SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 LABA WAJIILAYNTA CABDI I. SAMATAR IYO INA GEELE

mahamud samatar | samatarapt@yahoo.com

Maalini la warasanayay Cabdi I Samatar , ma xasuusto in su aashu ku saabsanayd shirka dib u heeshiisiinta, Ethiopia ama Somaliland ka qayb galid la'aanteeda shirka, ayaa waxa uu ku jawaabay , hooyaday ayaa i odhan jirtay afku dhagax, taas oo ula jeeday in aan cid walba runta u sheego kama baqo. Hadaba haddii mr. Samatar ka baqayn in uu runta nin walba u sheego , maxaa u diiday in uu runta ka sheego Somaliland ,hormarka ay gaadhay iyada oo aanay cid taageertaa jirin, marka yanu ka hadlayno dhaqaalaha, oo intii kartideeda ahayd , ha ahaato , wax barasho, nabadgalyo iyo dimoqraadiyad ay dhaanto wadamo badan oo taageero dhaqaale iyo siyaasadba ka haysta addunka.

samatar
Prof Cabdi Samatar "Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa... haa waa labilaabay jaamacadaas laakiin uma dhawa midda Camuud & midda Hargaysa iyo Muqdisho,..GUJI.

Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI.. 

FIQI TOLKIIS KAMA JANNO TAGO GUJI....

Samatarse ma ka hadli karaa ama se ma kala hadli karaa Cumar Geele , dhibaatada , cabudhinta, caga juglaynta iyo xoriyad la'aanta haysata ummada Somaliyeed iyo Canfarta ee ku nool Jabbuuti? Mise arintu waxa weeyi wadan shisheeye arimhiisa u gaarka lama faragaliyo?

Mr. Samatar waxa uu ka mid yahay ,dhawrka nin ee lagu tilmaamo indheer garadka ama wax bartay, lagana filayay in ay ummaddooda wadada toosan tusaan iyaga oo ka faa'iidasanay waxbarashadooda iyo waayo aragnimadooda. Nasiib darro se Samatar waxa uu ka mid ahaa indheer garadkii horboodaya kooxdii Carta ee lagu soo dhoodhoobay tuulada Carta ee Jabbuuti. Qoraal uu malin dhawayd qoray ayaa waxa uu ku sheegayay in ay Carti ahayd hadhaagii Siyaad Barre, taas oo uu ku soo qaaday magaacda Galaydh iyo Cabdi Qasim. Waxa kale oo uu qoraalkaa ku amaanayay Cumar Geelaha Jabuuti, taas oo uu soo qaatay odhaah uu Cumar Geele yidhi mar uu ka hadlayay shirkii Carta, odhaahdaas oo ahayd "HAN IDIIN HIILIYEE II HIILIYA" hadaladan ka soo yeedhaya Samatar marka aad eegto , waa hadlo is dhaafsan ama isku lid ah.

Haddii uu danta Somaliyeed Samatar wado maxaa u diiday in uu saxo ummadiisa kana fogooyo si aanay ummaddu ugu noqon dhibaatooyiinkii dhacay, intii dhibaatada ridayna uu canbaarayn waayay. Sidee nin wax garad ihi ula shiraa intii qarankii Somaliyeed baa bisay, markii uu ahaa indheergaradkii hagayay hadhaagii Siyaad ee uu Cumar Geele soo ururiyay. Sidee bayse suurto gal u tahay in uu nin wax garad isku sheegayaa , ay ula quman tahay in uu taageero danbiilyaal shalay dadka gumaadayay in dalka hogaamiyaan? Wax garadku waa ninka xuquuqda ummadiisa u halgama , wax wal oo ay ku qaadatana u hura in dambiilayaasha la soo taago maxkamad. Waxa garadnimadu ma ah in aad tidhaa waxa aan ahay wadani u halgamaya Somalinimo, Siyaad Baareba wadaninmo waa sheegan jiray. Waxa garadka runta ah waxa kala wayn wadaninimo beena, xuquuqda Aadamaha noocu doono ha ahaadee. Waxa aan u malaynayaa dhibaatada uu Cumar Geele ku hayo ummadda reer Jabbuuti in aanay u muuqan Samatar, sababta oo Cumar Geele waa nin wadani Somali ah.

RA'YIGII DADWEYNAAH EE 2001
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 |

RA'YIGII DADWEYANAH ee 2002

Runtii waxa qaranimaddii Somaliyeed ama Somalinamaddii baa bi' yay waa Jabbuuti , sababta oo ah labadii dawladeed ee lagu soo dhisay Jabbuuti , ee ay kala hogaaminayeen Cali Mahdi iyo Cabdi Qasim loogama dambayn baa bi'ii Somaliyeed. Dhibaataduna waxa ay ahayd Cumar Geele oo dano gaara watay ayaa kolba marka uu arko in daaqadi u furan tahay uun kolba siidhiga afuufayay oo odhanayay waar kaalaya anaa idin heshiisiinayee , markasay kolba kooxa ka war la' ina Geele xagiisa isku qaadayeen, iyaga oo aan ka fiirsan cidda shirka imaynaysa iyo cidda la heshiisiinayo. Taas oo mar walba ina Geele eegayay dantiisa iyo xidhhidhka dambe ee uu la yeelanayo kooxda qabata xukunka, taas wax walba kala waynayd, hase yeeshee aanay ogayn reer Somalia siyaasadiisa iyo xidhiidhkii uu la lahaa Siyaad Barre, hase yeeshee ugu muuqday nin wadaniya oo Somalda jecel, dadka diidana ay la yaabayeen.

Cumar Geele waxa uu ka takooray shirarkii uu u qabatay Somalida cid wal oo ka soo horjeeday Siyaad Barre, kuwaas ugu muuqday in aanay dantiisu ku jirin.Sababta ay u jaanqaadi waayeen dawladihii uu soo dhisanayna arintaas ayay ahayd, taas oo ahaan lahayd dawada qudha ee Somalida isku keeni lahayd, haddii la isku keeni lahaa intii diidanayd taliskii Siyaad. Ina Geele farxad bay u ahayd markii uu arkay ragii riday saaxiibkii,Siyaad Barre, oo dagaalo sokeeye dib iskula jeestay, reer Somalia se maka warqabeen?

mahamud samatar | samatarapt@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE MAXAMUD SAMATAR

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD