SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL
Madhibaan iyo Ajji

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahad leh, caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Horta qofkii la dulmiyey in uu kor u dhawaaqo oo af labadii furto si uu u sheegto dulmiga lagu hayo waa arrin loogu garaabi karo, Ilaahayna waa u khaffiifiyey arrintaas sida ku cad Suurat An-Nisaa. Waxaan kaloo ku faraxsanahay shirkii lagu qabtay Mineapolis ee ahaa quursigu qiil ma leeyahay iyo maqaalo badan oo walaalkeen kusoo qoray Somalitalk, waa C/Raxmaan Kaneece. Arrintu aamus way dhaaftay. C/Raxmaan markuu ka hadlayey xalka arrintaas indhahuu farta ka gashay oo wuu helay xalkii laakiin markuu ka hadlayo asalnimada iyo cidda saxda ah waxaad mooddaa in uu isna wadaantiisa tuuranayo.

Si kastaba ha ahaattee waan naqaan micnaha Madhibaan oo waa magac fiicane muxuu yahay Ajji? Kollay anigu ma aqaan Soomaali ahaan. Marka hadduu Soomaali yahay waxaan noo sheegi doonaa dadka Afsoomaaliga aad u yaqaan. Waxaan xasuustaa kalmad Carabi ah oo ficilkeedu yahay “Ajja, ta’ujju. Markii dabka laga wado masdarkeedu waa “ ajjiijan”. Haddii orod laga wado masdarku waa “ajjan”. Haddii hamzada la dheereeyo oo la yiraahdo “aajja” oo biyaha la raaciyo waxay noqonaysaa biyahu waa dhanaanaadeen (milix bay dhadhamayaan). “Ujjah” waxaa la yiraahdaa kulaylka daran. Haddii la dhaho “ujjah” baa la maqlay waa marka dagaalka la is-dhexgalo oo birta la isa-saaro.

Haddii Ajjigu halkaas laga keenay waa wax dhibta loo tiiriyo. Waxaan xasuustaa iyadoo Madhibaanka holac lagu caayo. Holacu ma kii dabkaa mise waa mid kale?

Sidii C/Raxmaan Kaneec xussay markaan raac-raacay waxa dadkaas lagu yasso ma helin wax sabab ah oo dadkaas loogu dowgalay bal dacaayaddaa qaarkeed waxay tusinaysaa caqligooda iyo sida ay wax-garad u ahaayeen. Tusaale markii la yiri awoowgood baa bakhti cunay waxaan ognahay qofku hadduu gaajo u dhimanayo waa inuu nafta bakhtiga ku ceshaa waana ruqso Ilaah na siiyey. Imaamu Axmed baan filayaa inuu aaminsanyahay in qofkii inta bakhti u yimaada cuniwaaya oo naftu gaajo uga dhacdo inuu yahay ehlu-naar. Markii la yiri Ajjiga aabbahood bakhtigii buu iska matajiyey. Yaa yiri hala is-matajiyo? Waa sheeko fiqiga ay culumadu ku murmaan laakiin qofkii caqli leh wuxuu ogyahay in isla markiiba bakhtiga la cunay uu jirka galayo. Marka haddii Ajjiga ama fuqahada qaba in la ismatajiyo waxaan waydiinaynaa wixii la dheef-shiiday oo dhiiga galay muxuu yahay xukunkeedu?

Tan labaad waxaa la sheegaa in qolyo kale nasab-dhimad laga dhigay markay dileen ugaas. Waxaan naqaan ugaasyo badan oo la dilay ee marka maa qofkii ugaas dilaba nasab-dhimad la dhigo? Dhowaanahan waxaa jira ugaasyo la dilay.

