SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XALKA ISLAAMKA

Dhibaatooyinka La Xiriira Horudhaca Guurka Qurbaha iyo Xalka Islaamka

Qaybta 3aad ee Xalka Islaamka

Sh. Xasan Jaamici J.D, USA


xasanjaamici@yahoo.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Marka hore waxa ka hadlayaa dhibaatooyinkaasi waxay yihiin, ka dibna waxaan ku soo gunaanadayaa Xalka Islamka uu u hayo dhibaatooyinkaasi.

Dhibaatooyinka La Xiriira Horudhaca Guurka Qurbaha:

Marka hore ee qeexo waxa dhibaato la yiraahdo aragtida Islaamka. Dhibaato waxaa ah wax walba oo ka soo horjeedo mabaadi’da guud ee diinta Islaamka ee dhibayo nafsadda qofka, sharaftiisa, caqligiisa, maalkiisa, isla markaana dhibayo guud ahaan bulsho weynta. Intaa ka dib, waxaa arkaa degaanka qurbaha aan ku nool nahay inuu yahay dhibaato weyn ee raad ku yeeshay horudhaca guurka ee gabadha iyo wiilka muslimka.

Degaanka iyo Raadkiisa horudhaca guurka:

Degaanka waxaan ula jeedaa: TV la daawado, buugaagta, joornaalada la akhristo, Cajalooyinka la soo kireysta, Aflaamta la fiirsado iyo Riwaayadaha, Waddada waxaad ku aragto, IWM. Degaanka waxaan ula jeeda wax weliba oo ay dadku sameeyeen ee raad ku leh dhaqanka aadamiga. Wiilka ama gabadha qurbaha jooga waxaa dhaqankooda raad ku leh arimaha aan kor ku soo xusay oy daawadaan ama akhristaan. Maskaxda caruurteena waxaa bar baariya waxay arkaan, maqlaan ama ay la joogaan maalin waliba. Dhalinyarada markay daawadaan TV ama ay arkaan laba gacmaha isheysta oo is qabin, ama laba isla nool oo aan is qabin. Intaba waxay ku sawirmayaan caqliga qofka degaanka ku nool, caruurtan! a wayba ku koraan oo waxay noqotaa qeyb ka mid ah noloshooda.

Dhalinteena waxay iskuulada ku arkaan waxyaalo dhaqanka islaamka waafaqsaneyn laakiin sharci iyo dhaqan ka ah waddanka Maraykanka sida gabadha jirkeeda oy bar qaawiso ama wiil iyo gabar oo iskuulada hortooda ay ku sameynayaan waxayan afka qabin Karin oo ka soo horjeeda diinta Islamka. Dhibaatada halkaa ka imaanayso waxay tahay in wiilkii iyo gabadhii mari lahaa waddadii dhaqanka Islaamka ee ah doonashada inuu arkayo dhaqankan furan (Liberal Culture)oo xuduud aan jirin oo gabadha iyo wiilka qaan gaarka waxay rabaan ay isla sameynayaan iyagoon is guursan. Waayo dhaqanka cusub ee Maraykanka oo ka duwan kii awoowayaashooda hore ayaa ah in gabadha iyo wiilka ay wada degi karaan iyagoon is qabin marka ay gaaraan da’da sharciga ee 18 jir. Taasi ! waxay raad ku yeelatay dhalin yaro musliim ah oo qurbaha ku nool.

Maalin, anigoo nikaax sameynayo ayaan furay su’aalo ku saabsan guurka in la weydiiyo. Wiil baa wuxuu I weydiiyey inay banana tahay in wiil iyo gabar soomaali ah ay guri wada degaan iyagoo is qabin. Kolkaasaan u sheegay inuu Nabi Muhammad NNK yiray: Ma banaana in wiil iyo gabadh ay qol keligooda ku wada sheekeystaan hadduusan la joogin maxram (Aabe, walaakeeda la dhashay ama qof aan geeyin). Mar hadduu xadiiska diiday isla joogidda noocaasi, maxaa mooday in la wada dego. Waxaa kaloo waddankan caado ka ah in habeenada sabtiga iyo axadaha raggu iyo habeen aan is qabin ay isku arkaan goobaha tumashada oo qaarkooda ay soo wada dhaxaan ama saacado badan ay wada joogaan, taasoo iyadan raad ku yeelatay dhaqanka dhalinyaradeena iyagoo og inay ka soo horjeeda waddada xalaasha ee guurka islaamka loo maro. Kulamadaasi dhaca guurka ka hor ee sharciga Islaamka ka soo horjeedo wuxuu fara kulul ku hayaa waddanka Maraykanka, kaaso raad ba'an ku yeeshay qoysaska muslimiinta ee ka mid ah bulsho weynta Maraykanka. Tusaale ahaan:

  1. Waddanka Maraykanka waa wadanka ugu badan gabdhaha yar yar ee uurka qaada marka lala bar bar dhigo dowladaha reer galbeedka.
  2. Dhibaatooyinka la xiriira gabdhaha uurooba ee aan la ogeyn waxay dowladdan Maraykanka kaga baxda 7 Billion oo dollar sanad kasta(waa miisaaniyad sanadeed dowladaha adduunka qaar ka mid ah).
  3. Maraykanka 10kii gabdhood, 4 baa uur qaada, ugu yaraan hal mar, sanad weliba intayan gaarin da'da 20 jir.
  4. Uurka noocaasi waxaa qaada hal milion oo gabdhood sanad weliba.
  5. 10kiiba, 8 ka mid ah uguma tala gelin inay uur qaadaan.
  6. Uurkaasi 79% waa ilmo sharci daro ah ee aan guur ku dhalan.

Wixii faah faahin ah ee la xiriira dhacdooyinkaasi ka akhriso www.teenpregnancy.com

Way socotaa in shaa Allah....

Kulaabo: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad

Qore: Sheekh Xasan Jaamici
(HASSAN Ali Mohamud)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
http://somalitalk.com/usa/immgrnt.html 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD