SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo   

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Shir lagaga hadlayey arimaha xuquuqul insaanka oo ka dhacay Magaalada Toronto ee Dalka Kanada.
  • Ø Shir ay isugu timid Jaaliyada reer Ogadenya ee Finland.
  • Ø War saxaafadeed ay siwadajir ah usoo sareen Ururada ONLF, OLF & SLF
  • Ø Lataliyhii madaxwaynaha Itoobiya ee dhinaca sharciyada oo isdaldalay.
  • Ø Koox dhan oo ka mid ah fanaaniita Itoobiya oo iska dhiibtay wadanka Ingiriiska.
  • Ø Qaybtii saxexaad ee Riwaayadii iga guur kaagama guuro Gumaysi iyo Suugaan halgameed aad ka heli doontaan.

Shir lagaga hadlayey arimaha xuquuqul insaanka oo ka dhacay Magaalada Toronto ee Dalka Kanada.

Waxaa 23, 08.2003 ka dhacay Magaalada Toronto ee dalka Kanada shir balaadhan oo loogaga hadaley ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee ay dawlada Itoobiya kula kacdo shacabka Ogaadeeniya ee ay gumeysato. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeeniya waxaa ka soo qayb galay wufuud ka kala timid daafyaha kanada iyo dhamaan qaybaha ururada bushada ee Jaaliyadda Ogaaadeeniya ee Kanada. Shirka waxaa lagu furay qoraal ay aqriyeen laba wiil oo aad u dayar oo lagu kala magcaabo Guuleed Cabdulahi iyo Yaasir Rabaale Sayid oo ku qoraa luuqada Ingiriiska, wuxuu ahaa qoraal koobaya dhibaatada taxanaha ah ee gumeysiga Itoobiya ku hayo shacabka Ogaadeeniya. Dadkii shalay halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Fawsiyo Cabdulqaadir oo ah Madaxa Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeeniya ee Kanada oo warbixin ka bixisay shir heer caalami ah oo ay ka qayb gashay bishii June 7-10, 2003 oo ka dhacay wadanka Ireland.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Aqoonyahanada Aduunka ee u dooda xasuuqa Aadamaha. Fawsiyo waxay sheegtay in Ururka Xuuququl Insaanka Ogaadeniya uu xubin buuxda ka yahay ururkaas qaban qaabiyey shirka, waxaa kale oo ay tilmaantey in Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeeniya dadaal ugu jiro sidii uu dhibaatada Ogaadeeniya caalamka ugu soo bandhigi lahaa, isaga oo diyaarin doona warbixno loo diyaariyey qaab tacliineed (Academics), isla markaana abuubuli doona shirar caalami ah.

Balse waxaa shirka jawigisii iyo xamaasadii uu ku socdey wax ka bedeshay warbixin ay Moxamuud Ugaas Muxumed iy Axmed Cabdullahi Axmed ka soo jeediyeen shirka. Warbixintan oo ka koobneyd sawiro iyo qoraalo taabanaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta Ogaadeeniya oo loo soo diyaariyey qaab heer sare ah ayaa dadweynihii oo ay ugu horeeyaan caruruurtu u diiday in ay ka kacan kuraasta, waxaana soo jiitay muuqaalka warbixinta oo u badnayd sawiro ay ku ladhanyihiin ereyo ka turjumaya nuxurka ama micnaha sawirada. Moxamuud Ugaas iyo Axmed Cabdulahi waxay warbixintooda ku soo gunaanadeen sida ay Ogaadeeniya barwaaqo ugu tahay hadana dadkeedu gaajo iyo cudur ugu le,anayaan taas oo ay gundhig uga dhigeen dhibaatada ay dawladda Itoobiya ku hayso shacabkaas iyada oo aanan u ogolayn haba yaraatee wax horumar ah.

Waxaa kale oo ay labada Mudane xuseen dhibaatada shaqsiyadeed ee ka soo gadhey gumeysiga Itoobiya, tusaale ahaan Axmed Cabdullahi oo ay gacanta midig 15 xabadood kaga dhufteen Ciidamada Itoobiya waxa uu sheegay in uusan muddo hal sano ah wax dhakhtar ah arag oo lagu qarinayey guryaha iyo geedaha hoostooda taasina keentay in uu naafo ka noqdo gacanta midig. Dhiaca kale Moxamuud Ugaas wuxuu aad ugu nuux nuuxsadey dhalanteedka dawladda Itoobiya ee ku saabsan waxa ay ku tilmaanto horumarinta taas oo uu sheegya in ay dawladda Itoobiya tahay mida ka soo horjeeda horumarinta isaga oo tusaale u soo qaatey hayado badan oo samafal ahaa oo ay Itoobiya albaabada u laabtey madaxdii iyo shaqaalihii hayadahaasna xabsiyada u taxaabtey, kadib markay aragtey heerka waxqabadkoodu inuu sareeyo, wuxuuna tusaale u soo qaatey Ogaden Welfare Society oo uu ka mid ahaa madaxdeeda, kadibna uu lafahiisa uga soo baxsadey.

Waxaa iyaguna qudbado kooban ka soo jeediyey shirka Dr. Cabdi Aaden oo ka waramay shir sanadeedkii Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee ka dhacay Stockholm, Swden June 27-29, 2003 iyo Mudane ku hadlayey magaca Jaaliyadaha Jamhuriyadda Soomalia oo ka sheekeeyey taariikhda sooyaalka ah ee Soomaalidu wadaagto, wuxuuna mudanuhu sheegay in dadka Soomaaliyeed hagar la,aan garab taaganyihiin walaalahooda Ogaadeniya ee la gumaysto. Waxaa iyaguna kaalin weyn buuxiyey hooyooyinka Ogaadeeeniya oo dadweynihii shirka isagu yimid ku madadaaliyey buraanburo qiiro xambaarsan. Gebogabadii shirka waxaa soo xiray wakiilka JWXO ee dalka Kanada Mudane Faarax Cismaan Gaab oo dadweynihii halkaas isagu yimid u soo jeediyey ereyo dar daran ah iyo sidii dadweynaha Ogaadeeniya ee Kanada jiifka uga kici lahaayeen una garab istaagi lahaayeen walaalahooda dhibtaaysan.

Shir ay isugu timid Jaaliyada reer Ogadenya ee Finland.

Waxaa 22.bishan sideedaad 2003 lagu qabtay hoolka shirarka ee dalada urarada aan dowliga ahayn ee magaalada Helsinki ee dalka Finland, shir si aad ah loo soo abaabulay oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyada reer Ogadenya sida Ururka Haweenka, Culuma diinka, dhalinyarada iyo Unaga JWXO ee Finland. Shirkaas oo wax yaabo badan lagaga hadlay waxaa kamid ahaa xaalada dhaqan dhaqaale iyo mida siyaasadeed ee ay kusugan yihiin shacab waynaha reer Ogadenya ee kusugan gudaha Ogadenya, xaalada siyaasadeed iyo Heerka uu marayo Halganka ay majaraha siyaasadeed iyo midka milatariba u hayso JWXO. Waxaa halkaas khudbada muhiim ah kasoo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Engineer Yusuf Maxamed oo kahadlay horumarka iyo wax qabadka jaaliyada iyo wax yaabaha ay Jaaliyadu hiigsanayso, waxaa sidoo kale halkaas kasoo jeeday hadal dhinacya badan taabanaya wakiilka JWXO Engineer Maxamed-rashid Axmed oo kahadlay heerka uu marayo Halganka gobanimo doonka ah ee kasocda Ogadenya, hurmarka laga gaadhay dhinacyada Mileteriga, Siyaasada, Dhimuqraatiyada, warbaahinta, burburka Cadowga iyo doorka looga baahan yahay Jaaliyadu in ay Buuxiso, Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad ufara badan, waxaa iyagana hadalo muhiim ah kasoo jeediyay xubnaha Orurka Haweenka reer Ogadenya ee Finland iyo odayaal aad uqiiradooy kadib markii looga xogwaramay xaalada dhabta ah ee uu kusugan yahay shacabka reer Ogadenya.