Teeda kale waxaa la xussay in Ajji oo bakhti iyo xaaraan cunid meel kastaba la taagan ayna waxba u dhimin. Waxay i xasuusinaysaa mar uu nin naxwaha Carabiga ku dheereeya uu nin kale su’aalay halka uu ku dambeeyey dameerkii hebel “Maa facala fulaanu biximaarihi”? Ninkii dhalinta yaraa wuxuu is yiri ninkaas naxwaha yaqaan hadalka ku raac makaasuu yiri “baacihi” isagoo ka wada wuu gaday. Ninkii Naxwaha yaqaanay wuxuu yiri war dheh “baacahu”. Ninkii dhalinta yaraa wuxuu yiri maxaa adna ba’daada ka dhigay mid wax hoos dhigta ana tayda mid wax godda?! Hadda waan la yaabbannahay waxa dadka qaarkiis ay bakhti cunidda iyo ugaas dilku nasab-dhimad ugu noqdeen, dadka qaarkiiska ayna wax udhimin. Ma sida ninkaas dhalinta yar baan iskaga raacnay wax dad hore iska yiri oo ay dhici karto inay ka lahaayeen dan khaas ah.

Xagga xirfadda

Qur’aanka waxaa Ilaah ugu manno sheegtaa sidii uu Nabi Daa’uud u baray duruucda dagaalka samayntooda. Waa arrin la xiriirta birta iyo tumiddeeda. Ma sidii wiilkiisii Nabi Sulaymaan (CS) ayaa Jinnigu u qaban jiray howshaas? Sida muuqata waa in uu isaga gacantiisa ku qaban jiray maxaa yeelay waxaa tusaale loo soo qaataa marka qofku cuno wuxuu gacantiisa ku shaqaystay sida dadka beeraha fala. Waa shaqooyinka haddaan la dhexgelin wax xaaraan ah ugu xalaal-miirsan maxaa yeelay qofku wuxuu cunaa dhididkiisa. Waxaa kaloo muslimiinta loo banneeyey waxa gaalada laga furto oo ah qaniimada oo iyada lafteedu gacanta la xiriirta. Waxaa jira dheeraad uu Ilaah Nabiga (SCW) siiyey waa waxa gaalada laga furto iyadoon dagaal dhicin.

Diinta iyo Dhaqanka

“Labo dhaqan kala dheer”. Ma arag meel Diinta Islaamku ku yassayso xirfaddaas qiimaha leh. Laakiin Carabtii markaas joogtay iyo Soomaalidaba qofka xirfaddaas leh xagga xasabka wuu ka hooseeya xirfadaha kale sida ganacsiga. Xattaa culumada fiqiga taqaan qaarkood saasay qabaan waxayna u soo qaataan markay kufka guurka ka hadlayaan. Xaggey ka keeneen? Annigu waxaan ku raacsanahay culimada qabta in kufku uu yahay diinta. Marka Nabigu (SCW) xussay waxa haweenta lagu guursado wuxuu tiriyey waxa dabciga Binu-Aadamku jecelyahay laakiin wuxuu ku taliyey in diinta la tixgeliyo. Akhri Suurat Aala- Cimraan marka Allaah kaga hadlayo waxa dadka (raggu) jecelyihiin wuxuu ku bilaabay haweenka, ilmaha, lacagaha dahabka iyo qalinka ilaa dhamaadka aayadda. Xasabka iyo laandheeranimadu waxay ka yimaadaan wiilal batay oo la baray inay geesanimo, deeqsinimo, dagaal-yahanimo iyo waxgaradnimo la yimaadaan. Sidoo kale Xaddiiskii ahaa hadduu idiin yimaado nin aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali ka tihiin uguuriya haddii kale waxaa dhacaysa fidno iyo dhibaato wayn. Xaddiiskaas raawi ku jira ayaa wax laga sheegaa laakiin waxaad mooddaa in xaddiiskaas uu xujo galo sida loo isticmaalo darteed.

Kollay aniga xagayga waxaan is dhahaa sababta keentay in Carabtu xirfaddaas dhibsato waxaa ka mid ah:

1. Dad danyar ah oo u badnaa addoon, kuwo aan udhalan degaankaas ama aan Carab ahayn oo u badnaa shaqadaas.

2. Iyo iyadoo dadka xirfadaas lahaa ayna badanaa lacag badan helin oo ayna maal-qabeeno noqon.

Dib udhaca ku yimid muslimiinta xaggee ka yimid?

Culimada qaarkeed waxay ka biyo-diideen in ay dhahaan xirfaddu qofka wax bay udhimaysaa waxaa la arkay markii muslimiintii ka tageen farsamada gacanta maxaa yeelay waxay ka baqeen hadday gacanta la galaan in ay ilmahooda la takooro ilayn dhaqanka Carabtaa saas ahaa. Islaamku nina kuma khasbo wuxuu baranayo iyo waxa uu guursanayo midna laakiin wuxuu bixiyaa waxa kheyrka ku jiro sida guurka oo uu sheego in diinta xoogga la saaro. Kaddib markii Carabtii kheyrka badnayn ay mihnaddaa ka baqeen waxay sancadii u wareegtay reer Galbeedka. Galbeedku waxay ka faa’iideen cilmigii uu Islaamku keenay, kii ay muslimiintu ka soo turjumeen Giriiga, Shiinaha, Hindiya iyo meelo kale.

Waxaan maqalnaa kacaankii sancada. Muxuu yahay? Haddaad rabto dheh tiknoolajiyad (technology). Diyaaradahan, maraakiibtan, gantaaladan, rasaasta, computer-adda, nukliyeerka ay Maraykanka iyo Yuhuudu haystaan ma geel baa dhalay mise hooso iyo bir baa laga keenay? Waligood Yuhuudu middaas Carabta waa kaga horreeyeen. Yuhuudda oo Carabta u haysata dad aan xaddaarad lahayn marna bir-tumid kama tagin. Waxaa dhici karta in ay ogaayeen qiimaheeda iyo iyagoo ogaa arrintii Nabi Daa’uud. Qur’aanka kamaynaan faa’iidaysan sidii la rabay in looga faa’iidaysto oo waan ka gaabinay kaddib markii uu qisadii Nabi Daa’uud la xiriiriyey dagaalka iyo duruucda. Yuhuuddu waxay bir-falkinta ka barteen Nabi Daa’uud (CS) waa kuwaas maanta falkinaya diyaaradaha la arkay iyo kaarayaasha (tanks).

Muslimiintu waxay dhegaha ka furaysteen amarradii Ilaahay markuu naffaray inaan diyaar-garoowno. Marka haddii fardo la xussay waxaa la rabaa waqti kasta iyo qalabkiis.

Dhaqanka Carabta qaarkiis lama fahmayo wuxuu ku salaysnaa. Waxaad arkaysaa in ay ilmahooda u naas-nuujin dalbi jireen dad aad u hooseeya xagga xasabka sida ay iyaga la ahayd markaas. Xattaa Suubbanihii (SCW) waxaa naas-nuujiyey haweeneey masaakiin ah. Waxaa kale oo Nabigu (CSW) dhigay tusaale fiican markuu wiilkiisii Ibraahim (CS) u geeyey inay nuujiso haweenay uu qabay tumaal. Yaa garanaya qof ka xasab iyo nasab fiican Ibraahim Binu Kheyru khalqi-Allaah? Ibraahim iyo ninkaas bir-tumaha ahaa waxaa dhexmaray xuquuq aad u qiimo badan oo aan ka dhicin tan dhalashada meelo badan. Afkii Ibraahim ee shariifka ahaa wuxuu dhigay naaskii haweenaydaas nasiibka leh ee hoos-joogtay ninkaas birta tuma.

Haddii kuf aan diinta ahayn jiro muxuu Nabi Muxamed (SCW) uu ina eeddadiis, Zeynab uu ugu guuriyey Zayd? Sideese Nabigii Ilaahay uguursaday haweenay uu nin xasabkiisu saas yahay horay u guursaday? Muxuu Usaama Binu Zayd ugu guuriyey Faadumo Binti Qays oo Quraysh ahayd? Meeyey kufka aan diinta ahayn?

Miyeydaan u jeedin sheekada Soomaalida ee ah weelkiisa wax kuma cunayo ama midgaan gurigiis ma gelayo inay tahay dhaqan qaab daran oo aanan garanayn meel ay ka keeneen. Haddaad ka fiicantihiin Nabi Muxamed (SCW) iyo Ibraamih (CS) hala mucaamiloonina Tumaalada! Ibraahim (CS) iyo ilmaha uu dhalay ninkaas birta tuma waxay noqdeen walaalo.

Soomaalidu waa ka sii dareen oo waxaad maqalaysaa iyadoo la isku caayayo gorayo ayuu cunaa! Nabigu wuxuu usheegay in ay asxaabtiisu ay falaar/gamuun ganida bartaan isagoo leh gana/gama/tuura aabbihiin Ismaaciil baa gani jiraye. Maanta madhibaanka waxaa lagu caayaa shiish-wanaag. Marka waxaa iska keen dhexgalay samaantii iyo xumaantii.

Waxaa dhici karta in dad badani ku dagmeem markii ay maqleen Xaddiiskii ahaa markii Nabigu (SCW) ka hadlayey qofkii la fariista nin kiir afuufaya, waa meesha birta lagu tumo ee qiiqa iyo waxa la gubayo ka soo baxayaan iyo ninka la fariista mid cadar/miski gadaya. Xaddiiska lagama fahmayo in ninkii bir-tume ahi ceeb leeyahay ama inuu iska dhaafo shaqadaas oo cadarle noqdo. Bir-tumuhu shaqadiisa waa u baahanyahay sidoo kale bulshadu way u baahantahay shaqadiisa.

Dhakhaatiirta (pathologists) ee baara waxay udhinteen dadka dhinta markay samaynayaan “post-mortem” waxaad la yaabaysaa maydka ama bakhtiga ay gacanta kula jiraan. Qof aan howshaa shaqo ku lahayn looma baahna inuu xaadiro halkaas waxa qurun iyo ur yaal darteed. Dhakhaatiirtu laftoodu ma jecla waxa ay arkayaan laakiin waa shaqadoodii. Marka dhakhaatiirtu waxay ka midyihiin dadka xirfaddooda aad loo tixgeliyo xattaa Carabtu waa tixgelin jireen. Marka markii laga hadlayo urka iyo waxa ka socda mayka oo xumaanta lagu mithaalo micnaha maahan dhakhtarkii baa xun. Dulucdu xaddiisku waa in aadan tagin meel xumaan lagu hayo oo aadan dadka xun-xun la saaxiibin oo aad la saaxiibto dadka wanaagsan oo khaladka kaa saxaya oo aad ka faa’iidayso. Ninka kiirka afuufa wuxuu noqon karaa nin fiican ama xun sidoo kalana cadarlaha.

Makaanigu markuu baabuurka furfurayo ha u dhowaan oo darinta wasakhda badan ee uu baabuurta ku hoos galo hakula fariisan maxaa yeelay waxaa kaasoo gaaraya olyo-buraahso iyo garaaso. Marka makaanigu markuu shaqadiisa dhamaysto oo ka qubaysto isaga iyo olyo-buraasho ama garaaso shuqul iskuma laha. Ninkaas bir-tumahaana waa sidoo kale.

Talo ku socota qorayaasha u doodaya dadkaas dhiban

Looma baahna in aan isticmaalno maahmaahda ah Rabbi ka baqid iyo rag iska celin meel mawada galaan. Waxaan arkay walaalkeen oo tusaale u soo qaatay Carabtii hore iyo Nabi Ismaaciil (CS). Waa sidaad sheegtay oo tafiirtii Nabi Ismaaciil waa la Carabeeyey laakiin yaa ku yiri kala horaynta ayaa lagu kala sharaf badanyahay? Sidoo kale yaa ku yiri ciddii dhulka Soomaaliyeed hor degtay baa cid kale ka sharaf badan? Haddaan muslim-nahay Ilaah waa noo sheegay inaan Nabi Aadam iyo Xawaa ka nimid oo xagga nasabku waa isku mid. Nabigu (CSW) markuu ka hadlayey xagga xasabka wuxuu sheegay wax taqwo la xiriirto Ilayn Nabi Yuusuf (CS) buu ku sheegay ninkii ugu xasab fiicnaa, Nabiyada uu kasoo farcamey darteed. Sidoo kale wuxuu ku sheegay qofka dadka ugu taqwo badan baa ugu fiican. Marka ma jirto cid Nabiyada ka taqwo badan waana sidaas waxa Nabi Yuusuf (CS) sharaftaas ku helay.

Marka waxaad tiri Carabta kale ayaa ka soo horaysay kana laandheeraysan. Sheegnay in Ismaaciil sharaf la meel noqday. Waxaa la ogyahay in dadka qofka ugu fiicani yahay kan dadka anfaca. Xag diin iyo adduun labadaba. Haddaadan diin lahayn wax waad anfaci kartaa laakiin hadhow wax uma tarayso qofkaas. Miyaadan ogayn in Barakadii Ismaaciil iyo hooyadii Ilaahay Carabtaas ku anfacay markii uu halkaas ka soo burqaday Zamzamka? Hadday sababtiis baad iyo barwaaqo la helay oo Ilaahayna Nabi ka dhigay ma wax la yaab leh baa inuu isaga iyo tafiirtiisa toosani noqdaan hogaamiyayaal? Ilayn isagii anfaciisii baa ka batay kuwaas kalee. Marka in Ismaaciil Shariif noqdo diinta iyo caqligu waa keenayaan maxaa yeelay xag diin iyo adduunba waa anfacay dadkii halkaas joogay laakiin ilmihiisa ninkii aabbihiis raaca waa shariif laakiin ninkii gaalnimo iyo xumaan u bareera waa dad liita.

Sidoo kale Soomaalida kii Soomaaliya yimid iyo kii ka sii horeeyey waxay kukala fiicnaan karaan Islaam-nimada iyo waxay u qabtaan dadkooda iyo dalkooda. Waxaa kugu filnayd inaad tiraadho iyaga waxaa ka buuxa geel-jirayaal aan Ilaah iyo addoomihiisa tixgelin. Marar badan baan sheegay geelleey iyo geel-jirayaal isku mid ma ahan.

Talo ku socota dadka la yasso oo dulman

1. Sidii ay sheegeen qorayaashii arrintan ka hadlay qaarkood waa in aad niyad adag la timaaddaan. Maskaxdu waa cajaa’ib waa in uu qofku karti dheeraad ah la yimaado si looga baxo dhibtaan samir iyo dulqaad baana la rabaa. Marka madaxiina kor u qaada oo ha is oranina wax ma qaban kartaan.

2. Waa in diinta Ilaah loo noqdaa maxaa yeelay iyadaa qofka ka dhigta shariif. Miyeydaan u jeedin in dad ashraaf ah ama qaarkood sheegto ku qaraabtaan Xasan iyo Xuseen? Waayo? Waxay ogyihiin in Soomaalidu muslim tahay oo dhinacaas laga soo galo. Waxaa la rabay hadday ashraaf yihiin inaysan sadaqo qaadan.

3. Halka dadka qaar u doodaya dadka dhibban ay si dadban ama si toos ah Islaamka u weeraraan iyagoo Carabta usii maraya. Soow maynaan soo arag in haween la yasso ay nuujisay Nabi Muxamed (SCW) isna uu wiilkiisa u geeyey inay nuujiso haween la yasso sidoo kale. Waa kaas Islaamku oo dadka wuu isu soo dhaweeyaa.

4. Dadka la yasso markay niyad jabaan waxay u leexdaan dhinaca shaqooyinka xun-xun iyo balwadda. Waxaad arkaysaa in dumarkii u heesi jiray boqorradii muslimiinta ahaa u badnaayeen dadka addoonta ahaa. Addoon markaan leenahay yeysan madaxaaga kusoo dhicin dadka madoow oo kaliya. Marka heesaha ay joogto boqorradu waxay jeclaayeen dumarka quruxda leh ee ka soo jeeda Yurub. Marka dadka la yasso waa inay ka fogaadaan balwadaha noocaas ah. Runta aan usu sheegno, fannaaniinta Soomaaliyeed waxaa aad uga dhex muuqday dadka la yasso ama qabiil halagu yasso ama muuqaalkooda. Ajjiga waxaa fanka ku biiri jiray midka faraha la qaadka ah ee dadkiisu ka caalwaayaan laakiin waqtiyadii u dambeeyey fanku wuxuu noqday mihnad caadi ah. Marka waa inay ka haraan heesaha iyo beladaas kale.

5. Waa in ay waqtigaan ka faa’iidaystaan maxaa yeelay Ajjigu wuxuu sameeyey wax aan wali taariikhda lagu maqal marka sheeko xariirtoodii socon mayso marka waa in aad u halgantaan si cilmiyeysan sidii aad dadka ula mid noqon lahaydeen.

Talo ku socota qab-qablayaasha, Odayo-dhaqameedyada cinwaan kuu rabo ha watto iyo ergooyinka kale

. Ilaahay ha noo dhaafo waxa dadkeenii sameeyey laakiin waa in aan wax ka qabannaa dulmigaas jira oo aan Ilaahay dadkaas uga baqnaa.

. Waxaan samaynay ma jirto cid samaysay marka af-xumadii hore iyo sheeko-xariirtii hore in la joojiyo oo lagu bedelo sidii arrimahaas loo tir-tiri lahaa.

. “In qab-qablayaasha iyo oday-dhaqameedyadu ay guursadaan haween ka mid ah dadkaas la yasso”. Kii da’ ah ha guursado haween la yasso oo da’ ah ama mid agoon haysata. Sidoo kale kii dhalinyar ama xoog lihi ha guursado haween u dhiganta oo dadkaas ah.

. Waxaa dhici karta in arrintaasi idiin keento dambi dhaaf, dadkuna ku iloowo waxaad ka gasheen dadkiina iyo diintiina.

. Haddii taa la yeelo waxa la xalin karaa arrintaas habayn kaliya.

. Waxaa dhici karta in Ilaahay noogu naxariisto arrintaas oo aan barwaaqo iyo baraare ka qaadno.

Cududaar

Waxaan shakki ku jirin in dadka diinta yaqaan iyo dhalinyarada aqoonta lehi badankoodu ka soo horjeedaan dhibka haysta dadkaas la yasso. Waxaa jira dad badan oo raba inay guursadaan dadkaas la yasso iyagoo ku raacaya diin, qurux ama ka helid laakiin waxa bannaanka looga maray waa ehelkiis iyo qaraabadiis. Waxaan sahlanayn in qoffi uu hooyadiis, aabbihiis iyo ehelkiisa uga tago haweenay ama hadday haween tahay nin ay rabto inay guursato. Waxaa taas ka sii daran inaad waalidkaa iyo ehelkaa dambaajinayso ilayn waa ognahay dhaqanka Soomaaliyeed oo ka raali noqon maayaan haddaad ku gacan sayrtid. Marka waa nalooku garaabi karaa in aan ku bakhaylno waalidkeen iyo ehelkeen. Arrintaan ma ahan arrin ay wadaado ama dhalinyaro oo kaliya wax ka qaban karaan. Arrintaan waxay u baahantahay in wada jir wax looga qabto. Qaybtii culumada iyo dhalinyaradu waa diyaar laakiin waxaa maqan qaybtii hogaamiyayaasha siyaasada iyo dhaqanka. Hadday nimankaasi aqbalaan taladaas horay walaalo iiga horeeyey usoo jeediyeen oo ah inuu mid kasta oo ka mid ah guursado haweenkaas dayacan ee la yasso ilayn maanta haweenkii Soomaaliyeed oo dhan baa dhibbane oo nimankii qabay aakhiro loo diray waxaa dhacaysa in dadkaas la yasso ay dadkooda ka mid noqdaan waqti yar.

Dhibaatooyinka BBCda Af-Soomaaligu
ku hayso xoriyad doonka Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka Soomaaliyeed... Guji...
[Nuur Liibaan] Aug 21

Waxaa kaloo fiican in shirarkii la sii wado oo aan laga daalin sidii kii Maraykanka ka dhacay. Dadkeena wax yassana ka waantoobo arrintaas. Waa in aan laga daalin sidii loo tirtiri lahaa dhaqankaas qaabka daran ee aan la aqoon meel uu ku salaysanyahay.

Waxaa fiican sidoo kale in arrimahaan muhiimka ah la gaarsiiyo dadkaas ergada ah ee Kenya fadhiya sidoo kalana laga sheego BBC-da oo ay dadka badankiisu ku xiranyihiin.

Runtii waxaan ku faraxsanahay in dadka la yasso ee joogi jiray degaankaan ka imid ay dhaameen kuwo laga sheego qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Dadkii aan isku meesha degenayn dhibta ugu wayn ee haysatay waxay ahayd looma guurin jirin lagaman aguursan jirin. Iyada lafteeda ayaa ciqaab adduun ah laakiin waxay haysteen xorriyad kale oo taam ah. Waxaa adkayd mararka qaarkood inaad kala garato dadkaas la yasso iyo kuwa degaankaas. Waxay arrintaasi sababi jirtay inay guursadaan gabdho Ajji ah iyagoo gabdhahaasi u qabaan in nimankani yihiin Ajji ay la degen yihiin. Hadhow haddii dib laga ogaado waxa dadkaas la yasso loola gurman jiray sidii qof ciddaas ah oo qof kale dambi ka galay. Waligood lama oran jirin dhib baad noo soo jiiddeen laakiin waxaa lagu ammaani jiray talaabada ay qaadeen. Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay in dadkaas la yasso dartood dagaal ba’an loo gali jiray.

Runtii waxaan xasuustaa cilladii aan sheegay marka laga reebo in dadkaas la yasso ay ku faraxsanaayeen inay degaankaas joogaan. Waxaan ka fahmi jiray inay waxyaalo badan raali ku yihiin markaan wax ka samaysanayo waxaa dhici kartay haddaan u sheego ina- ayahayga inay lacagta igu diidaan jacaylka iyo kalgacalka ay usu hayaan bulshadaas darteed. Ogaada ma jirto bulsho aan laga helayn dad edeb daran oo dadka dhibban dhiba.

Marka waxaan kula talinlahaa bulshadaas aan sheegayo inay soo gabagabeeyaan dhibta lagu hayo dadkaas la yasso khaasatan xagga guurka oo haddii hogaamiye dhaqameedyada horbooda degaankaas ay wax ka qabtaan arrinta waxaa la gaarayaa horumar wax ku ool ah oo usoo hoyatey dadkaa la yasso.

Fiiro gaar ah: waxaan aragnaa in qoraalka saxda ah ee Ajji uusan ahayn Aji. Marka waxaa halkaa ka cad in xarafka J-du labalaabmi karto. Fiiri maqaal aan ka qoray arrintaas oo ahaa sharcigee ka yaal qoraalka Afsoomaaliga? Erayga Ajji wuu ku jiray erayada aan xussay. Waxaad ka heli kartaa Somalitalk iyo website-yada kale.

WABILAAHI TOWFIIQ.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]