SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Shir Duqa Magaalada Minneapolis iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Qadiyadda labada marxuum Ahmed iyo Mohamed

Sh. Xasan Jaamici J.D, USA
xasanjaamici@yahoo.com


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Marka hore waxaan halkaan ka dirayaa tacsiyad ku jeedda ehelada uu ka dhashay marxuum Taxi-Wade Ahmed Hussein Axmed oo July 10,2003 lagu dilay magaalada Minneapolis and iyo marxuum Taxi-wade Mohamed Ahmed Salah oo isagana lagu dilay magaalada Minneapolis, taariikhda markay aheyd August 8,2003. Ilaahey waxaan u weydiinaya inuu ka waraabiyo naxriistiisa jannada isla markaana sabar iyo iimaan uu ka siiyo eheladii uu ka dhashay.

Salaadda Jimcaha ka dib, taksiilayaal badan iyo qaar ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaalida waxay la kulmeen Duqa Magaalada Minneapolis, Taliyaha cidamada Booliska ee magaalada Minneapolis, iyo laba ka mid ah golaha (City Council) xukuma magaalada Minneapolis: Dean Zimmerman iyo Paul. Waxaa shirkaa ka soo baxay arimaha soo socda:

Warbixinta Duqa magaaalada Minneapolis

1. In xukuumadda magaalada ay u xilsaartay 8 dambi baarayaal oo baaraya qadiyadda dilkii Mohamed Salah.

2. In xukuumadda ay daraaso ku heyso in dhaqaalo loo heli karo mashruuca badbaadinta taksi-wadayaasha magaalada Minneapolis. Arintaasi oo uu tilmaamay inay u badan tahay inaan lagu guuleysan doonin waayo magaalada ma ay heysato lacag ay ku socodsiiso mashaariicdii horey u jirtay.

3. In duqa magaalada uu qoondeeyey dad xafiiskiisa ka socda ee la shaqeeya jaaliyadda Soomaalida iyo

 
Mayor R.T. Rybak, Mayor

Robert Olson, Police Chief.


Xasan Jaamaici oo laga waraystay TV.ga

 ururka taksiilayaasho si loo daboolo baahida taksiilayaasha.

Warbixin iyo Talooyin uu soo jeediyey Taliyaha Booliska Minneapolis.

1. In la hayo hal qof oo lagu tuhunsan yahay dilkii Marxuumkii hore Ahmed.

2. In Dambi baarayaasha magaalada ay si firfircoon ay ugu guda jiraan baarista labada qadiyadood.

3. In ay Booliiska joogto u siin doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ururka taksiilayaasha warbixin kasta ee la xiriira labada qadiyaddood.

4. In Jaaliyadda iyo xubnaheeda ay si deg deg ah ula soo xiriirto Booliiska markay helaan macluumaad muhim ah ee la xiriira labada qadiyadood.

5. in diyaar la yihiin jaaliyadda iyo ururka taksiilayaasha inay la kulmaan ayna wada hadlaan markii loo baahdo.

6. in uu taksiile kasta uu sameysto saaxiib la socdo halka uu joogo iyo dadka uu qaadayo iyo meesha uu ka qaadayo.

7. In taksiile kasta uu yeesho Cellpone diyaar u ah inuu isticmaalo markuu shakiyo uuna waco Booliska 911.

Talooyinka Minnesota Muslim American Society-Freedom Foundation

1. In Taksiile kasta uu Ilaahey ku xirnaado oo uu xusuusto waajibka Shanta salaadood ee lagu leeyahay uu guto si marka uu dhinto uu u heysto ugu yaraan shahaaddada Salaadda.

2. In ay jaaliyadda Soomaalida ay arintan ka midowda iyagoo la shaqeynayo urur weynaha taksiilayaasha iyo ururka taksiilayaasha ee Soomaalida.

3. In ururka Taksiilayaashe Soomaalida ay ka muuqdaan urur weynaha taksiilayaasha ee magaalada maadaama ay soomaalidu ay ugu badan yihiin.

4. In jaaliyadda iyo Taksiilayaasha la shaqeeyaan Booliiska sii loo soo qabto dambiilayaasha dilka u geystay labada marxuum Ahmed iyo Mohamed.

5. In lala shaqeeyo Duqa magaalada iyo Golaha magaalada (City Council) si loo sharciyeeyo mashruuca ilaalinta nabadgelyada Taksiilayaasha.

6. In si gooni ah loola shaqeeyo Paul iyo Dean oo ka mid ah City Council si loo abuuro sharci (Bill) lagu doonayo in la sharciyeeyo camero ama muraayad teed ah lagu rakibo taksiyada si loo badbaadiyo nabadgelyada taksiilaha.

7. In lala shaqeeyo cid kasta oo u ololeyneyso ilaalinta nabad gelyada taxsiilayaasha isla markaana dadaalka la mideeyo si loo gaaro hadafka guud.

8. In jaaliyadda ay la shaqeeyaan ururada ka shaqeeyo sidii loo baa bi’in lahaa qaanuunka hub qaadashada ee mar dhow laga ansixiyey Minnesota oon maanta mirihiisa guraneyno (ugu yaraan laba soomaali ayaa la dilay).

Qore: Garyaqaan Sh. Xasan Jaamici
Minnesota Muslim America Society-Freedom Foundation
(Xafiiska Difaaca xuquuqda muslimiinta ee gobolka Minnesota)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
http://somalitalk.com/usa/immgrnt.html 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD