SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Midowga Yurub oo Dib u habayn ku samaynaya wado isku xirta Ethiopia iyo Somaliland

"dhismaha dariishada Berbera waxa uu qayb ka yahay qorshaha lagu khafiifinayo (yaraynayo) saxmada dekedda Jabuuti" Jean-Pierre Pierard, Kuxigeenka waftiga EU ee Itoobiya.

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Ururka Midowga Yurub (EU) ayaa waxa uu wadaa daraasad uu ku samaynayo qorshe ay ku dhisayaan wadada isku xirta Berbera iyo Togwajaale, waa sida ay  werisey hay'adda wararka ee AFP, kuna soo baxday shabakada EU Business.

Wadadaas oo dherer keedu yahay 887 Km (550 miles) in qorsheheeda la wado waxaa shaaca ka qaaday sarkaal ka tirsan EU oo lagu magcaabo Pascal Joanne. Sarkaalkaas oo warbaahinta u sheegay in shirkad Faransiis ah oo lagu magcaabo Louis Berger oo daraasada bilowdey sagaal bilood ka hor ay warbixin wadadaas ku saabsan EU-da usoo gudbin doonaan laba bilood gudohood, taas oo ah tan ay Ururuka Midowga Yurub ku salayn doonaan go'aanka ay lacagta wadadaas lagu dhisayo ku fasixi doonaan.

Shirkada Berger waxa ay hadda wada tashi la leedahay Itoobiya iyo Somaliland si ay isugu keeni lahaayeen aragtiyohooda iyo mustaqbalka ay wadadaasi u yeelan karto wax dhoofinta iyo wax soo dejinta Itoobiya, waa sida warku u dhigaye.

Kuxigeenka waftiga EU ee Itoobiya oo lagu magcaabo Jean-Pierre Pierard waxa uu yiri barnaamijka dhismaha dariishada Berbera waxa uu qayb ka yahay qorshaha lagu khafiifinayo (yaraynayo) saxmada dekedda Jabuuti.

EU waxa ay toddobaadkii hore Itoobiya u dirtay 15,000 tonnes oo mucaawino cunto ah oo ay usii marisay dekedda Berbera, taas oo sida warku sheegay loogu talo galay Itoobiyaanka gaajaysan, waxaana toddobaadka soo socda Itoobiya isla wadadaas loo marin doonaa raashin gaaraya  100,000 tonnes waa sida shaaca laga qaaday maalintii Jimcada. EEG LINKIGA EU to Rehabilitate a Road Linking Somalia and Ethiopia

Muhammad Affey oo Sheegay in Soomaaliya Dhowaan Loo Dhisayo Dawlad

Sida ay maanta werisey hay'adda wararka ee shiinaha, ergeyga gaarka ah ee Kenya u qaabisan Soomaaliya, Muhammad Affey, ayaa sheegay in Soomaaliya loo dhisi doono dawlad dhowaan. Waxa uu sheegay in ay xaliyeen badanaa caqabadihii shirka ka hor yimid. Waxana uu intaas ku daray in dooda dastuurku ay dhamaaneyso sabtida iyo Axada. Waxa kale oo uu sheegay in ay DKMG ka sugayaan jawaab rasmi ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in dhammaan qabqablayaasha dagaalka ee shirka ka maqan ay kusoo laabtaan, waa sida warku u dhigaye.. EEG LINKIGA HOOSE:
[
New Somali Government to be Formed Soon: Envoy

ISHA:  eubusiness.com | Peoplesdaly.com | Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003 

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD