balse ay u muuqato cidii aan adoon u ahayn amar ku taakleyntiisa. Ethiopia iyadoo tixraaceysa fariintaas cusub ee ka soo dhalatay dhinaca Mareykanka ayey xeel ahaan door bidey raacideeda si ay u qariso kelitalinimadeeda, fursadna ay ugu hesho sidii loo maqli lahaa tilmaanta ay ka bixineyso xumaanta guud ee Soomaalida.

Maamulka Maqale: Tigreyda oo maamusha dalka Ethiopia ayaa waxey ku guuleysatay in Soomaalida Galbeed aysan siin madaxbanaani iyadoo u adeegsaneysa shaqsiyaad u dhashay dadkaas oo si ku meel gaara loo siiyey jagooyin aysan ku lahayn awooda kama dambeystaa. Si aysan u raacin jidka Eritrea ayey jabhada dadkaas u aqoonsatay wadaado diinta kirishtaanka la dagaalamaya oo aan ahayn kuwo u dagaalamaya madaxbanaani. Sidaasna waxey taageero reer galbeedka ugu heshay in jabhadaas loo aqoonsado argagixso, laakiin arrintaas waxaa ku diidan Muqdisho oo keliya. Taasna waxey dhalisay weeraro cagajugleyna oo loo geysto jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo aduunkii u ku fiirsanayo. Dabadeedna waxey dhalisay in Soomaaliya loo aqoonsado dal si xoog leh argagixisada gabaad ugu noqon kara. Taas oo looga jeedo in lagu quusiyo Soomaalida galbeed si ay isugu dhiibaan Tigreyda. Ujeedada maqale ugu weyn waa iney hesho maamul u xalaaleeya Ogadeenya, dabadeedna ay xumeyso xiriika u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada Carabta si ay Soomaalidu u weyso suuqa ganacsiga ay ku leedahay wadamada Carabta oo dhaqaale fara badan uu ka soo galo. Waxaa arrintaas xiga iney dalka u qeybiso maamulo badan oo saboola danna ay u noqoto iney Maqale u hoos yimadaan deeqda ay uga dalaaleyso reer galbeedka. Maqale waxey damaceeda xeebaha Soomaalida ku milkineysaa marka maamuladaas ku simeyaashaa ay mid mid uga saxiixato ka mid noqoshada maamulka federaalka Ethiopia.
 

axdi


Maamulka Muqdisho: Maamulka Tigreyga waxey ku dadaashey iney gacan saar la yeelato madaxda Muqdisho iyaga oo daneynaya in jabhada Ogadeenya loo aqoonsado wadaado ujeedadoodu tahay asal raac oo keliya. Janaraal Caydiid oo ay markaas taageerayeen waa ku gacanseyray arrintaas, waana taas mida keentay in isaga iyo maamulka Tigreyga uu soo gaabto xiriirkoodu. Waxey ku guuleysteen in Xuseen Caydiid ay lacag madaxfurasho ah uga bedeshaan dagaalyahan ka soo jeeda Oromo. Dabadeed waxey taageeradeeda u wareejisay Muse Suudi oo horay u ahaa nin ku jirey liiskeeda ay kula dagaalameyso wadaada argagixisadaa. Xiriirkaas ma noqon mid maqaar saar ugu noqda Muqdisho. Muqdisho waa laga diidey maamulka Maqale, iyaduna waxey mudatay iney gasho liiska sugaya magaca argagixisada in lagu garaaco. Maqaale sidaas ugama harin Muqdisho, ee waxey dayatay gacan ku dhiigyaal warmooga, waxaana liiskeeda hadda ku soo baxay Maxamed Dheere oo la mida lax dhukan abaar moog.

Maamulka Majeertiinya: Korneyl C/laahi Yusuf oo ogolaaday inuu ku duulo degaanka dadkiisa, dad badana ku laayo ayaa mutay dhiigyacabnimada ugu sareysa oo loo adeegsan karo Soomaalida inteeda kale. Kalsoonida uu ku helay bahalnimadaas iyo u rukuucida Tigreyga waxey kordhisey hawada uu ku doonayo madaxweynenimada Soomaaliya. Wuxuu ku guuleystey inuu xumeeyo xiriirkii u dhexeeyey Adis Sababa iyo Hargeysa. Wuxuu si joogtaa ugu gudbiyaa Tigreyga liisaska dadka muslimkaa oo ka soo horjeeda maamulkiisa. Wuxuu mashruuc ka dhigtay u gacan gelinta dadka midabkoodu furan yahay oo ka soo jeeda Carabta, waxuuna shisheeye uga weydaarsadaa lacag qalaad oo uu ku dhaafsado gacan gelintooda. Xeeladaas cusub oo magaca argagixisada shisheeyaha looga gadanayo dadka midabkoodu cadaanka xigo ayaa u gudubtey Maxamed Dheere oo dadkaas ku badan yahay degaanka ku dhow.

Maamulkii Maxamed I. Cigaal: Tigreyda waxey Cigaal u soo jeediyeen inuu xiriirka Carabta iyo Soomaalida gooyo, si taas uu u muujiyana waxey kula taliyeen inuu qoral ah xogbixin uu u gudbiyo Ra`iisul wasaarihii Israel, Yizak Rabin. Qowlaysatanimadii uu gooni isagataagey Soomaalida iyo heyb sheegashadii Yuhuuda waxey daboolka ka qaaday qorsho xumadiisa siyaasadeed iyo wadaninima xumadiisa Soomaalinmo. Waxey kaloo odeygaas mariin habaabay ay kula heshiisey inuu u soo gacangeliyo waxgaradka iyo ganacsatada heybtoodu tahay Ogadeenya si aysan dibeda uga taageerin jabhadooda. Maamulkaas marna ma noqon mid gooni u taagan, waxaa muuqatey oo keliya siyaasad looga goosanayo Muqdisho, taladana lala hoos tegayo Maqale. Hargeysa kama aysan waantoobin marna daba rucleynta iyo u adeegida Tigreyga ee waxey Maqale u suurto gelisey iney sidii ay doonto uga adeegato dekedaheeda. Gaadiidka daldala xamuulka ee ay leeyihiin Tigreyda ayaa canshuur la'aan alaabtooda uga soo gurta dekedahaas, wax dhibaataana kalama kulmaan xuduudaha. Meesha gaadiidka Soomaalida laga canshuuro xaduudka lagana dhaco hantidooda. Taasna waxey keentay in ganacsiga Maqale uu cirka sare u kaco meesha kii Soomaalida uu noqday mid hoos u dhacay oo ku dhisan dhumaleysi iyo laaluush.

Maamulka Maay: Baydhabo waxey u tahay istaraatijiyad damaca tigreygu ka leeyahay Muqdisho iyo Kismaayo. RRAda oo aan hubsan ujeedada Maqale ayey noqotay degaankeedu meesha ciidamada Tigreyga looga qaado hilibka iyo dhuxusha, iyagoo xoolaha dadka loo daldalo dhankooda. Taakuleynta sahayda noocaas oo kale ayaa waxaa ula diyaara Janaraal Morgan oo qorsheynaya lo'da dadka jubada inuu ku bedesho gacan siinta Ciidamada Tigreyga. Baydhabo waxey goor dambe ku baraarugtay amar ku taagleynta ciidamada Tigreyga oo degaankooda meesha ay doonaan ka soo dega, waxey sameeyaana aan waxba laga oran karin. Qeybinta Magale ay ku xukunto degaanka Maay waxey u soo mareen dadkii sida ku meel gaarkaa ay maqaar saarka u adeegsanayeen oo uu u horeeyo Korneylka loo yaqaan Shaati Ku Diigle ama Shaatiguduud.

Maamulka Ku Meel Gaarkaa: Maamulkii u sabab ahaa inuu dalku dumo, jabhadaha hubeysana ku qasbay iney Maqale miciin bidaan, in golayaasha hogaamiya dalka ay dib ugu soo noqdaan iyagoo sooca waa sababta keentay kor u kicin la'aanta qaranka Soomaalida ka dumey iyo iska dabawareega siyaasiyiintaas aan lahayn meel laga qabto madax iyo mijo midna. Wadaadadii duubka cadaa oo dalka iney gacmo gooyaan maahee aan wax dadaala u gelin waqtigii loo baahnaa dagaalka sokeeya inay la saftaan diinta, una hiiliyey qabiilka iney maanta u xuubsiibtaan siyaasiyiin meel sare kaga jira golayaasha hogaamiya dalka iyo siyaasad aysan dhaqankeeda lahayn waxey ka mid tahay dhibaatada ay la kici waayeen ku meel gaarku, loona adeegsaday qiil ay ku fashilantay takuleyntii dibada looga doonayey dowladnimo Soomaaliyeed. Waa arrin muuqata in nin walba uu bedeshey muuqaalkiisii hore, waqtiga la joogana uu metelayo magaca qabiilkiisa. Biyo cirka ku wasaqeysan dhulka nadiif kuma yimadaan, marka haddii xaal sidaas yahay sow ma habooneyn in jabhadihii dumiyey dalka iyagana lagu gacan siiyo maamulida magaalooyinka waaweyn, dekedaha iyo garoonada dayuuradaha, dkmgna ay qaadato xilka amaanka iyo canshuur uruuurinta goobahaas. Ogolaanshaha axdiga ku meel gaarku ku qaatay nidaamka federaalka waa mid qiyaamo ku ah Soomaaliya una horseedeysa bilaabida qeybinta soomaalida, waxeyna arrintaas u tahay Maqale aalad u keydsan oo ay Soomaalida dhabar jab ugu keeni karto waqti aan fogeyn.

Maamuladaas maqaar saarkaa waxey si toosa ama si dadban si ku meel gaara awooda ugu sii simayaan dowlad ka dhisan dibeda oo dalalka daneeya Soomaaliya mid walba uu ku leeyahay wakiil u adeega danahiisa. Dowladaas waxey si daboolan uga tala qaadaneysaa siyaasada taliska maqale. Waxa keliya oo dowladaas maxmiyadaa hortaagan waa Muqdisho, iyana waxey sugin maalinta uu shisheeye xoog ku muquunin lahaa. Muqdisho waa mida keliya oo iska caabin karta qatarta cadowgaas haddii ay muujiso maamul mideysan ee magaalo madaxnimo Soomaaliyeed iyo hubka xoogiisa oo lagu wareejiyo ciidan mideysan. Si taas ay u meel marto, Dr Qaasim waxaa la gudboon inuu aqbalo in xilka sharaf uu ugu dhiibo inta uusan dhamaan wakhtigiisu qof kusima Soomaalida cidii ay dooran lahayd..

Akhri qoraalkii: Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey 


WQ: Dr. Saciid Ciise
Atlanta, USA
Saciidciise258@aol.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | April 29, 2003

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]