SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Shaydaanku ma qubaystaa?!
 

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Haddii soomaalida la weydiin lahaa sababta ay dhibaatadu weligood u haysatey, oo uu dalkoodu u degi waayey, waxaa laga yaabaa in ay qaarba meel jawaabta la aadi lahaayeen.

Wadaaddada qaarkood waxay oran lahaayeen diintii Alle ayaa laga fogaadey oo sidaas ayey nababgelyola’aanta, faqriga iyo caqlixumadu inooku habsadeen. Waxaase su’aashaas ka hor imanaysa in soomaalida badankoodu ay tukadaan, soomaan, oo sakoodaan, isla markaas aan ummadda Jabbaan malaha qof muslim ah oo tukada lagu arag ayna nabadgelyo iyo dhaqaale fiican haystaan.

Haddii in diinta islaamka laga fogaado colaad, gaajo iyo caaqnimo laga dhaxlo wuxuu malaha dalka adduunka ugu faqrisan oo ugu aqoon liitaa ahaan lahaa dalka Jarmalka, isla markaas la iskuma hayo in ay labada dal oo ugu jimcooni ahaan lahaayeen Afganistaan iyo Soomaaliya, waayo waa labo ummadood oo diinta Alle aad u jecel. Angoola iyo Soomaaliya sababta halaagga ka sintay, isla markaas Sucuudiga iyo Norway shidaalka ka sintay arrin diineed ma aha, oo qofkii colaadda iyo rafaadka Soomaaliya diin ku macneeya afkiisa ayaa daloola ee maskaxdiisu ma ay daloosho.

Jawaabtaas midda ku xigta waxaa la shir-iman lahaa dad badan, oo waa in uu dhibta Soomaaliya baday madaxweynihii ugu danbeeyey mudane Maxame Siyaad Barre. Jawaabtaani sidii tii hore iskahadal ma aha, waxaase laga yaabaa in aysan run buuxda ahayn, hase yeesho ee baaritaan ayey u baahan tahay. Waxaa suurtagal ah in ay 50% in ka badan wax ka jiraan jawaabtaan, laakiin waxaa aad u adag in la helo dad bilow ilaa dhammaad si run ah oo aan eexasho lahayn u soo bandhigi kara in uu cudurku ninkaas ka yimid.

Xalka Soomaaliya waa DIINTA ISLAAMKA
Cabdullahi Gulled Ali

Doodaha iman kara amaba taagan waxaa ka mid ah in la yiraahdo Itoobiya ayaa Soomaaliya sidaas u gashay, waxaase laga yaabaa in qofka sidaas u doodayaa uusan Soomaaliya iyo Itoobiya midna maskaxda ku hayn ee uu maqlay Cabdullaahi Yuusuf baa xariir la leh Itoobiya, oo uusan dooddiisa ku salaynayn wax uu qeexi karo, uuna yahay beelihii Carta taageersanaa ama shacabkii taageersanaa wadaaddadii Itixaad oo ay Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf sida xun u xasuuqeen.

Haddaba muran shakhsi gaar ah, sida Cabdullaahi Yuusuf, lagu ximinayo waxba lagama soo qaadi karo markii dhibaato taagan si cilmiyaysan looga doodayo. Haddii hadalka la soo koobo wax weyn baa ka jira in ay dhibaatada Soomaaliya dalal shisheeye weligood lug ku lahaayeen, waxaanse kala caddayn inta ay la’eg yihiin dhibaatooyinka ay Itoobiya inoo gaysatey iyo dibindaabyooyinka uu Qaddaafi ina ku loggooyey. Reer galbeed, siiba Talyaani, iyo dalal iyo shakhsiyaad carab ah ayaa laftoodu lacago iyo waxyaalo kale muudo dheer qubayey, Itoobiyana waa dalka xudduudda ugu dheer Soomaaliya la leh, oo dano waaweyn bay inaka xurubsan kartaa, laakiin in ay beel kastaa dalkii ay lacag iyo hub ka qaadato ma aha ee midkii kale oo Soomaaliya dano kale ka fushada gaar u caydaa ma aha dood adag oo loo cuskan karo dhibaatooyinka Soomaaliya.