War saxaafadeed ay siwadajir ah usoo sareen Ururada ONLF, OLF & SLF.

war saxaafadeed ay siwadajira usoo sareen jabhadaha ONLF, OLF iyo SLF, ayaa waxay ku sheegeen in ayna waxba iska badalaynin halganka ay kula jiraan gumaysiga Itoobiya ee ku dhisan dhul balaadhiska. War saxaafadeedkaasi waxaa uu intaa ku daray, in Ururadii dhawaan ku shiray Washington ee macaaradka isku sheegay arinta ay wadan ay la mid tahay mida ay aaminsan yihiin kuwan hada u taliya Itoobiya iyo kuwii hada ko hor u talin jiray, oo ay isku hadaf yihiin. Waxa kale oo ay intaa ku dareeyn in ilaa iyo inta dadkooda looga ogolaanayo aayo ka tashigooda ayna maraba hubka dhigaynin lana dagaalamayaan gumaysiga gardarada ku dhisan ee Itoobiya.

Lataliyhii madaxwaynaha Itoobiya ee dhinaca sharciyada oo isdaldalay.

Warar aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya ayaa sheegaya in uu is daldalay lataliyihii dhinaca sharciyada ee madax waymaha wadanka Itoobiya Zaru Meles. Ninkan oo horay u ahaanjiray wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada ee Itoobiya ayaa daraad Maydkiisa laga helay isaga oo daldalan gurigiisa. Ilaa iyo hada ma soo bixin wax cadeeymo ah oo tilmaamaya dhimashada Zaru, balse warar iska soo horjeeda waxay sheegayaan in ninkaas ay Nabad sugida Itoobiya daldashay, halka ay kuwa kalana sheegayaan in uu isagu is daldalay kadib markii uu cadaadis kaga yimid dhinaca dawlada oo ku xadgudbaysa sharciga iyo qawaaniinta u dajisan dalka, isna uu muujiyay in uusan ku qanacsaneeyn habka loo adeegsanayo xuquuqda Muwaadinka. Si kastaba ha ahaatee waxay dad badan rumaysan yihiin in taliska Addis Ababa uu dabar gooynayo cid kasta oo uu ku tuhmo in ayna ku qanacasaneeyn hab maamuleedka ay ku hagayaan wadanka Itoobiya.

Koox dhan oo ka mid ah fanaaniita Itoobiya oo iska dhiibtay wadanka Ingiriiska.

Warar uu noo soo tabiyay wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada London ayaa sheegaya koox ka mid ahayd fanaaniinta Itoobiya oo magangalyo waydiistay wadanka Ingiriiska. Kooxdan oo ka koobneed 23 ayaa waxay dawdada Itoobiya u soo dirtay in ay riwaayado xanbaarsan hidaha iyo dhaqanka Itoobiya ka soo dhigaan wadamada Yurub iyo Bariga dhexe, hasa yeeshee waxaa magangalyo siyaasadeed waydiistay wadanka Ingiriiska 19 ka mid ahaa kooxdii ay dawladu u soo dirtay in ay Riwaayadahaas soo dhigaan. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdaas ay dawlada Ingiriiska u cadeeyeen in ayna wadankoodii ku laabanaynin arimo la xidhiidha dhinaca Amaankooda awgii. Ma aha markii ugu horaysay ee ay baxsadaan kooxo ay soo dirtay xukuumada sii dhacaysa ee talada wadanka Itoobiya haysa, waxaa mudo laga joogo 3 bilood wadamada Jarmalka iyo Talyaaniga iska dhiibay koox Isboorti ahayd. Talaabadan ay qaadeen fanaaniinta Itoobiya ayaa waxay muujinaysaa cadaalad darada gaadhay meel kasta oo bulshada ka mid ah iyo Burburka taliska TPLF ee sii cad ceedsanaya.

Radio Xoriyo

26.08.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD