SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Timirtii horeba dab loowaa!

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com 

Adoomadda Illaahey abuuray waxaa uu ku maneystay garasho iyo caqli ay ku kala gartaan samaanta iyo xummaha. Waxaa intaas u dheer iney la yimaadaan cibaadada iyo wanaaga u Eebbe furay si ay ugu najaxaan nolosha adduun iyo aaqiraba. Hase ahaatee haddii qowmkaasi laga waayo intaas kor ku xusan waxey ahaanayaan ummad u sugnaatay halaag oo dhan, noloshana aan ku farxin iney ka qoomameeyaan mooye.

Hadaba tan iyo intii dagaalada sokeeye ay ka dilaaceen dalka Soomaaliya ummadda Soomaaliyeed ee weligeed lugu tirin jiray ummad Islaam ah, dhaqankeedana uu ku saleysnaa ama meelo ka shabahay dhaqanka carabta iyo diinta Islaamka, ayey taasi daaqada ka baxday ama beenowday wanaagii laga sheegi jiray dhaqanka iyo caadooyinka ay ummada laheyd kadib burburkii dalka Taa macnaheedu waxaa weeye in ummaddii ay durbada caadooyin iyo dhaqamo siloon dhex mushaaxday, iyagoon ogeyn waxey tahay, kana tagay dhaqankii suubanaa ee ay lahaayeen luguna amaani jiray.

Si kastaaba aruntu ha ahaatee tan iyo uu dhashay murankii ku saleysnaa waxa loogu yeeray Axdi qarameedka dowladda Fadraalka ah ee dhawaan laga soo unkami doono dalka Keenya ayaa waxaa soo ifbaxaya qaadashada firkadaha shisheeye ee kooxaha halkaasi ku shirsan la soo shirtagaan maalin walba.

Si ay markaasi u meel mariyaan danaha fog ee laga leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hadaba iyadoo weli ay taagan tahay xiisada kadhalatay Axdi qarameedkaasi maalin walbana ay shirka ka baxayaan ragg aan wadaniyadu awalba ku dheereen ee danno fog lahaa, lana soo carro celinayey ”sidii haweeney seygeedii ka caroortay”. Ayaa tallo cirka isku shareertay markii lala yimid fikrado ka duwan tan maalin walba la isku qab qabsado madasha dhaxdeeda, shisheeyuhuna ku qoslo.

Hogaamiye kooxeedyo ay kamid yihiin Cismaan Caato iyo Mowliid Macaane ayaa ah labadii shaqsi ee ugu horeyey ee la soo shirtaga in luqada labaad ee dowlada Habar dugaag yeelan doonto ay ahaato afka talyaaniga, taasoo aysan cadeyn ilaa iyo hadda macnaha ay ku doorteen luqadaas oo aan ognahay qiimaha darrada ku leedahay beesha caalamku.

Bal inte aynaan ugudo gelin macnaha buuxa ee maqaalkan aan wax yar ka eegno luqada Talyaaniga qiimaha ay ka leedahay dalalkii ay horey u soo gumeysatay iyo beesha caalamkaba. Dalka Talyaaniga xilligii boobka ba’an lugu hayey qaarada madow waxey aheyd awood balaaran oo markaasi baratan uu kala dhaxeeyey gumeystayaashii foosha xumaa ee aduunyada ka jiray sida Faransiiska Ingiriiska iyo Jarmalkii naasiga ahaa oo isna dhulabaari xoogan ka waday yurubta bari. Dalalka uu Talyaaniga gumeystay sida Soomaaliya Liibiya iyo Ereteerya, weligood hormar la sheegi karro nooca ay tahay oo ay gaareen ma jirto, marka laga reebo iney dalalkaasi dadka ku nool ay ku dhaqmaan nolol laa-luush iyo tuuganimo ku saleysan damac dheeri iyo boobka hantida ummaddana noqotay shey iska caadi ah. Talyaaniga dalalkaas uu gumeystay weligiis uma doodin xaquuqada ay leeeyihiin sida ay Ingiriiska iyo Faransiiska ugu doodaan danno kastaaba ha kala haadaane qaarada ay inteeda kale ka gumeysteen. Misna Ingiriiska iyo Faransiisku dalalka ay gumeysteen waxaa ay u abuureen qorshayaal ay dalalkaasi wax kaga badali karaan hanaanka siyaasadeed ee dib u socdka ah iyo hormar la xirriirta xagga nolosha sida dhaqaalaha iyo caafimaadka. Hase ahaatee Talyaani oo awalba caan ku ahaa musuq maasuqnimo iyo faqri dahsoon weli dalalka uu gumeystay xagga dhaqaalaha iyo hormarka kama dhisin, ee iyagoo lafahadooda fiintay, luqadoona ma ahan mid muctarif ah oo caalamka looga hadlo sida faransiiska iyo ingiriiska.

Faransiisku dalalka uu gumeystay waxaa uu ka taakuleeueyxagga dhaqaalaha (inkastoo gumeystuhu jeceleyn hormaarkaga) waxaana sanadka kasta la qabta shir looga hadlo aayaha dalalkaasi uu faransiisku gumeystay kuwaas oo dhamaantood ka kala yimaada daafaha dunidda. Sidoo kale dalka Ingiriiska waxaa uu dalalka uu gumeystay qaarkood ku daray dalalka loo yaqaan barwaaqo sooranka, kuwaas oo iyagana looga hadlo hormarinta dalalkooda iyo wixii la halmaala.

Iyadoo inta aan kor ku soo xusay ay jiraan, ayaa hadana dhibaatooyinka dahsoon ee dowlada Talyaaniga ku heyso dalalka ay isticmaarsan jireen ahaayeen kuwo muuqda oo aan weligood laga hadlin, tusaale waxaa kuugu filin dalka Soomaaliya taariikhduna xustay faa’iidadii iyo qasaaraha dhankastaba leh ee laga helay xirriirka talyaaniga tan iyo markii madaxbanaanada laga qaatay.

Hadaba iyadoo la ogsoon yahay in Soomaalidu tahay Islaam, hadana xirriirr soo jireen ah lalaheyd dalalka ku yaala Khaliij-ka iyo Yeman, luqada carabigana tahay tan labaad ee dalka looga hadlo islaanimada awgeed, ayaa su’aashu

waxey tahay maxaa keenay maanta in luqadaasi meesha laga saaro?? (kolka aan su’aashan xusay ulama jeedo inaan ka mid ahay dadka aamisan fikrada ah in afka carabiga noqoto luqad guud ahaan dalka ka hirgasha). Hadaan runta laga leexaneyna soomaalidu waa Islaam islamarkaana barashada luqada carabiga iyo ku hadalkaba ay mudan tahay iney noqoto luqada labaad ee dalka looga hadlo.

Hase ahaatee sida aan ku soo xusay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan ugu magacdaray Maandeeq meeshii loogu tashaday sow Alle ma joogin? ayaan ku qeexay in keligii taliyihii hore cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya sheegay in Soomaaliya maalin uun la isweydiin doono halka ay qaaradda Afrika kaga tiilay. Arintaasina aaneyba hada iyo goor u dhow bilaaban ee ay taxane soo aheyd tan iyo sebankii Axmed Gurey, markaasoo ay qeylo dhaan u doonatay dowladiii Amxaarada ee xilligaasi jirtay gumeystihii Bortaqiiska kolkii ay ku beerlaxowsatay iney ku heereysan tahay bad Islaam ah sidaasina ay ku heshay kaalmo mellateri oo lugu jebshay geesigii Axmed Gurey.

Hadaba maanta oo ay ummada Soomaaliyeed jirin maalin ay kaliitato maxaa keenay in raggan aan awalba fiirada dheer laheyn iney lasoo shirtagaan in afka talyaanigu noqdo luqada labaad, halkii ay tii Islaamka iyo Quraankuba ku soo degtay ahaan laheyd tan mudan in laga hormariyo waxkasta.?? Sow ujeedada ka danbeeysa hadalkaasi lama oran karro weli waxaa tartiib tartiib u soo baxaya qorshaha Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya? Mise waxey balan qaad dowladeed ka heystaan labadaasi garashada ku yartahay safiir ku sheega Talyaaniga ee wejiyada badan ee jooga goobta shirka.??

Hadaba faalo badan faa’iido malaha arinta Soomaaliya waxey noqotay ”weel cunto ku jirta oo ruuxii gacanta la galaa uu cantuugsanyo wixii u soo baxa,

ka hor inta aan laga dhameysan” Qaranka Soomaaliyeedna waxaa uu maanta magan u yahay mindiyaha qarsoon ee cadowgeeda soo jireenka ah iyo ragg siyaasiin isku sheeg ah oo awalba u baahnaa in siminaaro iyo casharo ku sabasan siyaasadda loo furro ka hor inteysan sheegan, hase ahaatee ”Dani iskuma kaa sheegto ”qorigey adeegsadeen iyo ummad maangaab ah ayey ku kasbadeen magaca maanta loog yeero ee siyaasi ah, waxeyna taasi dhaxalsiisay ummadaasi ayaanka darran iney goor danbe soo baraarugto walow uusan jirkooda ka bixin kaniinkii hurdada ay siiyeen.

Mowliid Macaane iyo Cismaan Caato oo ku doodaya in afka talyaanigu noqodo luqada labaad ee dalka, maxey uga doodi waayeen qodobka dhaqanka iyo afka la sheegay iney soomaalid wadaagin,?. Maxeyse uga doodi waayeen jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed ee loolanka loogu jirro sidii loo ciribti lahaa?? Halka luqad isticmaar oo weligeed soomaali waneed ka shaqeyn ugu doodayaan.

Mise iyaagaba noqoday dhurwaagii geela la raacshay ee duur cidlo ah la fiirstay geed harkiis?? Allow hashaasi Maandeeq ayaan darranaa!!

Talyaanise luqadiisa maxey ku doorteen?? Timir laf baa ku jirta” ayey soomaalidu horey u tiri, koley waa mid ujeedo dahsoon laga leeyahay oo aan la ogeyn shartiisa iyo faa’iidadiisa inta ay la egtahay iyo cida danno gaar ah ka lehba waxaase la ogaanaa kolka ay dhalato dowlada habar dugaag ee sugeysa hasha Maandeeq iyo nirigteeda. ”Allow ay Maandeeq magantaa tahay ee badbaadi”!

Ugu danbeyntii waxaan maqaalkeygan ku soo koobayaa Mowliid Macaane iyo Cismaan caato uguma horeeyaan habar dugaagta ku sugan Keenya ee u doodeysa afafka qalaad, hadaaneyba dhexdooda ku dirirsaneyn cidda fulin laheyd dabinada shisheeye ee qarsoon. Mase muuqato in wax weyne ku soo kordhin karto luqadani dalka Soomaaliya haddiiba reer habar dugaag wax u suuragalaan. Soomaalidana waxey horey ugu maah maahday ”Timirtii horeba dab loo waa” xaggeese la geynayaa af talyaani luqadihii caalamiga ahaa ayaa dalka ka horgeli waayey”

 

Ikraam Cali-kaar

Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com 

 QORAALADII HORE EE IKRAAM


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]