SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?

Liibaan Al-khaliif
alkhaliif@hotmail.com

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Akhristow ha la yaabin su’aashan wax ku oolka ah. Waxan rejeynayaa inaad ku qanci doontid jawaabta su’aashan ka dib geba-gebada qoraalkan.

Muddoba hoggaamiyayaasha iyo indheergaratada Soomaaliyeed waxay badanaa farta ku fiiqayeen dawladda iyo maammulka Sinawi ee dalka Itoobiya, khaasatan marka laga hadlayo dhibaatooyinka sii daba dheeraaday ee ummadda Soomaaliyeed. Sida caadiga ah shirar lagu dhexdhexaadinayey kooxaha Soomaalida ayaa la qabanayey illaa iyo burburkii dawalddii Maxamed Siyaad. Shirarkaas oo illaa 14 gaadhaya ayaa haba yaraatee wax natiijo wax ku ool ihi ka soo bixin marnaba. Wax kasta oo lagu soo heshiiyo shirarkaa dib ayay u laba kacleeyaan layskuna khilaafaa. Iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayso xaaladda Dalka Soomaaliya ayaa waxa muran ma doonto noqotay in Dawladda Madaxweyne Sinawi ay ku caddaatay falalka mujrimnimada ah ee ay u geyteen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Tanoo aan ahayn mid aan la filayn waayo cadowga kowaad ee Soomaaliya waa Itoobiya.

Haddaynu taariikhda dib u yara milicsanno, colaad guun ah ayaa u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya muddoo haatan ku dhow-dhow 1000 sano ama, toban qarni. Ka soo bilow dagaalladii dhexmaray Axmed Guray iyo Reer Najaash, illaa iyo dagaalkii 77-kii ee lagu hoobtay.

Haddaba iyada oo aan arxan saasa laga eegayn Amxaarada ayaa hadda waxa arrinta sii kharribtay Soomaalida lafteedii oo qaarna isu dhiibeen Amxaarada kuwa kalena naxariis ka dhawrayaan iyaga oo si diciifnimo ku jirta ugu halaanhala nacabka mici gabaarka ah ee aan rabin calan Soomaaliyeed iyo qarannimo ay hantaan dadkeennu.

Sifooyinka beryahan dame Soomaalida lagu bartay waa iyagoo had iyo jeer adduun weynaha ugu dacwooda “Itoobiya ayaa baabi’isay Soomaaliya.” Waayehee Itoobiya maxay kaloo samayn lahayd? Miyaanay ahayn Itoobiya cadowgeenna? Anigu kolley yaabay!!

XIRIIRKII U AY LAHAAN JIREEN SSDF iyo SNM.... GUJI

Waxa kale oo xasuus mudan in aan tixraacno sida Soomaalida ay Itoobiya arrimeheeda gudaha lug ugu yeelatay. Ka dib inqilaabkii lagu guul darraystay ee 1978-kii, jabhaddii la magac baxday SSDF ayaa u gashay Amxaarada iyada oo markaa ulajeeddadu ahayd inay garab iyo gaashaan ka hesho Xabashida si ay xukunka uga ridaan keligii taliyihii Maxamed Siyaad. Tani waxay aad uga farxisay Itoobiya mammulkii markaa ka talinayey ee Mingeste Mariam oo markaa dhaawicii dagaalkii 77 la il darrayd. Waxay dawladda Itoobiya isticmaashay hab ku dhisan “lafa maroodi iyaguun baa laysku jebshaa.” Dagaallo ba’an ayaa dhex maray dawladdii Siyaad Barre iyo ciidammadii SSDF-ta. Inkastoo dagaallo badani dheceen haddana marnaba kuma ay guulaysan inay qabsato SSDF gobolada dhexe oo markaa taageero ahaan ugu dhowaa.

Muddo ka dib bilowgii siddeetanaadkii waxa asaasantay jabhaddii SNM oo si la mida ugu qayla dhaansatay Itoobiya. Mingiste wuxu damcay inuu mideeyaa SNM iyo SSDF laakiin arrintaa waxa ka biya diidey hoggaamiyayaashii SNM. SSDF waxa loo badiyaa in hadafkeedu ahaa inay maammulka xoog ku muquunsadaan, taasoo Itoobiya nayaayiro u ahayd. SNM qorsheheeda ayaase kala macaanaadeey Itoobiya kaasoo ahaa in dalka Soomaaliya la kala goyn doono. Fikradda SNM ayay Itoobiya aad ugu riyaaqday waxayna billowday in SSDF laga takhaluso ka dib markii hoggaamiyeheedii C/lahi Yusuf jeelka loo taxaabay.

Ammintaa wixii ka bilowdey Itoobiya culays badan baa ka degey maaddaaba ay ku riyoonaysay Soomaali Republic oo burbura. Waxa SNM weerar ku qabsadeen Hargeysa iyo Burco, waase laga saaray khasaare aad u badan ka dib. Wixii ka dambeeyey 1988-kii dagaalladii Waqooyiga ka dhacay, waxa haddana abuurmay jabhadihii SPM oo Cumar Jees hoggaaminayey iyo USA oo Cali Wardhiigley guddoomiyeheeda ahaa. Iyada oo markaa dawladdii millateriga ahayd noqotay mid taag darraysay ayaa 1990 ay USC iyo SPM isa sii raaciyeen intii ka hadhay xukuumadda. Wax yar ka dib dagaallo ayaa Koonfurta ka dillaacay salka ku haya qabiil. Haddaba iyada oo SNM ay ahayd mid la jebiyey kuna sugnayd xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxa u suuro gashay inay dalka dib ugu soo laabtaan. Tanoo dhalisay inay ku dhawaaqaan goosasho 18-kii may ee 1991-kii. Iyada oo isla markaa ay Eretariya ka goosatay Itoobiya lana Ictiraafay, ayaa saraakiihsha SNM riyadooda isku tusaaleeyeen inay ka faa’iidaysan karaan dagaallada ahliga ee Koonfurta Soomaaliya ka socday halkii ay walaalohood dhexdhexaadin lahaayeen. Addunweynaha maammulkan iskii isu magcaabay marna aqoonsi kama helin, waxana shir kasta halhays u noqotay “midnimada Soomaaliya waa mid muqaddas ah.” Si ka sata ha ahaatee, illaa maantadan aynu joogno oo ku siman 13 sano weli dawlad Soomaaliyeed oo dhammaystiran lama hayo.

Sida cinwaanka ku cad, waxan carrabka ku dhuftay in Maammulka Somaliland gacansaar la leeyehay Dawladda Itoobiya. Tani waxay noqotay markhaati ma doonto sida ku cad kuwa badan oo ka mida Jariidadaha iyo Boggagga Internet-ka Somaliland iyo Wargeyska Addisababa Times. Sheekadii ugu yaabka badnayd oo aan akhristaayaalow iyadoo sawir ah idin ku hagi doono, ayaa ahayd mid ku saabsanayd booqashadii uu bishan August horraanteedii Daahir Riyaale Kaahin (President self-declared Somaliland) uu kula kulmay Madaxweyne Sinaawi. Waxa naxdin iigu fillayd qoraal ku yiil bog kamid ah bogga Somaliland, oo xagga hore ay ka muuqdeen gacan madow iyo gacan cad oo isa salaamaya iyo laba calan oo aan sinaba loo kala garanayn. Eeg sawirkan hoose:
"There is a strong link of freindship between Somaliland and Ethiopia." (mid kamid ah wargeysyada somaliland)
Horta sow hubaal may noqon in sirta ugu weyn ee Itoobiya inay tahay Somaliland? Muran ma geli karo in si weyn ay Xabashidu gacan u siinayso maammulka Somaliland. Naxdin ugu filan qof kasta oo Soomaaliya markuu arko sawirradan dullinnimadu ka muuqato.

Waxa la oran karaa xidhiidhka Hargeysa iyo Addisababa ka dhexeeya kan Maraykanku ku eedeeyo Al-qaaciida iya Siiriya.


HON. Prime Minister of Ethiopia Meles Zenewi.(mid kamid ah wargeysyada somaliland)
HON. President of Somaliland Dahir Rayaale Kaahin .(mid kamid ah wargeysyada somaliland)

Waxan aad ula yaabay sababta ku kalliftay masuuliyiinta Hargeysa inay gacanta u hoorsadaan cadowga ugu weyn ee ummada Soomaaliyeed. Allaylehe arrintu waa “baadida ninbaa kula daydaya, daalla kaa badane, aan doonahayn inaad heshana daa’in abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayne, dillaal iyo mallaal wuxuba waa carabta deynteede,” ereyadani waxay ka mid ayaayeen gabayga caanka ah ee uu tiriyey Abwaan Qamaan Bulxan.

Waxan qormadayda ku soo geba-gebaynayaa wakhtigan Soomalida nooleey yaanay iskaga kaa khaldamin runta iyo dhalanteedku. Hadday ku tahay mid hore iyo mid dambeba, ninkii galliimaystay cadow isaguna waa cadaw kale uun. Waxba yaanay ina qaadin caaddifadda qabiilku, ilaah baa iga sarreeyee mugdi ayaad Soomaaliyeey gudaysaan. Waxan kale oo aan idin oran lahaa nikii isagu caana maalayow oo deriskiisuna liitaanoow wallee waxbaa kuu laabane hurdada ka kac intaan laguugu iman meesha.


Waxa soo diyaariyey qormadan:
Liibaan Al-khaliif
alkhaliif@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD