SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XALKA ISLAAMKA
Waa Maxay Mabaadi'da Islaamka ee Laga raadinayo Xalka lala doonayo dhibaato weliba ?

Qaybta 2aad ee Xalka Islaamka

Sh. Xasan Jaamici J.D, USA


xasanjaamici@yahoo.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Sidaan horey u soo sheegnay diinta islaamka waa nidaam baahi tirayo qaybahoo noloshoo dhan waa haddiise la fahmo. Sidaa darteeda, Mabaadi'da Islaamka waa mabaadi taabanayo qaybaha kala duwan ee nolosha oo ay culumada kala soo baxeen Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga NNK. Mabaadi'da waxaa ka mid ah:

  • mabda sinaanta iyo caddaaladda (aayadda 90 ee suuradda Al-naxal ).
  • mabda wada tashiga marka arin dadka uu ka dhaxeeyo la maareynayo(Aayadda 39, suuradda Al-Shuuraa).
  • mabaadi'da uu Ilaahey wax ku xarimo(sida waxa walboo xun ee dhiba nafta, ama bulshada, ama caqliga, maalka, sharafta waa wada xaaraam, wixii intaa u roon waa xalaal "eeg aayadda 32 ee suuradda Al-acraaf).
  • Kuwaasi tusaale ka mid ah mabaadi'da aan u noqon doono markaan ka hadleyno xalinta dhibaatooyinka bulsha.

    Ilaha ay ka imaanayaan Mabaadi'da Islaamiga Ah:

    Sidaa horay u soo sheegnay waxaa laga helayaa mabaadi'daasi Kitaabka Quraanka iyo Sunnada nabiga NNK ee saxiixa ah iyo waxa ay culumada Islaamka kala soo baxeen Quraanka iyo Sunnada tan iyo dhimmashadii Nabiga NNK. Tusaale ahaan: waxa ku qoran madaahibta afarta sida Shaaficiyada, Maalikiyada, Xanbaliyada iyo Xanafiyada waa culuum lagala soo baxay fahamka nasuusta Quraanka iyo Sunnada.

    Yaa kala soo bixi kara?

    Culumada islaamka ee daraaseysa culuumta soo socota:

  • Tafsiirka Quraanka
  • Sunnada iyo Axaadiista Nabiga NNK
  • Luqadda Carabiga
  • Fiqiga iyo Usuushiisa
  • Madaahibaha Islaamka ee sharxay Quraanka iyo Sunnada.
  • Taariikhda Islaamka iyo culuum kale ee arimahaa la xiriira.
  • Waddada loo maro culuumtaasi

    Hal waddo oo kaliya ayaa loo maraa oo ah qofka inuu waqti dheer (sanado)uu geliya barashada culuumtaasi si uu u gaaro darajo uu jawaabaha kala soo bixi karo marka ay ugu yartahay madhab ka mid ah madaahibta hadduusan awood u laheyn inuu toos ugala soo baxo Quraanka iyo Sunnada. Daraasadahaasi Jaamacadahana waa loo galaa, misaajidahana waa laga bartaa waa haddii ay u nidaamsan yihiin.

    Waaqaca (the reality) Aan Kun Nool Nahay?

    Aayadda 4aad ee Suuradda Ibrahim ayaa ka hadashay in meel walba ee la joogo la tixgiliyo dhaqankeeda haddii uu san ka horimaanayn mabaadi'da guud ee islaamka. Sidaa darteeda, marka fiirinayo xalka dhibaato waliba, waxaan il gaar ah ku fiirin doonaa dhaqan (American Culture) aan u nimid iyo sida uu raadeeyey caqligeena iyo dhaqankeenii hore.

    Taasi waxay aheyd horudhac aan ugu talagalay inaa akhristayaasha siiyo, si ay u ogaadaan halkaan ka imaanayo markaan ka hadlayo xalin dhibaato jirto.

    Dhibaatada 1aad ee aan ka hadlayo waxay noqon doontaa (in shaa Allah) dhibaatooyinka ka horeeya Guurka Qurbaha iyo Xalka Islaamka: waxaan ku bilaabaya is barashada wiilka iyo gabadha iyo xuduudeeda, micnaha weliga iyo doorkiisa iyo dhibaatooyinka la xiriira iyo xalka ee Islaamka. waad ila soo xiriiri kartaa wixii talooyin ee arimahaasi ku saabsan.

    Akhri Qaybta 3aad..... Guji.

    Qore: Sheekh Xasan Jaamici
    (HASSAN Ali Mohamud)

    Kulaabo Qaybtii 1aad:


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     

     Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

    GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
    http://somalitalk.com/usa/immgrnt.html 

     .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

     

     

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis
    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD