SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Kiplagad oo Xaqiijiyay in shirka soomaalida uu Joogsaday. sidoo kale Wafdi Maanta loo Diray Madaxweyne C/qaasim Salad Xasan oo Muqdisho Gaaray.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Aug 14

  • Col. C/llaahi yuusuf Axmad oo sheegay in shirkan aan loo baajinin dad aan maslaxad rabin
  • Maxamad dheere oo sheegay in shirku uu socdo mudo toban bilood ah intaasna uu soo laabanayay hadii la joojiyona uu ka tagi doono gabi ahaanba.
  • Cabadalla deerow ayaa dhaliil usoo jeediyay safiirada wadamada masar, jabuuti iyo talyaaniga oo uu ku sheegay in ay ka wadaan shirka carqaalado burburin kara shirka.

I  I  D  H  E  H

KAAH

Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Kenya ee dhawaan loo magacabay arrimaha Soomaaliya Maxamad Abdi Affey, Wasiir kuxigeenka arrimaha Dibada ee Dowlada Kenya iyo Safiirka Talyaaniga ee Somaliya Ungaro ayaa gaaray magaalda Muqdisho.

Wafdigan oo safarkoodu la xiriiro sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynaha DKMG ah C/qaasim Salaad Xasan oo dhawaan ka tagay shirka isagoo ku eedeyay maaamul xumo iyo wax isdaba marin ka jirta xarunta shirka ee Kenya..

Wafdigan ayaa kala hadli doona C/qaasim shirka nabada ee kenya iyo waliba waxa uu ka damacsan yahay shirka iyagoo u gudbin doona dhambaalo ay uga wadaan Beesha caaalmaka iyo igad lana filayo in ay guul kasoo gaaraan safarkooda.

maalinimadii shalay ayuu gudoomiyaha gudiga farsamada igad Amp Kiplaagad uu xaqiijiyay in shirka somaalida ee kenya dib loo dhigay arrimo la xiriira dalabyo badan oo beesha caalamka iyo soomaalidaba ka yimid taas oo ahayd in shirka dib loo dhigo illaa mudo si ay qaybahay maqan usoo xaadiraan.

Shirkaas oo ay ku sugnaayeen hogaamiyayasha siyaasada dalka isku haya waxaa halkaasi ka hadlay Coll C/llaahi yuusuf Axmad oo sheegay in shirkan aan loo baajinin dad aan maslaxad rabin sida uu c/llaahi yuusuf sheegay.sidoo kale waxa isna goobtaas ka hadlay Maxamad dheere oo isna sheegay in shirku uu socdo mudo toban bilood ah intaasna uu soo laabanayay hadii la joojiyona uu ka tagi doono gabi ahaanba wadahadalada ka soconaya shirkaas.

Cabadalla deerow oo gudoomiyaha baarlamka dowlada KMG ah ee xiligeedi dhamaaday ayaa halkaas isna ka hadkay isagoo dhaliil usoo jeediyay safiirada wadamada masar, jabuuti iyo talyaaniga oo uu ku sheegay deerow in ay ka wadaan shirka carqaalado burburin kara shirka.

Gudoomiyaha shirka kiplagad oo isna goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in beesha caalamku aanu ka aqbali doonin bil ama wax u dhigma inuu shirku xayirnaado balse uu siin doono maalmo kooban si ay usoo xaadiraan dhamaan qaybaha ka maqan madasha.

13 SANO KADIB KOW KASOO BILAAW !!!
Faaladii Xagaryare: DKMG ahayd oo waqtigeedii dhammaaday..
Guji...

Shirkan waxaa horay u qaadacay C/qaasim Salad Xasan, Muuse suudi yalaxow, barre hiiraale, jamhuuriyada la magac baxday somaliland iyo ururada bulshada rayidka qaarkood ee ku sugan shirka, marka laga reebo somalilanad qaybahan kale waxay ka cabanayeen maamul xumo iyo dhinac u janjeerid ay ku eedaynayaan in ay wadaan gudiga farsamad igad.

sidoo kale waxaa maanta fashilmay mudaaharad ay soo abaabuleen gollaha SRRC da,oo looga soo horjeeday Dowladaha talyaaniga iyo masar, qaybaha kale oo ay ka mid yihiin G8 ayaa si weyn isku hortaagay iyagoo ciidamada ilaalada ee dalka kenya ku wargaliyay in hadii wadankooda lagu gubo calamadaas ay u tahay kenya sharaf dhac, maadaama aanay waxba u dhimin cidi kasoo horeedaana ay dalkeda ku samayso ficiladas.iygoo ugu hajabay kooxihii waday mudahaaradkas in ay gacan ula tagi doonaan dhankoodana ay gubi doonaan calanka itoobiya,mudahaaradkan ayaa ubaaqday sababahaas awgood.

Labadan guruub ayaa isku ah dab iyo bansiin marka laga hadlayo xaalada soomaliya dagaal iyo nabadna aan midna heshiis ku ahayn.waa qaybo iska soo wada horjeeda ssiyaasaduna ay meel xun gaarsiisay iyagoo ay u dhaxayso colad,soomaalida oo dhexdeda heshiisa wax ka waanagsan malahan sida ay qabaan dad badan oo wax garad ah iyo kuwo badan oo aqoon u leh soomaalida.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Aug 14
Email: canabmumtaz@hotmail.com

KORONTADII OO KA GO'DAY BARIGA CANADA & USA
Galabta waxa korontadii ka go'day magaalooyinka Toronto, Ottawa, New York, Detroit ilaa.... Guji... Aug 14


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD