| Been Abuurka Boorama ee Qoraalkii 
 Diridhaba (Wariyahay meel fog 
 jooga ee meel for war u doontay ee waxaan la hubin weel ka buuxsaday) 
  ABDIRASHIID DAHIR AYE PAKISTAN , KARACHI
 aye93@hotmail.com
 
 Magalada Borama ayaa waxaa laga soo sheegay
 warar been abuur ah 
 oo sal iyo raad toona lahayan ,markii laga soo sheegay in magalada aroosyadii 
 loo badalay galinka hore amaba lagu qabto meel aan ahayan magalada Borama sida 
 Hargaysa iyo Gabilay iyada oo loo aanaynayo dhalinyaro aroosyada habeenkii la 
 qabto dhagaxaysa ama boobta.
 Wararkaasi oo aan soo xaqiijiyay mar aan 
 la xidhiidhay duqa magalada Borama c/raxman sh. cumar iyo xubno ka tirsana 
 golaha deeganka gobolka Awdal wax ay ii cadeeyeen in warakaasi ayasan waxaba ka 
 jirin ee ay tahay dacayada lagu dacayadynayo dhalinta reer borama , wax ay ii 
 sheegeen in magalada aanay ka jirin wax amaan xuma ah oo ay ku kacaan dhalanta 
 reer Borama ee wakhtigan la taaganyahay ay ku mashquulan yihiiin waxbarashada 
 iyo siday heer u gadhi lahayeeeen , waxaa kuu cadaynaya imtaxanadkii lagu 
 qabtay jamhuuriyada somaliland ee sananka ka dhacay ee dugsiyada sare /dhex ay 
 ka soo hooyeen guul iyaga oo ka  galay kaalinta koowaad aradayda reer 
 Boorama taasi waxaa kuu dheer dhalintii ka qalin jabisay jamacada camuud ee 
 jamahuuriyada somaliland ugu horeey heerka ay ka gaadheen taasoo gudoomiyuhu 
 hanbalyo uu soo jeediayay dhalinyarada ku dhaqan gobolka awdal sida ay u 
 dadaalayaan. Waxaan 
 nasiib daro ah in dhalinta sidaa u dadaalaysa warar been abuur ah laga soo 
 sheego ,taaso uu soo galayay wariyaha u fadhiya wargayska haatuf gobalaka 
 awadal isaga oo mar horena gobalka war been abuur ah ka sheegay oo aan saliyo 
 raatoona lahay. Gudoomiyaha 
 gobalka awdal iyo golaha deeganka borama kulankoodii igu danbeeyaay ee ay kaga 
 hadlaan dhalinta reer awdal ayaa waxa ku soo sheegeen in ninka lagu arko wax 
 ashanxuma ah ama wax amaan daro samaynaya lala beegsan doono xabsiga ayada oo 
 aysan ka jirin wax amaan daro ah magalada borama xiligana la taganyahay oo 
 dhalintu ku mashquulantahay qalin iyo buuga halka dhalinta gobalada kale ku 
 mashquulan yihii majinta jaada ka ah , waxaan ku soo koobayaa , in wariyha 
 haatuf u fadhiya borama in aad soo qortid warar la hubo oo aadan waxaan la 
 hubin u haama buuxsanin ........  Mida kale waxaan uga digayaa 
 
 wariyahan 
 meesha dheer jooga ee meel fog war aan la hubin weel ka buuxsanaya wax hubso ha 
 u haamo buuxsane war aan la hunin....
 
 HEESE WANAAG GEELA ,MA WAXBAAD KU LEEDAHAYE
 
 WAXAA SOO DIYAARIYAYA :ABDIRASHIID DAHIR AYE
 PAKISTAN , KARACHI
 aye93@hotmail.com
 
 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003   Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku 
saxiixan    .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com     
 
 |