SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DIGNIIN
Digniin: Virus halis ah oo aad ugu dhexfaafaya Kunbuyuutarada.

Ismail Said Aw-Musse
ismail.awmusse@jeegaan.com
Helsinki - Finland

Updated: Aug 21, 2003

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Helsinki 20.09.03 Viruskan cusub oo lagu magacaabo Sobig.F ayaa maantey si lixaadleh ugu dhexfaafaya kunbuyuutarada caalamka khaasatan wadamada loo yaqaan Nordic (Sweden, Denmark, Norway Iceland iyo Finland) Viruskan (Sobig.F) markii u horaysey waxaa la arkey 19.08.2003 isaga oo radarka shirkada F-secure ka galay lanbarka kowaad.

Sobig.F waxa uu ka dhexdirayaa kunbuyuutarkaaga emailo aad u faro badan isaga oo raacinaya lifaaq xanbaarsan viruska.

Culayska emailka xanbaarsan viruskan ay dhan 70KB waxana uu wataa Server u shaqeynaaya sida SMTP oo ah server loo isticmaalo in la diri karo email waxaana loo soo gaabiyaa (Simple Mail Transfer Protocol ) kadib waxa uu si toos ah ugu xirmanayaa oo codsanayaa Network Time Protocol.

Viruskan ayaa sidoo kale iskiis isu update gareynaaya isaga oo wata hab shuroodo ah taas oo u sahlaysaa in uu aad u faafo, waxana uu ku programgaraysan yahay ilaa iyo 10.09.2003 in uu sii faafo.

Viruskan (Sobig.F) iskiis ayuu isu rakibaya marka uu soo dhexgalo kunbuyuutarkaaga isaga oo ka kacaaya fileka ah
%windir%\winppr32.exe

kadib waxa uu dhexgelayaa registeriga kunbuyuutarkaaga ka eega maabkan

[HKEY_CURRENT_USER\ SOFTWARE\Microsoft\Windows\ CurrentVersion\Run]  "TrayX" = %windir%\winppr32.exe /sinc
Arintaasi waxa ay sahlaysaa in markasta oo aad shido kunbuyuutarkaaga uu la soo kaco filekii waxyeelaysaan ama xanbaarsanaa viruska.

Inta badan cinwaanka dirayaa waa mid caadi ah ah oo xanbaarsan magaca internetka sida  admin@internet.com  ama kunbuyuutarkasta oo uu waxyeelo gaarsiiyey

Viruskan ayaa xanbaarsan cinwaano kala gedisan sida:

Re: Thank you!
Thank you!
Your details
Re: Details
Re: Re: My details
Re: Approved
Re: Your application
Re: Wicked screensaver
Re: That movie

Qoraalka ku dhexqoran emailka sida viruska ayaa ah sidan:

See the attached file for details
Please see the attached file for details.

Laakiin fileka xanbaarsan viruska laf ahaantiisa ee lifaaqa la socda ayaa qudhiisu wataa magacyo kala gedisan sida:

your_document.pif
document_all.pif
thank_you.pif
your_details.pif
details.pif
document_9446.pif
application.pif
wicked_scr.scr
movie0045.pif

Sidee uga hortagaysaa Viruskan:

1- Ka dhexbaar kunbuyuutarkaaga filekan winppr32.exe , meelaha aad ka baarayso ha u horeyso Regsiteriga sida aad ku arki karto registeryga waa adoo taabta Start kadibna Run kadib ku dhexqor regedit waxaa kuu soo baxaya registeryga (Digniin: haddii aadan aqoon u lahayn ha isuku taaban registeryga maxaa yeelay waa meel dhaawac aad gaarsiin kartid kunbuyuutarkuna fariisan karo).


2-
Hadii uu galay computerka viruska loo yaqaan Sobig.F waxaad soo gashataa aalada ama (Tools-ka) loogu tala galay saaridiisa:

ftp://ftp.f-secure.com/anti-virus/tools/f-sobig.zip 
ftp://ftp.f-secure.com/anti-virus/tools/f-sobig.txt 
ftp://ftp.f-secure.com/anti-virus/tools/f-sobig.exe 

Kadibna ku Run gareey kunbuyuutarkaaga adiga oo raacaya habka ku sharaxan fileka qoraalka la socda si sahal ah ayey kaaga baxayaa.

3- Soo gasho Antivirus isla markaasna update gareey marka uu u baahdo.

Ha u ogolaan filesha lifaaqa wata in lifaaqu ama attechmentigu furmo adiga oo aan ogolaan waxaadna mari habkan. haddii aad isticmaalayso Outlook Exprees taabo Tools kadibna Option waxaa kuu soo baxaya sawirkan.

Sida kuu muuqata waxaad taaban SECURITY  kadib waxaa kuu soo bixi sawirkan:

Kadib waxaad dooran meesha casaanka ku calamaadsan tahay ee ay ku qoran tahay "Do not allow attechments to be saved or opened.."
Waa meel muhim ah waxaadse ogaataa filekasta oo lifaaq wataa makuu furmanaayo ilaa aad mar labaad bedesho optionkan.

4. Hadii uu ku aafeeyay Viruskan fadlan bedel date ama taariikhda computerkaaga oo dooro taariikh ka danbeysa 10.09.2003 taas oo sahlaysa inaan worm ku amavirusku aanu kicin kadibna ku dadaal intaa kadib in aad saarto.


Cinwaano muhim ah oo aad ka helayso macluumaad dheeraad ah:
http://www.symantec.com/
http://www.f-secure.com/
http://us.mcafee.com/root/package.asp?pkgid=100


Ismail Said Aw-Musse
ismail.awmusse@jeegaan.com
Helsinki - Finland

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2003 | Updated: Aug 21, 2003

DIGNIIN VIRUS CUSUB: Computerka oo Xogta Laga Xadayo


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]