Waxaan qeybtii hore ee maqaalkan kaga soo faaloonay qaybo ka 
 mid ah aragtida kala gedisan ee ay qabaan dadka u ololeeya in Sweden qaadato 
 lacagta euro-da iyo kuwa diidan. Waxaan ka soo hadalnay qodobka ugu weyn ee 
 dadka diidan lacagta euroda ay cuskadaan, kaasoo ah kaalinta bangiga dhexe ee 
 Sweden uu yeelan doono. Waxaan horey u soo sheegnay in qolooyinkan euroda 
 raacsani ay ku doodeen inuu jiro hab kale oo bedeli kara kaalinta bangiga dhexe 
 ee dhumeysa. Haddaba arintaas ayaan kaga hadli doonaa qormadeenaan soo socota.
 
 Kaalinta dowlada iyo barlamaanka 
 
 Kolkii laga hadlayo maamulka lacagaha ( monetary policy), 
 waxa ay u gaartahay sidaan horey u xusnayba Bangiga dhexe. Dowladuna xaq uma 
 laha iney faragelin ku sameyso, maxaa yeelay bangiga dhexe wuu ka madax banaan 
 yahay siyaasada wadanka. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in aaney saameyn ku 
 yeelan shaqada bangiga hadba xisbigii wadanka qabsada. Balse dowladu waxay 
 isticmaashaa qaab kale, kaasoo u suurto geliya inay marna xakameyn karto marna 
 dar-dar gelin karto dhaqaalaha. Nidaamkaas waxaa la yiraahdaa ( fiscal policy) 
 ama nidaamka cashuuraha iyo maalgelinta. Habkani wuxuu u shaqeeyaa sida soo 
 socota:
 Haddii ay dowladu aragto in dhaqaalihii wadanka uu hoos u sii 
 dhacayo, waxaa ay qaadaa talaabooyin ay ku kobcineyso dhaqaaalaha. Badanaaba 
 labada fursadood ee u furani waxaa weeye in cashuurta la yareeyo ( tax 
 reduction) ama dowladu ay khrashka ay isticmaaleyso kordhiso ( increase of 
 government spending). 
 Tan dhimista cashuuraha waxaa ay dowladu uga gol leedahay in 
 dadka sgaqaalaha caadiga ah iyo shirkaduhuba ay lacag badani u soo harto kolkii 
 ay cashuurta bixiyaan. lacagtaas dadweynaha caadiga ahi waxaa ay ku 
 isticmaalayaan nolol maalmeedkooda, shirkaduhuna waxaa ay u isticmaalayaan maal 
 gelin, taas oo mar kale dhaqaalihii hoos u dhacsanaa dardar gelin karta. Sidaas 
 si la mid ah haddii dhaqaaluhu aad u soconayo oo laga baqo in sicir barar dhaco, 
 waxaa ay dowladu ku dadaashaa in dhaqalaha la xakameeyo si aan arintaasi u 
 dhicin. Maxaa yeelay sicirbararku khatar weyn ayuu dhaqaalaha ku yahay.waxaana 
 ay dhaqaala yahanadu yiraahdaan sicirbararku waa kansarka dhaqaalaha. Haddaba 
 kolkii xaaladu sidan dame tahay waxaa ay dowladu kordhisaa cashuurihii, waxaana 
 ay yareysaa maalgelintii iyo kharashkii kale ee dowlada. Taasoo keenta in 
 xowligii dhaqaalaha uu hoos u dhaco. 
 Kolkii laga hadlayo dowlada oo kharashkeeda kordhisa waxaa 
 looga jeedaa iyadoo ay dowladu bilowdo maal gelino kala duwan sida in iskoolo, 
 cisbitaalo iyo waxii la halmaala la dhiso. Howlaha noocaas ah waxaa shaqo ka 
 helaya dad badan oo cashuur iyo kharashka kale ee bulshada bixin doona. 
 Arintaas oo iyana kobcineysa dhaqaalaha.
 Kolkii la leeyahay dowladu kharashkeeda ayey yareyneysaana 
 waxaa loola jeedaa iyadoo dowladu aaney sameyn wax maalgelin weyn ah oo 
 dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha saameyn ku yeelan kara.
 Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudan in aan wax ka sheegno , in 
 nidaamkani uu aad uga dhib badan yahay, saameyntiisuna ka gaabiso, midkii hore 
 ee ahaa nidaamka lacagaha ( monetary policy). In uu qaabkani dhib badnaado 
 waxaa keenay iyadoo laga yaabo in dowladu ka kooban tahay dhowr xisbi oo kala 
 aragti duwan, ama in aaney dowladu haynin lacag intaas le eg oo dhaqaalaha 
 dardar gelin karta. In kastoo qolooyinka u ololeynaaya in lacagta euro-da la 
 qaato ay ku adkeysanayaan in habkani si toos ah u bedeli karo kaalintii bangiga 
 dhexe, haddana waxaa cad in aanu habkani u dhib yareyn sida ay u sheegayaan. 
 Waxyalaha kale ee lagu muransanyahay iyo gabagabada maqaalkanba waxaan kaga 
 hadli doonaa qeybteena 3 aad. haddii alaha awooda lihi raali ka noqdo.
 
 Qaybtii 1aad... GUJI halkan..
 MAHADSANIDIN