| MAGAALADA BOORAMA OO LOO BEDELAY 
 XAFLADAHA AROOSYADA MAALINTII GELINKA HORE  MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
 KARACHI, PAKISTAN. diridhaba2001@hotmail.com   Magaalada Boorama ayaa xafladaha arrosyada iyo 
 kuwa kale ee gaarka loo beddelay in la qabto gelinka hore ee maalinnimada 
 kaddib markii ay soo bateen ama ay xoogeysteen shiidka lagu hayo xafladahaasi.
 
 Tobannaan baabuur ah ayaa gelinka hore la isasoo dabageliyaa si waalidiinta 
 isweydiisanaya gabdhuhu ay u helaan fursad ay kaga badbaadaan shiidka 
 dhallinyarada wiilasha oo waayadan dambe kala dareeriyey ama rabshado ka riday 
 xaflado aroos ama kuwa gaar ah oo ay ka mid yihiin dhalashooyinka,dabaaldegyada 
 iyo casumadahaba.
 
 Shiidkaasi waxa uu sababay in xitaa huteelada iyo guryaha aadka loo ilaalinayo 
 ee lagu qabanayo xafladahaasi uu ka badbaadi waayaan,gaar ahaanna wakhtiyada la 
 keeno guntimaha iyo jaadka loo bixinayo farxadaha meherka wiilasha iyo gabdhaha. 
 Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ayaa Boorama waxa ka socday in subaxdii la 
 isweydiisto gabdhaha ama la qabsado xafladaha gaarka ah ee ay! leeyihiin 
 dadweynuhu. Waxaana dhacday in xaflado aroos oo la qabtay dhawaanta shiidkaasi 
 kala dareeriyey xafladahaana loosoo raray magaalooyinka kale sida gebilay iyo 
 Hargeysa.
 
 Dhallinyaradan shiidka geysanaysa oo aan lahayn ujeeddo gaar ah ayaa qaarkood 
 ay yihiin kuwa kasoo jeeda qoysaska ugu dhaqaalaha badan leh, ama iska leh 
 meherado.lamana garanayo sababta ku kallifaysa shiidkaasi oo dhagax ay u 
 adeegsanayaan.
 SOO DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
  Ka soo xigtay:- HAATUFNEWS , HARGEISA, 
 SOMALILAND.   E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
 gaar u tahay qoraaga
 ku saxiixan DUX
 LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
 iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji
 June 7
  QORAALADII HORE EE DIRIDHABA -dhammaad- Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2003  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com ...  
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri 
   
 
 |