SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -JAWAAB
Shaydaanku ma quusto waa Jawaabtii Shaydaanku ma qubaystaa?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahadleh, dadkana kala siiya maskax iyo maan ay ku gartaan meeshii ay midigta saari lahaayeen. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Qoraaga leh maqaalkaas aan u jawaabayo wuxuu ka midyahay kuwa ugu Afsoomaali aqoonsan xagga ereyada iyo qoraalka labadaba dadka aan qoraalladooda arkay. Waxaan rabaa inaan soo qaato dhibco muhiim ah oo aan kala soo baxay maqaalkiisa:

  • 1. Jees-jees diineed
  • 2. Miisaankiisa oo ah adduunyo iyo hodantinimo
  • 3. Dhibaatada Soomaaliya oo uu u tiiriyey gudniinka
  • 4. Xaasaska Soomaaliyeed oon helin guur raaxo leh
  • 5. Qodobbada dastuurka oo uu qaar qaadan la’yahay
  • 6. Itoobiya oo aan laga maarmayn
  • 7. Shaydaanka iyo Soomaalida oo aan qubayska ku fiicnayn
  • 8. Korinta iyo anshaxa ilmaha Soomaaliyeed oo la halleeyey.

1-“Duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dadaa hadale, diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene”. Wuxuu sheekada ku bilaabay haddii dhibta Soomaaliya la iswaydiiyo waxaa dhici karta in ay wadaado dhahaan waa diintii oo laga tagay. Arrintaas isagu waa kasoo horjeedaa. Waxaan ugu tagaynaa qodobka labaad haddii Ilaah idmo. Qofba wax buu ka baqaa bal aan aragno ninka uu taageero wuxuu ka yiri BBC-da markii la waydiiyey haddii madaxweyne loo doorto wuxuu samayn doono. Wuxuu yiri ciidamo shisheeye ayaan keenayaa ilayn dowlad ay wadaado ka xoog badanyihiin dowlad ma noqonaysee! “War diin nacaybka ma isu dardaarmeen?”

Nin Ilaahay ku ibtileeyey inuu tago Alle-bariga/sabta ayaa markii iriddii loo diiday wuxuu soo qaatay jaranjaro/sallaan ka dibna darbigii ku soo fuulay. Ninkii guriga lahaa baa yiri war miyaadan Ilaah ka baqayn maxaad xaaskayga iyo gabdhahayga ugu soo baxday adoo darbi soo fuulaya? Ninkii wuxuu yiri “Laqad calimta maa lanaa fii banaatika min xaqqin wa innaka lataclamu maa nuriid” wuxuu akhriyey aayaddii Qoomu Luud ku lahaayeen Nabi Luud (CS) gabdhahaaga dan kama lihin oo waa taqaan waxaan rabno. Isna sidii buu yiri oo wuxuu leeyahay anigu gabdhahaaga xijaabkooda iyo la’aantooda makala jecli waadna taqaan waxaan rabo (oo ah Alle-bariga/sabta). Ninkii inta qoslay buu yiri soo deg oo wax cun. Marka kornaylka kursi baa u geeyey inuu diinta saas u naco. Ninkaana isna diin nacayb baa ka keenaysa inuu nagula wareegto waxaan islahayn.

2-Horumarka iyo dhibaatada inaysan diin ku xirnayn wuxuu u daliishaday in waddamo badan oon muslim lahayn ama ku yaryihiin barwaaqo yihiin sida Japan sidoo kale haddii gaalnimo iyo fusqi dhib keeno, Jarmalka ayuu ku dhici lahaa. Dooddiisa wuxuu ku adkeeyey in ay waddamo muslim ah iyo kuwo gaalo ahi qani yihiin halka kuwo kale oo muslim iyo gaalaba lihi ay fuquro yihiin. Miisaankiisa wanaagu waa qofkii rooti haysta. Tusaalaha uu soo qaatay wuxuu micno samaynkaraa markii diimaha halkaas la iska dhigo mid muslim iyo mid kalaba.

3- Isagoo soo xiganaya Dr Sabriye Dirir wuxuu yiri dhibta Soomaaliya haysata waa gudniinka dumarka. Waxaan filayaa inuu ka wado kan Fircooniga ah. Horta gudniinka dumarku waa sunno. Kan Fircoonigaa inuu dhib leeyahay oo yahay wax aad u qaab daran waan wada ognahay. Dadka bilaabay in gudniinkaas ka dheereeyaan gabdhahooda waxaa ugu badan dadka diin leh oo isagu u yaqaan dad aan diinta fahmin. Hadduu ka hadli lahaa dhibta uu leeyahay cidna kama daboqaadateen laakiin wuxuu diiday in xagga diinta naloo ka yimid oo wuxuu qabaa in xalku uu yahay gudniinka oo wax laga qabto. Dib baan ka sheegayaa inuu yiri xilo Soomaaliyeed xaraarad ma leh.

Wuxuu xussay in dagaalka dhamaan la’ uu ka yimid gabdhahaas la ciqaabay. Waa tahay waxaan qoraaga iyo Dr Sabriye oo ku hadal qabsaday waydiinaynaa waxaan naqaan waddamo aan gabdhahooda la gudin oo Afrikaan nala ah oo sameeyey dagaal ka qaab daran kan Soomaalida waa Burundi iyo Ruwanda. Yaase gabhaha Liberia guday? Marka maxaa kugu watay inaad tiraahdo odayo dhaqameedyada haloo guuriyo Tanzanian iyo African kale? Miyeysan Afrikaankii saas isu dagaalin? Miyaadaan ogyan in dadka aad la hadlaysaa yihiin dad waxgarad ah oo bur iyo biyo ukala saari kara waxaad la soo shirtagtay.

4- Xaasaska Soomaaliyeed iyo guur raaxo leh oo kala abaaday. Muslimiin ahaan waan kuu qirnay in gudniinka Fircooniga ahi dhibaato balaaran leeyahay laakiin lammaanaha Soomaaliyeed dhib dheeraad ah oo haysata ma jirin. Mararka qaarkood dhib ay qabaan bulshada qaarkeed ayaa dadka kale anfaca. Runtii dhibaatada dumarka Soomaaliyeed haysata si bay noo anfacday oo ah kartida aad ku sheegtay in ay u qumaan kumaankun qoys oo aabbe la’aan ah. Waxaad arkaysaa haweenay Soomaaliyeed oo sagaal carruur ah wadata oo aan nin la socon in ay waddan qurbe ah u soo haajirto. Waliba waxaa intaas dheer in ay ilmo koris iyo tabcasho gasho oo dadkeedii Soomaaliya joogay anfacdo. Halka ay yartahay haweenay waddan kale ah oo dhibta saas ah ka bixi karta.

Ilaah mahadi ha ka gaarto. Waxaa fiicnaynd in uu Qoraagu tago iskuulada qurbaha iyo meelaha xawilaadda laga diro inta dumar ah ee u tafoxaydan ilmo koris iyo ehel kalkaalid. Marka Insha-Allaahu dumarkii meel naga soo saaree, waa in aabbayaasha iyo hooyooyinku gabdhahooda ka daayaan gudniinka Fircooniga ah oo waxaa jira mid sunno ah oon dhib lahayn.

5- Qodobbada dastuurka wuxuu ka saluugay kan dhahaya madaxweynuhu naag ajnabi ah ma guursan karo! Nin baa mar la waydiiyey waxa uu Qur’aanka ka yaqaan? Wuxuu yiri Qur’aankii oo dhan waa la i iloowsiiyey aayaddan maahee “Aatinaa qadaa’anaa” ee ku jirtay Suurat Al-Kahf oo uu Nabi Muuse (CS) khaadimkiisii ku lahaa noo keen qadadeenii safarkeenaan waxaan kala kulanay daal. Marka wuxuu si nuxur la’aan ah ugu dheeraaday gudniinka.

6- Itoobiya oo aan laga maarmi karin. Dadka Itoobiya neceb wuxuu ku sheegay dadka Carta taageera ama kuwii C/hi Yuusuf ku xasuuqay Bari iyagoo Itoobiya ka urunaya taageerada ay siiyo C/hi. C/hi ma Axmed Guray buu soo gaaray? Waxaa dhici karta inuu yiraahdo Axmed Guray Soomaali ma ahayn. Markuu Ina Gahayr lahaa:

  • WALLEE ama gufaacada ka qaday gu’ga la eegaayo
  • WALLEE ama Guhaaadoow waxaan geysto lala yaabye
  • Gacmahayga jeeraan sidii Guray ku ciil beelo
  • Ama aan gaal madow Harar ku dilo Giiba laga noole.

Ina Gahayr wuxuu u arkayey Amxaarada cadow iyo inuu iska jeclaa inuu mar dhib gaarsiiyo. Saarkii Carays ee maqaalkaygii hore arag.Ka hor 1977 markii la qaadi jiray:

  • Diqsi malagi galay baa fuud kulul dabaashay
  • Markuu dalaq yiraahdaa nolol ugu dambaysay
  • Waa naga dardaarane ayaa u diga Amxaarada.
  • Nin abeeso koriyoow adigaa u aayine
  • Axdi ma laha Xabashidu lagu aaminaaye.

Yaa markaas C/hi necbaa oo dartiis Amxaarada u nacay? Waxaad kaloo tiri sida Maraykan iyo reer Galbeed loogu baahanyahay ayaa Amxaarada loogu baahanyahay? Reer Galbeedka in caawimo laga helo ayaad xustay laakiin Itoobiya waxa looga baahanyahay maad xussin. Ma hub baa mise daaffi?

7- Shaydaanka qubayskiisa iyo qubays la’aantiisa waxaan u daynay fiiloosuufiyiinta. Waxaan idiin haynaa su’aal kale oo Soomaalidayada wareerisay oo ah sagaaradu biyaha ma cabtaa mise ma cabto? Maxaad Soomaalida dad aan qubaysan ugu sheegtay? Maqaalkii Saddaam-yadii Soomaaliya waxaan ku sheegay in Soomaalidu marti ay arrimahooda ka yihiin. Qoraagu wuxuu waayey kalsooni uu ku cabbiro qubayska Soomaalida markaasuu wuxuu noo soo qaatay war nin Masaari ah laga sheegay!

Horta dani waa seeto oo wixii aan lahayn qof laguma eedeeyo. Waxaan u badnayn reer miyi oo meelaha qaarkood biyuhu ku yaraayeen laakiin waxa caado ahayd mar kasta ooy biyo arkaan inay qubaysan jireen. Dadka Soomaalida ee magaalooyinka jooga waxay ka mid yihiin dadka ugu qubays iyo nadaafad fiican. Waxaa arrintaas lagu arkaa markii la yimid waddamo leh xilli dheer oo qaboow. Waxaa fiicnayd qoraagu inuu u tago dhakhaatiirta khaaska ah ee ay Soomaalida qurbaha joogtaa leeyihiin. Waxaa la ogsoonyahay inay yihiin dadka ugu nadaafad badan adduunka. Waa dhici kartaa in laga labis qurxoonyahay maxaa yeelay waa dad dan yar ah oo waxay helaan u dira waddankii. Xittaa kuwa jaadka cuna intooda badan qubayska way ku fiicanyihiin marka laga reebo dad yar oo wareersan.

Mararka qaarkood marka la dacaayadaynayo gabdhaha dibadaha jooga ee lagu xanto inay meelaha socsocdaan in ay yihiin kuwo ay dadka ajnabiga ahi ku sheegaan kuwo raqiis ah oo nadiif ah. Marka aqoonta aan u leeyahay dadka Soomaaliyeed darteed waxa ay ku fiicanyihiinba waxaa la arkaa qubayska. Ilmaha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxaa loo yaqaan lulumo oo waxay jecelyihiin in ay biyaha iskaga jiraan.

Waxaa iigu yaab badnayd markii uu sheegay in qab-qablayaasha kornayl C/hi ka soo horjeeda ayna qubayska ku fiicnayn! Wuxuu arrintaas ka soo xigtay ninkii Masriga ahaa. Masrigaasi wuxuu sheegay in dadkaasi wasakhlayaal yihiin kaddib markii dhowr jeer loo kuurgalay iyagoo Qaahira jooga. Masrigaas wuxuu Soomaaliya ku sheegay inaysan qubaysan markuu arki jiray kuleetiga shaarkooda oo sida surka awrta tawaad leh. Qofku hadduu dhidido iyadoo qoraxi jirto ma la orankaraa maanta maad soo qubaysan? Teeda kale waxaa buuxay dad Soomaaliyeed oon xittaa hal shaati oo fiican lahayn iskaa labo iyo wax ka badane. Iskuulka waxaan lix beri ku aadi jirnay hal shaati oo cad. Miyuusan kuleetiga shaatigaasi wasakh yeelanayn xittaa haddaad subax kasto qubaysato? Waxaasi cilmi baaris ma ahan. Qolyaha yaqaan “statistics” waxay ugu yeeraan “biased” oo ah mid dhinac loo xagliyey oo aan la aqbalin.

8-Run ahaantii nolashii qalafsanayd ee miyugu wali ka dhammaan Soomaaliya. Waa run oo waalid badan oo Soomaaliyeed baa ilmaha kula hadla erayo qaab daran, si aan habboonayna u koriya. Laakiin markaad fiiriso diinta Islaamka oo la rabay inay dhaqan noo noqoto ayaa xal u haysa arrintaas. Waxaa jira Xaddiis saxiix ah oo uu noo sheegay Anas Binu Maalik (RC) oo 10 sano Nabiga (SCW) u khidmaynayey wuxuu sheegay inuusan waligiis Nabigu (SCW) uusan canaanan. Ma oran wuxuu khalday maxaad saa u yeeli wayday. Xaddiis kaloo saxiix ah wuxuu Nabigu (SCW) diiday inuu markhaati ka noqdo in Nucmaan Binu Bashiir uu aabbihiis siiyo hibo uusan ilmaha kale siin. Markii Nabigu (SCW) ogaaday in uu ku kali yeelay ayuu yiri markhaati kama noqonayo isagoo ugu daray ma jeceshahay in ay kuligood baari kuu noqdaan? Bashiir (RC) wuxuu yiri haa dabadeedna Nabigu wuxuu yiri ha samayn.

Waxaa kaloo jirta in Nabigu (SCW) arkay haweenay ilmaheeda u balanqaaday wax. Nabigu (SCW) wuxuu yiri haddaadan ka dhabayn been baad sheegtay. Qoraagu wuxuu xusay nin kale oo u dhashay Newzealand oo uu soo xigtay. Qoraaga waxaad mooddaa in uu noogu yeerayo sida ay reer Galbeedku u ababiyaan ilmahooda. Ka warrama Soomaalaay haddii Ciidda dheh udhxiyada ay muslimiinta adduunka oo dhami ay ilmahooda been u sheegaan? Waxaa la ogyahay in inta badan kiristaanka adduunka ku dhaqan oo gaaraya 2 bilyani ay ilmahooda been u sheegaan maalin ay sheegaan in ay diin ahaan qiimo u leedahay waa maalinta Christmas-ka . Waalidiinta ilmaha ayaa inta ilmaha usoo gada hadiyad ayey ilmaha horay u seexshaan habaynkaas dabadeedna subixii waxay siiyaan hadiyadda iyagoo leh waxaa idiin keenay Santa Claus oo ah Father Christmas.

Bal fiiri qoysaska muslimiinta iyo kuwo reer Galbeedka. Reer Galbeedka uu falsafooda noo soo bandhigayo waxaad arkaysaa in marka ilmuhu waynaado la dhaho sidii dhurwaayadii adna Alle ayaad leedahay ana Alle. Waxaa dhici karta qof iyo waalidkiis ay isku magaalo ku noolyihiin in ay sanadkii mar is arkaan amaba ay is dagaalaan oo ayna dib dambe usu arag. Marka diinta Ilaah ayaa xal noo ah.

WABILAAHI TOWFIIQ.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 24, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]