Arrimahaas aynu sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan ayey ku doodaan dadka badankoodu. Haddaba mowduucyadaan iyo kuwa la midka ahi aad ayey u xiiso beeleen, lagumana kala garqaato, laakiin waxaa jira meelo kale oo ay u weecdaan dadka falsafadda lihi. Meelahaasi waa kuwo uusan qofka caadiga ah oo caamayga ahi filan karin in loo aaneeyo dhibaatada Soomaaliya, laakiin waa mowduucyo ka xiiso badan kuwa ay jabhadaha iyo beeluhu isku caayaan oo lagu daaley, sida Itoobiya, Masar iyo Sucuudiga.

Ari dhurwaa Cows usoo gurayo. Waa wax lagu qoslo. Cadowgaagu hakula rabo horumar.
C/Waaxid Kjaliif Oct 18, 2002

Ha is saxdo somali khaladkeeda
WQ. Axmed Maxamuud (Giire) GUJI...18-1-2002

Dad badan oo fiilasoofiyiin ah baa waxay aragtiyahooda u dhiibteen si ka macaan, kana soojiidasho weyn in lagu daalo Itoobiya iyo Masar, ama uu qabiil kastaa midka kale eed dhabarka u saaro, oo la isku danbaabo.

Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo ama uu argagaxo haddii uu qof fiilasoof ahi sheego in ay dhibaatada dalkeenna rafaadisay ka timid gudniinka gabdhaha! ”Haddii ay laabtu meel jirto indhuhu waxba ma arkaan” waa maahmaah loo daliishan karo in ay laabta shacabku dagaal iyo qabyaalad la ciirciirayso oo uusan falsafad boos uga bannaanayn, taasina waxay keeni kartaa in fiilasoofkaaas dhibaatada ina haysata inoo sheegaya aynu ka jecel nahay nin afgarooc ah oo idaacad been ka sheegaya. Haddaba arrintaas ah in gudniinka dumarku uu dhibaatooyinka ina xanuujiyey inoo soo jiidey ayuu nin fiilasoof ahi ku nuuxnuuxsaday, wuxuuna sheegay in gudniinka gabdhuhu uu qayblibaax ka qaatay dhibaatada Boorama iyo Baraawe ku habsatey.

Fiilasoofku, sida wadaaddada diinla’aanta cuskaday iyo beelaha Itoobiya iyo Masar caaya, iskama uu hadlin ee wuxuu miiska soo saaray daliilo caddaynaya in uu gudniinka gabdhuhu sababay in ay heshiin waayeen beelaha Soomaaliya, oo ay dadka hubka ka dhigi waayeen. Hadalkii fiilasoofka oo kooban ayeynu sidiisii u soo guurinaynaa, waxaana fiilasoofka magaciisa la yiraahdaa Dr Sabriye Dirir, oo yiri:

”Degganaanshaha bulshada waxaa saldhig weyn u ah dumarka, waxayna gabdhaha soomaaliyeed yaraantooda ka walwalaan in uu gudniin xanuun badani sugayo, oo habeenkii si fiican uma ay seexdaan. Arrintaasi waxay hor istaagtaa in ay koraan qaybo badan oo maskaxda gabdhaha ka mid ahi, waxayna hanaqaadaan ayaga oo qalbila’. Markii la gudo waxay waayaan dareenkii dadnimada oo waxay noqdaan sidii lab xaniinyihii laga bixiyey. Weli ma aynu arag rag la dhufaanay, laakiin xoolaha markii la xaniinyobixiyo waxay waayaan kartiyo badan oo ay lahaayeen markii ay qoorta ahaayeen. Kartiyahaas waxaa ka mid ah in uu jirkoodu dhaddig oo kale noqdo. Sidaas darteed dhaddiga laftiisa haddii sida soomaalida loo gudo, oo naagnimada laga jaro, wuxuu jirkoodu u dhawaanayaa jirka labka, oo dhaddignimadii baa ka guuraysa. Xagga muuqaalka iyo xagga dareenkaba dumarka naagnimadii laga gooyey waxaa dhimanaysa naagnimadoodii. Isla markaas waxay u fakarayaan sida raggii oo waa dad sirgaxan, oo markii la guursado aan dabacsanayn oo qawaaban. Haddii lala hadlo waxay u jawaabayaan sida nin oo kale, haddii la taabtana wax ay dareemayaan lama arko. Maskaxda iyo jirkaba waxay dhibaato weyni kaga dhacday subixii naagnimada laga xaabiyey, oo waa ay dhufaanan yihiin! Raggu waxay u baahan yihiin sheeko dumar, oo dumarnimadii gabdhaha soomaalida waa laga qaaday, oo sheego xiiso uma ay hayaan! Waxay nimanku u baahan yihiin raaxo oo weligiis qof dumar ah oo dhamaystiran raggeennu lama ay kulmin! Sidaas awgeed ayey labadii soomaali ah oo isguursadaa weligood in ay wiilal dhalaan keli ah uga fakaraayeen, maxaa yeelay wax kale kama ay dhexeeyaan. Wiilashii la dhalay oo malaayiinta ahaa markii ay naago u raaxeeya waayeen bay xanaaqeen, waxayna bilaabeen dagaal aan weligiis dhammaanayn. Ilaa ay helaan dumar aan gudnayn oo u sheekeeya, una raaxeeya dagaalku waa uu sii xoogoobayaa”.

Ha ka xumaan fiilasoofka hadalkiisa cilmiga ku dhisan haddii aad dumar tahay, ogowna in ay bulshada, hooyadaa iyo aabbahaa denbi kaa galeen, ee uusan fiilasoofku waxba kuu dhimin, balse uu kaaga digey in aad carruurtaada denbi ka gashid. Haddii aad rag tahay adiga noloshii raaxadu waa ay ku dhaaftay, ee bal carruurtaada iyo carruurtooda ku dadaal in ay raaxaystaan, oo ay dagaalka ka nastaan! Sida uu fiilasoofku caddeeyey nabadda Soomaaliya waxay ku xiran tahay in aadan gabdhahaaga gudin.

Dastuurka qaranka waxaa lagu qoraa in uusan madaxweynuhu guursan xaas ajnebi ah, waana arrin laga naxo! Haddii ninkii dalka hoggaamin lahaa loo diido in uu gabar aan la gudin Kenya ama Uganda ka soo guursado si uu u raaxaysto, oo uu naftiisa ololaysa u qaboojiyo maxaa la faa’iidey?!

Sida uu Dr Sabriye Dirir sheegay raggu waxay dagaalka joojin doonaan markii gabdhaha gudniinka laga daayo oo ay koraan, oo ay ragga dejiyaan. Haddaba maanta lama hayo gabdho aan gudnayn oo xildhibaannada, wasiirrada iyo madaxweynaha dejiya si aysan colaadda u sii wadin oo aysan shacabka ceelasha uga xabaalin sidii uu kacaankii ku sameeyey Soomaaliya, ama aysan dagaal qabiil oo hor leh dalka uga oogin, sida Cabdiqaasim. Guddoomiyeyaasha maxkamadaha iyo saraakiisha qudhoodu in ay dad xanaaqsan oo uu gurigoodu ololayo noqdaan ma fiicna, oo waa in la qaboojiyaa! Yaase qaboojinaya haddii uu dastuurku gabdhihii loo baahnaa madaxda ka mamnuucay?

Hadalka Dr Sabriye Dirir waxaa ka muuqda in sida aan cawinada midowga Yurub iyo Ameerika looga maarmayn aan looga maarmayn in lala xidido dalal shisheeye sida Itoobiya, waayo carabuhu inama ay rabaan oo ”Addoomo madmadow” bay inoo yaqaanniin!

Sidee bay ku dhici kartaa in la mamnuuco xaasas ajnebi ah?! Sow taasi ma aha in uusan dagaalku weligiis dhammaan?! Dadku markii ay dhaawac qabaan waa la baantaa, waana in madaxda soomaalida lagu baantaa gabdho ajnebi ah si ay nolosha u dhedhemiyaan oo dagaalka uga tanaasulaan. Xataa madaxda dhaqanka waa in gabdho Afrikada aan gudnayn ama Tayland looga soo guuriyaa si ay inta u qaboobaan gar caddaalad ah u gooyaan, oo ay eexda iyo qabyaaladda ummadda uga daayaan.

Malaayiin nin oo aan weligood raaxaysan baa soomaaliya isku laynaya, oo waa in marka hore madaxda loo guuriyaa, waxaase dhibaato ah in uu madaxda Soomaalida midka ugu yari 50 sano dhaafay, oo cimrigii ay guursan lahaayeenba uu waa hore ahaa. Ragga dalka isku laynaya badankoodu 70 sano ayey jiraan, oo gabdho cusub oo Tanzanian ah tabar uma ay hayaan, hase yeeshoo ee waxay soo guursan karaan habro ayaga gedohooda ah, oo aan gudnayn si ay u qaboobaan. Xasaskoodi hore haddii ay masayraan loo hakan mayo, waayo arrinta loo socdo ayaa wax walba ka weyn, oo dalka ayaa colaadda laga daminayaa.

Soomaalidu falsafo ayey u baahan yihiin, wuxuuna fiilasoof kale oo dalkeenna ka faallooday sheegay in dhibaatada Soomaaliya iyo dalalka la midka ahi ay salka ku hayso sida xun oo carruurta loo koriyo. Fiilasoofka magaciisa waxaa la dhahaa Dr David Baldacci, wuxuuna u dhashay dalka New Zealand. Dadku falsafada uma ay dhegonugla, hase yeesho ee falsafadu waa ay ka qiimo badan tahay dagaalka, kufsiga, qabyaaladda, beenta iyo kooxdii uu xilligeedu dhammaaday ee Carta.

Hadalladii fiilasoofkaas kor ku xusan waxaa ka mid ahaa in aan carruurta soomaalida marka ay yaryar yihiin lala hadlin ee canaan iyo dil keli ah lagu koriyo. Isla markaas midkii wax barta aan la fahamsiin ee la xafidsiiyo asaga oo aan waxaa uu xafiday macnahooda aqoon. Qofkii sidaas u koraa dadka waa uu nebcaanayaa, waayo kuwii ugu dhawaa ayaaba yaraantiisii dili jirey oo aan si xushmad leh ula hadli jirin, oo markii uu in uu hadlo damco ”Us!” ku oran jirey. Wax barashada uusan qofku fahmayn ee khasabka lagu xafidsiiyaa waxay u soo jiiddaa in uu nolosha oo dhan naco, waayo waxaa loo diidey in uu fakaro.

Sida uu Dr David Baldacci sheegay markii ciyaalka sidaas loo koriyey ay hanaqaadaan waxay jeclaadaan in ay aarsadaan oo ay dadka cabburiyaan oo laayaan. Ciilkii uu markii uu yaraa oo ”Aamus!” lagu oran jirey qabey iyo in aan waxba la barin ee sida geelii la ulayn jirey ayuu qofka soomaaliga ahi weli godobtoodii dabajoogaa, waana taas sababta ay Soomaaliya u xasili weydey.

Hadalkii fiilasoofkaas waxaa ka mid ahaa in bulshooyinka sidaas dhallaanka ku koriya aysan dadkoodu xagga maskaxda horumar ka samayn, oo ay xagga jirka keli ah ka koraan. Sidaas awgeed lama qiimeeyo qofkii qaabkaas loo soo koriyey da’diisa, waayo kolley waa carruur xataa haddii uu 60 sano kor u dhaafay. Wuxuu fiilasoofkaasi rumaysan yahay in uusan koritaanku ahayn in uu ruuxu sanaddo daban soo noolaa, oo uu ka dheer yahay ama uu ka ballaaran yahay carruurta.

Koritaanka wuxuu David Baldacci u haystaa in uu heerba heer ula jaanqaado xogo isdabajoog ah, oo qofku inta uu yar yahay la siiyo, iyo weliba qaabka loo siiyo. Xogahaas waxaa qofka siiya bay’adda iyo bulshada.

Haddaba ilmaha soomaaliga ah gurigooda haddii uu joogo inta cunto la siiyo ayaa waxaa lagu yiraahdaa ”Waryaa/Naa bax meelahaas ku soo cayaar!” ama ”Bax seexo!”, haddii uu su’aal keenana lagama dhegayso oo waxaa niyadda la iska yiraahdaa ”Waa buuryaqab ee muxuu noo sheegi karaa!”. Qofka sidaas carruurta ku leh qudhiisu waxba ma uu oga, waayo laftiisa ayaa sidaas yaraantiisii lagu oran jirey, oo aysan maskaxdiisu midda carruurta dhaamin.

In ay bulshada soomaalidu dhammaantood carruur yihiin ayaa meeshaas ka muuqata, waxaana daliil iyo tusaale ah sida ay dadkeenu wax u taageeraan ama ay wax u mucaaradaan waa si aysan malaha jirin ummad la mid ahi.

Dadkeennu waxay xagga taageerada iyo mucaaradka ku dhaqmaan labo erey keli ah, waana ”Hebel baan raacsanahay” iyo ”Hebel baan ka soo horjeedaa”. Qofka ama kooxda la raacsan yahay haddii ay khalad galaan iyo haddii ay wax fiican sameeyaan labadaba taageerayaashu wanaag bay u haystaan, oo waa in ay iska ammaanaan oo difaacaan xataa haddii ay koox tuugo yihiin, sidii Carta! Qofka laga soo horjeedo waxaa loo arkaa in uusan haba yaraato ee wanaag samayn karin, oo tillaabo kasta oo uu qaadaa waa xumaan, waana in mar kasta la caayo. Isla markaas dadka asaga taageersani waa cadow, waayo waxay raacsan yihiin qof ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo 100% xun.

Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan oo uu qabtay ku ammaantid waxaad noqonaysaa qof xubin weyn ka ah dadka raacsan, sidaas oo kale haddii aad dhaalliil uu leeyahay sheegdid waxaad xubin ka tahay mucaaradkiisa. Waxaa laga yaabaa in ayba bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala miiri kara ku magacaabaan ”Qof aan mabda’ lahayn, oo hadba meel iska aada!” ama ”Khaa’in”, waayo isku mar ayuu hal qof dhalliil iyo wanaag ku tilmaamay. Run ahaantii qof kastaa dhalliil iyo wanaag buu leeyahay.

Carruurtu sida la og yahay waxay yaqaanniin labo erey oo kala ah ”Shaxshax” iyo ”Uf”, maxkaxdooduna ma ay gaarsiisna heer ay wax kasta dhinacyo badan ka eegaan, oo ay hal qof xumaantiisa iyo samaantiisa kala miiraan. Wixii ”Uf” la ah in la dilo raalli ayey carrurtu ka noqdaan, wixii ”Shaxshax” la ahna haddii la xumeeyo waa ay ooyaan. Go’aanka noocaas ah marka ay dhallaanku qaadanayaan kama ay jawaabi karaan sababo badan, ee maskaxdooda ayaa meel yar wax ka arki karta, oo aan baaxad weyn lahayn.

Carruurta yaryari wax kasta go’aan degdeg ah ayey ka qaataan, haddana go’aankaas mid ka duwan ayey dhaqso uga dabaqaataan, isla markaas wax walba oo ay arkaan waxay kula boodaan ”Shaxshax” ama ”Uf”.

Dadka waaweyn oo soomaalida ah haddii arrin loo soo bandhigo jawaabtu waa ay ka soo horraysaa, oo waxay oranayaan ”War nagala tag wax aad la wareegaysid!” ama jawaab kale oo degdeg ah. Haddii uu qof wax ku soo dhibtoodo, oo markii uu diyaariyo uu bulshada u soo bandhigo, waxay dadka ugu horreeya oo uu la kulmaa dhiibanayaan aragtiyo aysan fakarayn oo riddin u badan.

In ay jawaabaha soomaalidu naqdin aan laga fakarin u badan yihiin waxay salka ku haysaa in markii ay korayeen canaanta lagu badin jirey, dabadeedna ay dagaallo ba’an muddo ku soo jireen. Gaajada badan lafteedu waxay keentaa in uu qofku wax kasta dhibsado, oo uu dhaqso dadka u canaanto, oo la isxagxagto.

Fiilasoof kale oo muslim ahi wuxuu qabaa in ay dhibaatada Soomaaliya sabab u tahay in aysan dadka Soomaalida ahi qubaysan! Waxaa fiilasoofka sidaas aamminsan magaciisa la dhahaa Dr Anwar Burhaan, wuxuuna u dhashay dalka Masar.

Dr Anwar Burhaan wuxuu aragtidiisa ku dhafay falsafooyin diini ah, wuxuuna ugu horrayntii daliishadey xaddiis oranaya ”Nadaafaddu iimaanka ayey ka mid tahay”. Wuxuuna halkaas ka ishaaray in ay soomaalidu imaan la’ yihiin! Intaas ka gadaal ayuu galay qiso dheer oo shaydaanka ku saabsan, wuxuuna sheegay in uusan shaydaanku qubaysan!

Wuxuu caddeeyey in uu shaydaanku waagii hore qubaysan jirey, ka dibna uu Rabbigiisii abuuray ku gacansayray, oo uu Rabbi markaas dayriyey. Meelo dhawr ah oo quraanka kariimka ah ka mid ah ayuu ka soo daliishadey in Rabbi shaydaanka nacaladdiisa dusha ka saaray inta laga gaarayo yowmulqiyaama, isla markaas uu u sheegay in uu asaga iyo taageerayaashiisa hadhow cadaabi doono.

Qarracan ayuu shaydaanku maalintaas la dhacay, wuxuuna go’aan buuxa ku gaarey in uusan wax uu Rabbi raalli ka yahay samayn. Haddaba qubaysku waa wax uu Rabbi raalli ka yahay, waxaana shaydaanka qubays ugu danbaysey maalintii uu Rabbi dayriyey, oo nacaladda weyn korka kaga habbiyey.

Wuxuu fiilasoofku sheegay in uu shaydaanku waagii la dayriyey hal mid ahaa, laakiin uu hadda bilyanno iyo bilyanno kor u dhaafay. Habka uu shaydaanku u tarmo mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in wasakhda iyo jeermiska ay shaydaan dhididkiis yihiin. Wuxuu caddeeyey in aysan bagteeriya iyo fayras jirin waagii shaydaanka loo carooday, oo markii uu qubayskii muddo moogaa ay jirkiisa ka soo buubeen welina ka soo buubaan waxa adduunka jeermis yaallaa.

Jeermis kasta oo adduunka ka jiraa waa carruurtii shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri, wuxuuna sheegay xaddiis oranaya shaydaanku dadka dhiiggooda ayuu xulaa, oo wuxuu markaas tusaale u soo qaatay cudurka aydhiska.

Wuxuu sheegay in mar kasta oo ay dadku dhididaan ay ku habboon tahay in ay qubaystaan ama maydhaan. Sababta dadka loogu waajibyey in ay markii la isu galmoodo ay qubaystaan waa in ay shaydaan carruurtiis oogadooda ka qasaalaan ayuu yiri, wuxuuna raaciyey istijada iyo weesadu xataa waa dagaal islaami ah oo lagala hortegayo carruurta shaydaanka. Qofka qayila ama biyaha shaydaanka cabba waxaa korkiisa ku bata carruurta shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri.

Dr Anwar Burhaan wuxuu sheegay in ay soomaalidu xagga taariikhda ahaayeen dad aan qubaysan. Geeljiruhu biyaba indho ma ay saari jirin, beeraleyduna ilaa maanta waa ay neceb yihiin in ay qubaystaan, oo ayaga oo webiga qarkiisa deggan ayeysan dhawr bilood oogadooda biyo taabsiin!

Dr Anwar Burhaan wuxuu kale sheegay in ay masaarida iyo soomaalidu aad isu yaqaanniin! Xilligii ay dawladihii hore jireen ayuu, sida uu sheegay, Soomaaliya tegey, wuxuuna dadkii madaxda iyo reermagaalka ahaa oo uu la kulmay ku sheegay labo arrimood oo yaab leh.

Wuxuu sheegay in ay ahaayeen dad rumayga aad u jecel, oo xafiisyada dhexdooda ku cadayda, oo weliba miiska xafiiska uu mid kasta rumay dheeri u saarnaa, inta badanse uu afkooda caday ka soo taagnaa!

Sida uu fiilasoofku sheegay soomaalida ilkahoodu aad bay u cabcaddaayeen, laakiin jirkoodu aad buu shiirayey. Waxay ahaayeen dad aan qubaysan, oo uu mid kastaa shaatiga kulleetigiisa dawaad midda awrta u eg ku lahaa. Markii la salaamo oo ay qoslayaan afkoodu nadiif ayuu ahaa buu yiri, hase yeesho ee waxaa ka soo haadayey shuxuur aan loo soo dhawaan karin.

Fiilasoofkaas carabka ahi wuxuu sheegay in ay soomaalidu ka mid yihiin taageerayaasha shaydaanka. Wuxuu caddeeyey in ay qoloba si shaydaanka u taageeraan, oo ay soomaalidu xagga qubayska shaydaanka kala mid yihiin!

Xagga dagaallada sokeeye mar uu ka hadlayey ayuu sheegay in ay ku badan yihiin meelaha uu qubaysku aad ugu yar yahay, oo wuxuu rumaysan yahay haddii ay soomaalidu qubayska badsan lahaayeen in uu dagaalku gebi ahaanba soo afjarmi lahaa.

Meelaha uu kufsigu ku badan yahay waxaaba laga yaabaa in laga helo boqollaal nin oo aan ka qubaysan boqollaal hablood oo ay bilihii la soo dhaafay googaradaha ka siibeen.

Wuxuu Dr Anwar Burhaan sheegay in ay dadka Masar aad ugu dhuundalooleen arrimaha Soomaaliya muddadii ay dagaalladu socdeen, siiba dhulka ay dagaalladu aad u saameeyeen. Shirkii Qaahira oo sannadihii sagaashanaadka dhammaadkoodii soomaalida loo qabtay wuxuu sheegay in ay waftiga ku yaraayeen wax qubaystey muddadii uu shirku socdey, isla markaas wafti sanad danbe Masar yimid oo Carta ka socdey dadku gebi ahaanba ma ay qubaysan jirin ayuu yiri Dr Anwar Burhaan, wuxuuna hadalkiisii u soo gunaanadey shaydaanka iyo soomaalida midna ma qubaysto!

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003 

» HOOBALLO GAAJAYSAN.....FAALLO [Shaafici]

» MAQAALADII TODDOBAADKII HORE.... GUJI HALKAN


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]