SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SUDAN

 Iskuulka Axmed Guray miyaa kadanbeyey Dilkii Sacdiya Ibraahim Cali??

Abdirizak adam dalmar
Dalmar203@yahoo.com
 sudan

Bartamihii bishii 4aad ayaa waxaa magaalada mugadishu kadhacay gaar ahaan iskuulka sare ee axmed guray ee kuyaal xafada towfiiq ee magaalada mogadishu Dil ladilay sacadiya ibraahim ali oo ardayad ka eheeyd sikuulkaas. ardayada soomaaliyeed oo wax kabaranaysay iskuulkaas dhiganaysayna galaaskii ugudanbeyey, sanaddugsiyeedka 2002-2003, sacadiya ayaa nin hubaysani kudilay iskuulka axmed guray hortiisa goor kudhow xiligii ay kasoo baxeen xiisada iskuulka, sacadiya oo xiligaa xidhneed darayska iskuulka ayaa arintaasi waxay anfariir iyo fajiciso kudhalisay dhamaan ardaydii ay wada socdeen oo xiligaa ubadnaa gabdho ay saaxiibo aheeyeen ama ay jaar ahaayeen, waxaa kaloo ay sacadiya xidhneed markii ladilayey marada wejiga ay saarataan gabadhaha soomaaliyeed ee looyaqaan nija ama niqaab.

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga GUJI.....

Wararka lagu kasoon yahay ayaa oranaya in sacadiya qoriga lagu dilay uulahaa nin kamid ah ilaalada iskuulka axmed guray oo ay qaaraabo ahaayeen gacan kuhdiig lihii dilay sacadiya ibraahim, gabadhan ardayda ah ayaa lagusoo waramaya in aysan wax xirir iyo aqoon hore toona kadhexeen marnaba .

Sacadiya ale ha unaxariistee waxay iskuulkaas caan kaga ahayd akhalaaq wanaag iyo dhowrsanaan aad ahayd, sacadiya ayaa waxay ahady beelaha aan hubaysneen ee xiligan degan magaalada mugadishu, iskuulkan Axmed guray ayaa caadaystay kutumashada xuuquuqda ardayda aan belahooda hubaysneey, sida uhanjabaad caanka ay kunoqdeen ilaalada iskuulkaas oo aad markasta u eegta gabdhaha aan beelahooda hubaysneen ama aan ehelkooda joogin xamar, ugaarsiga dumarka aan awooda ku laheen iskuulakaas.

Arintaas caadada unoqotay ilaalada iskuulkaas axmed guray maaha markii uguhorasay eey dhacdo tan oo kale waxaa horay udhacday gabar iskuulkaas ardayad ka eheeyd in mid kamid ah ilaalada uu ugaystay rasaaseen xoog leh sanad kahor.

Gabadh kamid ah aradydii wax kabaran jiray iskuulkaas oo aan kula kulmay Jamacada afirca ee dalka Sudan ayaa iisheegtay in markasta lagu sameenjiray caga jugleen xoog leh iyo in farta loogu fiiqi doono mooryaan ama dablay hadaysan ogoalan wax ay kadoonayaan ilaladaas ka caado dhigatay gumasiga iyo handadada gabadhaha masakiinta ah.

Dilka sacadiya ibraahim markii uudhcay ayaa waxaa fadhi degdeg ah yeesheey maamulka iskuulka axmed gursay oo uu horkacayey c/majiid xuseen nuux kadib markii ay inbadan ka hadlayeen mucjisadan dhacday ayaa waxay soosaareen in aysan waxba kaqaban karin arintaas. Qaar kamid ah macalimiinta iskuulka ayaa iyagu kucelceliyey in ilaalada iskuulka laga eryo, halka hogaanka iskuukaas ay kucelceliyeen in ladaayo oo ay joogaan tasaa sabab u ah in lagu tilmaami karo in ay wax ka ogyihiin maamulka iskuulka axmed guray arinkaas foosha xun ee dhacay. Waxaa intaa sii dheer walaalayaal in gacan kudhiig lahu uu markasta tago ama goobihiisa ugu caansan xamar ay kamid yihiin schoolka axmed gursay.

Maamulaha iskuulkaas ayaa ah nin aan wax ka qaban mushkilada inta badana lagusameeyo ardayda uu mas'uulka kayahay.

Dadka degan xaafada towfiiq ayaa iyagu uyaqaan iskuul gacanta ugujira waxa afka Talliyaaniga lagu yiraahdo {berigaato} ama mooriyaan, iskuulkan ayaa weli raali gelin siin qoska ay kadhalatay sacdiya ibraahim, waxaa kaloo weli aan dilkaas eedayn ururo kusheega xuquuqeed oo kajira mugadishu, afhayeen uhadlay qooska sacadiya ibraahim oo kunool deegaanka Mennosota ee USA waxa isagu canbaareyey falkaas.

Guntii iyo gebagebadii waxaanu soomalida usheegayna in arimaahaan oo kale anaan loogu dulqaadan ee lagusamaynayo dumarka somaaliyee fiiro gaar.

Hadaba waa in Iskuulkaasi uu jawaab cad ka bixiyaa arintaas, haddii kale waxaa loo qaadan doonaa in iskuulku arinta wax ka ogyahay.

Abdirizak adam dalmar

Dalmar203@yahoo.com  sudan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

ARDAYDII LAGU LAAYEY MUQDISHO... GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD