SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Horumarka Dalkaaga Hooyo kuma Xirna Hay'ad Ee Waa Wadaniyadda, Taar Air Port

WQ. Maxamed Cabdi F Botan (Shiike)
faaraxbotan@hotmail.com
 

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Waxa maanta sharafti ah, in bulsho waynta soomaliyed ay garankarto in horumarka wadanka uu ku xiran yahay shaqsiyaadka u nasab sheegta wadanka, qormadan waxan kusoo qaadanaya wax qabadka muwaadinka .

QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO DUNIDA SADDEXAAD 
Dr. Bashir Sh. Mohamed

Agaasimaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Dowlad Goboledka Puntland, Mudane, C/Wali Cali Taar ayaa waxa uu dhagaxdhig Garoon diyaaradeed kasameeyay Magaalada Garacad, oo katirsan Degmada Jariiban Gobolka Mudug ee Puntland Somaliya, Mudane Taar waxa uu ku guulaystay mushruuciisii ahaa in Tuulada garacad ay yeelato garoon Diyaaradeed , Garoonkaas oo labilaabay taarikhdu markii ay ahayd 16.02.2002 ayaa hadda waxa uu helay aqoonsiga Caalamiga ah ee (International Air Port System), garoonkaan oo loogu magac daray (TAAR AIR PORT) waxa furitaankiisa kasoo qayb galay dhammaan hay'adaha Caalamiga ah, ee UN'ka, sida wakiilka WFP,UNICEF,MSF Belguim, Oxfam,UNDP,UN Security Agency,Govermental and non Govermental NGO's,, iyo hay'adaha dowladda ee Maamul Goboledka Puntland.

Garoonkan oo uu furitaankiisa kadib hadal kajeediyay sargaal sare oo ka tirsanaa hay'adda nabad galyada ee Qaramada midoobay, oo dhalashadiisu tahay Srilankan, ayaa waxa ay fajaciso ku noqotay sida uu wadanka somaliya yahay qaybo kamid ah , isla markaana qaybihiisa kale ay higsanayan horumarka caalamiga ah, sargaalkaas waxa uu mahad ballaaran usoo jeediyay dhammaan dadkii sida wadaniyadda lahayd ee ka qayb qaatay abaabulka garoonkaas, isla markaas waxa uu hadalo qiiro leh usoo jeediyay dadkii kasoo qayb galay xafladdaas.

Garoonka ayaa hadda waxa uu nasiib u yeeshay inuu helo Laysan, kaasoo micnihiisu yahay , haddii diyaarad dulmaraysa deegankaas ay lakulanto cillad farsamo ay si degdeg ahi ugu dagi karto TAAR AIR PORT.

si kastaba ha'ahaatee waxa garoonkan garab socda Waddadii waynayd ee lawada sugayay looguna magac daray WADAAGSIN, Waddadan Wadaagsin waxa fikirkeeda wax ku lahaa Agaasimaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Puntland ee SOMCOM, Mudane C/Wali Cali taar oo ku guulaystay Dhismaha Garoonka TAAR AIRPORT.

axdi GUJI HALKAN Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 
waxa kale oo lataaban karaa oo uu mudanaha ka dhisay Gobolka Mudug Magaaladiisa galkacyo ee Dowlad Goboledka Puntland, Hoteel aad u wayn , Hotelkaas waxa uu'u jiraa Bartamaha magaalada galkacyo in kusiman 1KM iyo Bar ee dhinaca waqooyiga,Hotelkaas oo hadda si toos ah oga howlgalay deegankaas, Hoteelkaas waxa magaciisa layiraahdaa TALEEX HOTEL, marka aad hormarayso Hoteelka waxa kuu muuqanaya Astaanka Calanka Somaliyeed oo ka dhexbabanaya Gudaha Hoteelka, isla markaasna waxaa dhinacyada hoteelka oo dhan kaaga muuqanaya Calamada waddamada USA, UK, KENYA, TANZANIA, GERMANY,ITALY,Franca, iyo Kuwa hay'adaha ka howlgala dalka gudihiisa.

Ugu danbayntii waxa qofkasta oo somaliyeed xilkasaaran yahay dalka Somaliya sidii uu oga qayb qadanlahaa horumarka dalka, kaga dayo horumarka dalkaaga hooyo kuwa u xayt-xaytay dhismaha wadanka.

waxan dhawaan idin soogudbinaynaa sawiradii muuqalka TAAR AIR PORT, Waddada Wadaagsin, Iyo Waliba Hoteel Taleex.

Mahadsanidin


Maxamed Cabdi F Botan (Shiike)

faaraxbotan@hotmail.com
 

SOMALITALK.COM | April 24, 2003

Cawed Casharo: “Wasiiradaasi 3 qodob ayeey u aadayaan  Maraykanka”
Waraysi dheer oo uu Ibraahim Maxameddeeq la yeeshay Casharo ayuu ku sheegay in.... GUJI... 23/4

I  I  D  H  E  H

Shaqadii Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.  2/4/2003

KIPLAGAT OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI. 15/3

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD