SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo   

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaalo dhexmaray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Ciidamada cadawga Itoobiya oo dada badan ku xidh xidhay dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya.
  • Ø 600 oo Arday oo Jaamacada Maqale wax ka baransay ayaa Rashinkii ka soomay.
  • Ø Nin Joornaaliste ah oo u dahshay wadanka Solvaniya oo ay Itoobiyia xabsiga u taxaabtay.
  • Ø Wasiirka arimha dibada ee Eritrea oo ugu baaqay wasiirka arimha dibda ee Masar in la xoojiyo sidii Soomaaliya nabada waarta looga dhalin.
  • Ø Qaybtii labaad ee riwaayadii igaguur kaagama guuro gumaysi iyo Suugaan halgameed.

Dagaalo dhexmaray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

7.08.2003 Daag mir ah oo ay ku qaadeen Ciidamada xaq udirika Xoreeynta Ogaadeenya, ciidamada gumaysiga Itoobiya ee fadhiyay Koontaroolka magaalada Dhaga-Buur ayaa la sheegayaa in khasaare culis loogu gaystay. Dagaalkaas oo biloowday saqdii dhexe ayaa ciidamada cadawga ku riday khalkhal iyo argagax ay la haleeli waayeen si ay isu difaacaan.

Dhinaca kalana isla wakhtigaas dagaal ay qaar ka mid ah ciidamada xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen koox ku sugnayd magaalada dhagaxbuur dhedeeda oo Muusig ciyaarayay ayay waxay kaga dileen 3 Askari waxayna kaga dhaawaceen 5 Askari oo kale.

Iska hor imaad dagaal oo 8.8.2003 ku dhex maray Ceel-Jiir oo ka tirsan Dagmada Dhagax-Madaw Ciidamada geesiyiinta Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay Gudoomiyihii nabad galyada ee dagmada Dhagax-Madaw oo dagaal galinayay ciidamadii gumaysiga ee dagaalkaas soo qaaday waxaana lagaga dhaawacay ciidan badan oo lagu sheegay 9 Askari.

Dagaalkaas oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxaa ciidamada cadawga loogu gaystay jab iyo halaag ku riday baqe ay isu ciidami waayaan.

Ciidamada cadawga Itoobiya oo dada badan ku xidh xidhay dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya.

Warar aanu ka soo xiganay wakaalada waraka ee Ogaadeenya ayaa sheegaya dad badan oo ay ciidanada cadawga Itoobiya Xabsiyada u taxaabeen.

12.08.2003 waxay ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Birqod Xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah Odayaashii ku noolaa dagmadda Birqod oo ay ka mid yihiin.

  • Mohamed Cumar Ahmed.
  • Ahmed Sh. Yuusuf Mohamed.
  • Abdulaahi Saxardiid iyo
  • Saalah Macalin Cabdi.

Waraku waxay intaas ku darayaan in Laba kamid ah Odoyadaas laga qaatay Laba qori oo ay lahaayeen, oo ay Xoolahooda kaga difaacan jireen Libaaxa iyo waraabaha.

Sidoo kale waxaa xabsiga magaalada Qabri dahare loo taxaabay Odoyaal fara badan oo ka shaqaynayay nabad galyada gobolka ayna ka mid ahaayeen.

  • Haybe Cali Garas.
  • C/qaadir Yuusuf Cismaan.
  • Iyo nin lagu maga caabo Indha god.

Dhinaca kalana waxaa Magaalada Garbo Xabsiga ku yaala lagu xidhay 25/Oday, oo kiiba lagu ganaaxay 500/00 Bir.

Ilaa iyo hada macada sababta ay ciidamada Itoobiya Odoyadaas u xidh xidhayaan, balse qaar ka mid ah dadka magaalada ku nool oo u waramayay wakaalada wararka Ogadeenya (ONA) waxay u sheegeen in bar tilmaameed ay ciidamada gumaysigu ka dhigtaan wax garadka iyo Aqoonyahanka si ay wadanka uga haajiraan, marka dilka iyo xadhiga laga badiyo. Dadka aanu waraysiga la yeelanay oo aan doonaynin in magacyadooda la shaaciyo ayaa waxay noo sheegeen in eedeeymaha kaliya ee dadkaas loo soo jeediyo ay yihiin in ay ku jiraan dad ay qaraabo yihiin Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya oo dagaal hubaysan ku haysa Ciidamada cadawga Itoobiya si ay madax banaani uga qaataan Itoobiya.

600 oo arday oo Jaamacada Maqale wax ka baransay ayaa Rashinkii ka soomay.

Warar uu noo soo tabiyay wariyaha Radiyo Xoriya u jooga Magaalada Addis Ababa Xasan yare Cabdi ayaa sheegaya Cunto kasoon ay ku dhaqaaqeen maalintii Isniinta, Ardayda wax ka barata Jaamacada Maqale ee wadankaasi Itoobiya. Cunta ka soomidan ayaa waxay ka danbeeysay cabashooyin ay ardaydu u soo jeediyeen Xukuumada Addis Ababa oo la xidhiidha sida loola dhaqmo dadka ay dawladu ku tuhunto in ay ka soo horjeedaan iyo in laga xidho Xafiis ay ka furatay Nabad sugida Itoobiya Jaamacada Maqale gudaheeda.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ayaa la sheegayaa in ay dhawr jeer la kulmeen Ardayda balse ayna waxaba ka qaban cabshooyinkii ay ardaydu soo jeediyeen.

Waraku waxay intaas ku darayaan in ay dawladu ciidamo ku wareejisay Jaamacada, taasina ay dhalisay gadood ay Ardaydu ku burburiyeen Dariishadihii iyo Albaabadii Jaamacada. Qaar badan oo Ardaydaas ka mid ah ayaa lasheegayaa in ay xaaladooda nol halis ku jirto.

Nin Joornaaliste ah oo u dhashay wadanka Solvaniya oo ay Ethiopia xabsiga u taxaabtay.

Wariyaha wakaalada wararka Ogaadeenya ee magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in ay Xabsiga u taxaabeen ciidamada Booliska Itoobiya nin Joornaaliste iyo Qoraa caana ahaa oo magaciisa la yiraahdo Tomo Krizarninkaas una dhashay wadanka Solvaniya.

Ninkaas oo laga soo qabtay xadka u dhaxeeya Suudan iyo Itoobiya, ayay ciidamada Itoobiya sheegeen in uu ku hadlayay Telefoonka Mobilka loo yaqaano, isla markaasna uu ku hadlayay waxyaabo lid ku ah arimaha Itoobiya. Tomo ayaa Arbacadii lasoo dhaafay la keenay maxakamada dhexe ee Itoobiya si loogu qaado danbiyada ay ku soo eedeeyeen Booliska wadanka Itoobiya, balse markii wariyahaas laweeydiiday waxa ka jira eedeeymahaas waxuu cadeeyay in ayna waxba kajirin uuna wax ka qorayaya dadka Sumuraha ee deegaankoodu yahay meesha laga soo qabtay.

Waraku waxay intaasi ku darayaan in ay maxakamada ka codsadeen ciidamada Boolisku in ay sii hayaan ninkaas si ay baadhitaankooda u sii wataan, maxakamaduna way ogolaatay oo xabsiga ayaa dib loogu celiyay. Xadhiga ninkan iyo eedeeymaha loo soo jeediyaya ayaa waxaa canbaaeerar Ururada u dooda Xuquuqda suxufiyiinta waxayna ku tilmaameen ku celinta xabsigaas wax uusan damiirka fiican qaadan karin.

Wasiirka arimha dibada ee Eritrea oo ugu baaqay wasiirka arimha dibda ee Masar in la xoojiyo sidii Soomaaliya nabada waarta looga dhalin lahaa.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Asmara ayaa waxay sheegayaan in wasiirka arimaha dibada ee wadanka Eritrea Mr. Cali Siciid Cabdaalla uu u diray fariin wasiirka arimaha dibada ee wadanka Masar.

Fariintaas oo qoraal aheed ayuu wasiirku ugu sii dhiibay safiirkii hore ee wadanka masar u fadhiyi jiray wadanka Ertrea. Mr. Cali waxaa uu ugu baaqay dawlada Masar in ay Labada wadan iska kaashadaan sidii wadanka Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, loogana dhalin lahaa dawlad loo wada dhanyahay oo u adeegta danaha shacabka Soomaaliyeed. Wasiirku waxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in meesha laga saaro dadka danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya oo ka faa, iidaysanaya khilaafaadka dhex dooda ah.

Radio Xoriyo

22.08.003

Dhoodi Danwaa.



raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD