SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Wafdigii loo diray C/qaasim iyo Barre hiiraale oo ku soo Laabtay kenya, muuse suudi oo u ambabaxay kismaayo, gollaha SRRC da oo shir yeeshay, kiplagad oo la kulmay odayaasha beesha hawiye.

Canab Mumtaz | Email: canabmumtaz@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Aug 16

I  I  D  H  E  H

KAAH

Wafdigii dhawaan u ambaxay dalka Soomaaliya ee uu hogaaminayay Danjiraha Dowlada kenya ee Arimaha Soomaliya Mr Maxaad Abdi affey,ayaa ku soo laabtay magaalada nairobi shalay galinkii dambe.

Mr affey oo maanta la kulmay gudiga farsamada igad iyo dowladaha bixiya deeqaha shirka ayaa sheegay in uu safarkiisi kala kulmay guul isla markaana uu u gudbiyay dhambaaladii uu u waday siyaasiyiinta ku sugan somalia isagoo sheegay in ay ka aqbaleen soona dhaweeyeen dhambaaladii uu u waday. balse wali lama hubo go,aanka kama dambaysta ee ah ee madaxdaas ayka yeeli doonaan dhambaalada loo gudbiyay.

C/qaasim salad Xasan ayaa kulan kala leh arinta ay soo gudbisay beesha caalamka gollihiisa wasiirada iyo baarlamanka, c/qaasim ayaa wada sidoo kale olole uu ku xasilinayo ammaanka guud ee magaalada mogadisho. isagoo horay u balan qaaday inuu wax weyn ka qaban doono nabada galyada caasimada oo fure u ah daganaanshaha guud ee dalka soomaaliya.

DKMG OO WAQTIGEEDII DHAMMAADAY
Faaladii Xagaryare:..
Guji...

Dhinaca kale hogaamiye kooxeedka muuse suudi ayaa maanta u ambaxay magaalada kismaayo,muuse ayaa baryahan hadal hayayay safar uu ku tagi doono magaalada madaxda jubbada hoose ee kismaayo,halkaasi oo uu ku sugan yahay dhigiisa Barre hiiraale oo isaguna ka biyo diidsan qaabka wax loo wado waloow uusan wali si cad uga hadlin mowqifkiisa ku aadan shirka,barre hiiraale ayaa dagaal weyn kala dhexeeyaa Jen morgan oo haatan ku sugan madasha shirka ee kenya isagoo dhawaan ka yimid soomaaliya. barre hiiraale ayay wafdiga somaliya loo diray kula kulmeen kismaayo iyagoo kala hadlay shirka, wafdiga ayaa sheegaya in ay kala kulmeen soo dhawayn barre laakiin lama oga in uu shirka iman doono iyo in kale.

Gudoomiya gudiga farsamada igad Mr kiplgad ayaa maanta la kulmay odayaasha iyo wax garadka beesha hawiye, kulankan ayaa ku saabsanaa sidii ay odayaashu uga qayb qaadan lahaayeen dadaalka nabada raadineed ee ka socda kenya, gaashaankana ugu dhuftaan wax walba oo carqalad ka abuuri kara shirka iyagoo muujinaya dadaalkii iyo nabada jacaylkii lagu yaqiin odayaasha soomaaliyeed. kiplagad ayaa kala hadlay in dhankooda ay qabtaan siyaasinta beesha hawiye si loo raadiyo maslaxad guud odayaasha ayaa dhankooda sheegay in kaalin wax ku ool ka qaadan doonaan.

Gollaha SRRC da ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta shirka ee Embagathi, kulankan oo ku saabsanaa sidii ay uga hortagi lahaayeen baaqasha ku timid shirka, gollahan oo wada dadaal ay uga soo horjeedaan baaqashada shirka kana soo horjeeda in la raadiyo inta ka maqan shirka, iyagoo qaba in aysan rabin maslaxada soomaalida loo raadinayo. iyadoo G8 ay wali wadaan iyaguna in shirka lala sugo inta ka maqan maadaama uu marayo heer gabagabo.

Shirka ayay guddigu joojiyeen ilaa mudo iyadoo jawaab cad laga sugayo dhinacyadii loo diray dhambaalada.

Canab Mumtaz
Email: canabmumtaz@hotmail.com

Kiplagad oo Xaqiijiyay in shirka soomaalida uu Joogsaday
Iyo C/llaahi yuusuf Axmad oo sheegay in shirkan aan loo baajinin dad aan maslaxad rabin iyo Deeow dhaliilay safiirada dalalka.. Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD